16/07/2026
๐๐ช๐ช๐จ๐๐ ๐๐๐๐๐ก๐ก๐๐ฃ๐ ๐ช ๐๐๐ ๐๐ช๐ช๐จ๐๐ ๐ผ๐ง๐๐๐ฎ๐๐: ๐จ๐ฏ๐ฎ๐๐ฎ ๐ฆ๐ฐ๐ต๐ผ๐ผ๐น๐, ๐๐ผ๐ฟ๐ฎ๐บ๐ฎ ๐๐ค ๐ ๐ฟ๐๐๐๐๐ก๐๐๐๐๐ฎ๐ ๐๐ช๐ช๐จ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ ๐ผ๐ ๐ฝ๐๐ง๐๐ฎ๐๐๐จ๐๐ ๐๐ก๐ฟ๐ช๐๐จ๐๐๐ ๐๐ค ๐๐ ๐๐ช๐ช๐ก ๐๐๐ ๐ ๐ฟ๐๐๐๐๐๐๐ฎ ๐พ๐๐ก๐ข๐-๐๐๐๐๐๐๐จ๐ฉ๐ค๐ค๐๐๐ ๐๐๐๐ง๐ ๐ ๐๐๐จ๐ฉ๐๐ง-๐ ๐
Maamulka, macallimiinta, shaqaalaha iyo dhammaan ardayda ๐๐๐๐ฎ๐ ๐ฝ๐๐ฃ๐ช ๐๐'๐๐ ๐๐๐๐ค๐ค๐ก๐จ - ๐ฝ๐ค๐ง๐๐ข๐ waxay hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u dirayaan laba ka mid ah barayaashayada qiimaha badan ee sanadkan guul taariikhi ah ka gaadhay waxbarashada heerka labaad (Master's Degree) ee Amoud University.
Waxaan si gaar ah u hambalyaynaynaa:
๐๐๐๐๐ก๐๐ข๐๐ ๐๐๐ข๐๐ ๐พ๐๐ก๐ข๐ ๐๐ช๐ช๐ข๐๐ฃ oo ah ardayad sannadkii u dambeeyey ee (Sharciga Caalamiga ah ee Dadweynaha), kana tirsan Amoud University School of Postgraduate Studies & Research (AUSPGSR), Borama Campus, taas oo si guul leh u difaacday cilmi-baadhisteedii (Research Thesis) ee cinwaankeedu ahaa:
๐๐๐ ๐๐ค๐ก๐ ๐ค๐ ๐๐๐ฟ๐ ๐๐ฃ๐๐๐๐๐ข๐๐ฃ๐ฉ ๐๐ฃ ๐๐ค๐ข๐๐ก๐๐ก๐๐ฃ๐'๐จ ๐๐ฉ๐๐ฉ๐-๐ฝ๐ช๐๐ก๐๐๐ฃ๐ ๐๐ฃ๐ ๐๐ค๐ซ๐๐ง๐ฃ๐๐ฃ๐๐ ๐๐ง๐ค๐๐๐จ๐จ๐๐จ: ๐พ๐๐๐ก๐ก๐๐ฃ๐๐๐จ ๐๐ฃ๐ ๐๐ข๐ฅ๐ก๐๐๐๐ฉ๐๐ค๐ฃ๐จ ๐๐ฃ๐๐๐ง ๐๐ฃ๐ฉ๐๐ง๐ฃ๐๐ฉ๐๐ค๐ฃ๐๐ก ๐๐๐ฌ (Doorka Ka-qaybgalka Hay'adda UNDP ee Geeddi-socodka Dhismaha Dawladnimada iyo Hannaanka Maamul-wanaagga Somaliland: Caqabadaha Jira iyo Saamayntooda Marka Laga Eego Sharciga Caalamiga ah.)
Sidoo kale, waxaan hambalyo kal iyo laab ah u diraynaa:
๐๐๐๐๐ก๐ก๐๐ฃ ๐ผ๐๐ช๐๐๐ ๐๐ง ๐พ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ข๐๐๐๐๐ก, oo ka mid ah barayaasha qiimaha badan ee Ubaya Binu Ka'ab Schools, ayaa si guul leh u dhammaystay waxbarashadiisa heerka labaad (Masterโs Degree) ee ููู_ุชุฎุตุต: (Qaybta Shareecada iyo Asaaska Diinta, Takhasuska Fiqiga iyo Usuulka Fiqiga).
Macallinku waxa uu si guul leh u difaacay cilmi-baadhistiisii dhammaystirka ahayd ee heerka Master-ka, taas oo cinwaankeedu ahaa:
"ุงูุนููุจุงุช ูู ุงูููู ุงูุฅุณูุงู
ู (ุฏุฑุงุณุฉ ุชุทุจูููุฉ ุนูู ูุชุงุจ ุงูู
ุฌู
ูุน ูููููู)"
(Ciqaabaha ku xusan Fiqhiga Islaamka: Daraasad ku-dhaqan oo ku salaysan Kitaabka Al-Majmuuโ ee Imaam An-Nawawi).
Guushani ma aha oo keliya mid ay gaadheen labada macallin ee sharafta leh, balse waa guul ay wada leeyihiin dhaamn bahda , maadaama ay mar kale caddaynayso in barayaasheennu yihiin laf-dhabarta horumarka waxbarashada, isla markaana aanay marnaba ka daalin kobcinta aqoontooda, xirfaddooda iyo kartidooda si ay ugu adeegaan jiilka ay barayaan.
Dugsiyada Ubaya waxay si weyn ugu faantaa inay leeyihiin macallimiin rumaysan in waxbarashadu tahay safar aan dhammaad lahayn. Waa barayaal ku suntan mihnada macallinnimo oo heer sare ah, haddana si joogto ah isu horumariya, kuna takhasusa qaybaha kala duwan ee aqoonta, si ardaydu uga faa'iidaystaan waayo-aragnimo, cilmi iyo faham qoto dheer oo dhisa aqoon, akhlaaq iyo qiyam suubban.
Macallimiinta Ubaya waxaa lagu yaqaannaa inay sannad kasta ka mid yihiin aqoonyahannada ka qalin-jabiya jaamacadaha dalka iyo dibaddaba, iyagoo mar walba ku hawlan kor u qaadista heerka aqoontooda. Taasi waa furaha guulaha ay gaadhaan ardaydeennu iyo sumcadda sii kobcaysa ee dugsigeennu ku leeyahay bulshada dhexdeeda.
Maamulka dugsigu wuxuu mar kale xaqiijinayaa in ay ka go'an tahay maalgelinta tayada macallimiinta, dhiirrigelinta waxbarashada joogtada ah iyo dhisidda jawi waxbarasho oo soo saara arday ku hubaysan aqoon sugan, akhlaaq wanaagsan, karti hoggaamineed iyo qiyam sare.
Waxaan u rajaynaynaa ๐๐๐๐๐ก๐๐ข๐๐ ๐๐๐ข๐๐ ๐พ๐๐ก๐ข๐ ๐๐ช๐ช๐ข๐๐ฃ iyo ๐๐๐๐๐ก๐ก๐๐ฃ ๐ผ๐๐ช๐๐๐ ๐๐ง ๐พ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ข๐๐๐๐๐ก, caafimaad, cimri dheer iyo guulo ka sii waaweyn. Alle ha u barakeeyo cilmigooda, hana ka dhigo mid anfaca diinta, dalka iyo bulshada ay u adeegayaan.
"Macallin tayo leh waa furaha arday guulaysta, arday guulaystana waa aasaaska bulsho horumarta."
๐๐๐ข๐๐๐ก๐ฎ๐ค! ๐๐๐ข๐๐๐ก๐ฎ๐ค! ๐๐๐ข๐๐๐ก๐ฎ๐ค!