17/01/2025
Machadka RAHDI Institute oo bilaabi doonah shaqadii uu bulshada u hayey laga bilaabo
19.1.2025 incha allah
Mahadzanidiin
The RAHDI Institute is a leading research organization based in Boorama, focused on advancing human development. Non profit organization
Through comprehensive research, evidence-based solutions, and collaboration,
17/01/2025
Machadka RAHDI Institute oo bilaabi doonah shaqadii uu bulshada u hayey laga bilaabo
19.1.2025 incha allah
Mahadzanidiin
10/04/2024
Machadka Cilmi-baadhista iyo Horumarinta Aadamaha Ee Rahdi wuxu la qayb saanayah shacbi waynaaha soomaliyeed muunasibada Eid Fidri Awgeed inuu ilaahay Sanadkaa sanadkiisa ku gaadhsiiyo cafimaad iyo cibaado suuban تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال.
كل عام وانتم بخير
26/01/2024
21/04/2023
Waxa Machadka Cilmi-baadhista iyo Horumarinta Aadamaha Ee RAHDI institute hambalyo u dirayaah umada soomaliyeed Munaasibada Eid Fidriga Awgeed inuu ilahaay sanadkaa sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo
Eid Mubarik 2023 1444
22/03/2023
RAMADAN MUBARIK DHAMAAN UMADWAYNAHA SOMAALIYEED ILAAHAY RAMADANTA RAMADAANTIISA HA INAGU GAADHSIIYO BARWAQO IYO CAFIMAAD QAB
RAHDI Institute
18/03/2023
Alle ha u naxariisto fanaanadii Aamina Cabdilaahi Xirsi oo goor dhaweyd ku geeriyooday magaalada Boorama.
Aamiina waxa ay ka mid hablihii fanka ku biiray badhtamihii 1960-yadii, waxaana ay ahayd heesaa iyo majaajilayste .
Riwaayadaha ay jishay , waxa ka mid ahaa Gaal iyo Muslim ayaa idin leh gabdhoow , Dab jacayl kari waayaa , Bidaari sibiqbay kugu gashaa , Galbeed waa la xoreeyay, Beeneey waa run iyo kuwo kale.
Waxa ay la heestay fanaaniin ay ka mid ahaayeen , Maxamed Axmed Kuluc, Cabdinaasir Macalin Siciid, Axmed Gacayte Yuusuf iyo rag kale oo caan ahaa .
Aamiina Alle ha u naxariistee waxa ay carruur u dhashay abwaan Cabdi Aadan Xaad ( Qays) iyo fanaankii Cabdiraxmaan Cismaan Maxabe ( Cabdiraxmaan-dheere) oo ah aabaha dhalay fanaanada caanka ah ee Hodan Cabdiraxmaan.
Xigadho : Saab TV
10/01/2023
Taariikhda Duuliyihii ugu Danbeeyay Diyaarada Somali Airline oo ku geeriyooday Magaalada Kampala
Waxaa Jimcihii magaalada Kampala ee dalka Uganda ku geeriyooday Kabtan Jaamac Cabdilaahi Coofle oo ahaa duuliye taariikhda galay isagoo noqday kabtankii ugu dambeeyay ee duulimaadkii caalamiga ahaa ee Somali Airlines sanadkii 1991-kii.
Kabtan Coofle waxa uu ka duuliyay Muqdisho horraantii 1991-kii ciyaartii ugu dambaysay ee 'White Star Service' ilaa Frankfurt, xilligaasoo uu bilaabmay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya. Duullimaadkan ayaa ahaa safarkii ugu dambeeyay ee shirkad diyaaradeed oo heer qaran ah oo ku faani jirtay taasoo astaan u ahayd horumarka ay Soomaaliya gaartay xorriyaddii ka dib. Iyadoo ay jiraan duruufo adag, haddana Captain Coofle waxa ay shaqaalihii iyo rakaabkii diyaaradda ku xasuusteen inuu si geesinimo leh u gutay waajibaadkiisa shaqo, isaga oo hubinayey badqabka dhammaan rakaabka diyaaradda.
Diyaaradan oo mar ahaan jirtay astaanta hanka qaranka iyo isku xirka ganacsiga caalamiga ah ee Soomaaliya iyo diblumaasiyadda ayaa u adkeysan weyday saameyntii dagaalka iyo xasilooni darada siyaasadeed ee dalka, waxaana ugu dambeyntii lagu qasbay in ay joojiso dhamaan duulimaadyadii ay sameyn jirtay sanadkii 1991-kii.
Kabtan Jaamac Cabdilaahi Coofle wuxuu ka mid ahaa Baarlamaankii 8aad, ahaana Pilot muddo dheer usoo shaqeeyey Somali Airline , Duulimaadkii ugu dambeeyay ka dib, Captain Coofle waxa uu u guuray Ottawa Kanada isaga iyo qoyskiisa halkaas oo uu ugu dambeyntii magalgalyo ka helay.
Wareysiyo uu bixiyay ayuu si kal iyo laab ah uga hadlay waqtigii uu la shaqeynayay shirkadda diyaaradaha iyo sida ay isaga iyo saaxiibadiis ugu han weyn yihiin oo ay dalkooda ku metelaan hawada sare.
Allaha u naxariistee Coofle waxa uu ka mid ahaa kooxdii ugu horaysay ee duuliyayaal rayid ah oo Soomaali ah oo lagu tababaro Akademiyada Tababarka Duulista Hawada ee Jarmalka ee Lufthansa bartamihii 1960-yadii.
Geeridiisu waxay ahayd mid aad u murugo badan oo soo gaadhay warshadaha duulista hawada Soomaaliya, waxayna xusuusinaysaa naf-hurnimadii ay sameeyeen duuliyayaasha Soomaaliyeed ee naftooda u huray duulista.
Imam Xuseen Baarri .
Mogadishu-Somalia
18/08/2022
Bahda machadka cilmi baadhista RAHDI institute ay u dirayaan tacsi Ehelkii uu ka baxay Abwaankeenii Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi" oo magaalada Hargeysa ku geeriyooday goordhaweyd
Allaha Naxariistii jano ka warabiyo Aamin
12/08/2022
Waxa Machadka Cilmi-baadhista iyo Horumarinta Aadamaha Ee Rahdi uu hambalyo la wadaagayaa dhalinyarada Somaliland Munasibada Malinta DHalinyarada Aduunka
12 August 2022
| Monday | 09:00 - 17:00 |
| Tuesday | 09:00 - 17:00 |
| Wednesday | 09:00 - 17:00 |
| Thursday | 09:00 - 17:00 |
| Sunday | 09:00 - 17:00 |