22/05/2026
2
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from معهد الرسالة بربرة, Education, Berbera.
🚀 Macahdka Al-risaala Berbera, waa macahd lagu barto culuumta shareecada & luqada carabiga.
📍 Macahdku waxa uu udhowyahay garoon-ka rooga (HORSEED STADIUM)
☎️Kala xidhiidh-: 634754973 | 634549137
22/05/2026
2
21/05/2026
Maalintii Sabtida ahayd waxaa si rasmi ah uga bilaabmay Machadka Al-Risaala Berbera imtixaankii k**a dambaysta ahaa ee sanad dugsiyeedkan.
Waxaan alle uga baryaynaa dhammaan ardayda inuu u fududeeyo imtixaanka, kuna guuleeyo dadaalkooda iyo juhdigooda.
Maamulka iyo macallimiinta Machadku waxay ardayda u rajaynayaan guul, horumar, iyo mustaqbal ifaya.
"Weedhii uu kajeediyay Maamulahu xafladda muumuusida macalimiinta Mac-hadka Al-Risaala Berbera"
Axmed Shariif
04/05/2026
Q/2aad.
الجزء الثاني من فعاليات حفل تكريم المعلمين 🎉
لحظات مليئة بالفخر والامتنان، تجسّد حب الطلاب لمعلميهم وتقديرهم لعطائهم الكبير.
هنا تُصنع القمم… وهنا تُكتب أجمل الذكريات.
معهد الرسالة بربرة
04/05/2026
Q/1aad.
Shalay waxaa si heer sare ah uga qabsoomay, Barxadda Machadka Al-Risaala xaflad qiimo badan oo ay soo agaasimeen ardayda fasalka 3aad, taas oo ay ku maamuusayeen macalimiintooda sharafta leh.
Xafladdan waxay ahayd mid ka turjumaysay wanaaga, ixtiraamka, iyo qaddarinta ay ardaydu u hayaan macalimiintooda, kuwaas oo door weyn ka qaatay korinta aqoontooda iyo hagidda mustaqbalkooda. Waxaa ka muuqday farxad, midnimo, iyo dareen qiimo leh oo dhex marayay ardayda iyo macalimiinta.
Mahadnaq gaar ah waxaa mudan ardayda dadaalka badan ee abaabulay xafladdan quruxda badan, iyo sidoo kale macalimiinta dulqaadka iyo juhdiga badan geliyay waxbaridda jiilka soo koraya.
Waxaan rajaynaynaa in xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya ardayda iyo macalimiintu sii xoogaysto, isla markaana uu noqdo mid horseeda guulo iyo horumar joogto ah.
22/03/2026
عودا حميدا❤️🎉
Isku Soonoqod wanaagsan Maalinta bari ah ayuu furmayaa macahdku, oo kubeegan 23/03/2026.
معهد الرسالة بربرة
19/03/2026
🎉 Hambalyo Ciid Mubaarak 🎉
Maamulka, macallimiinta iyo ardayda Machadka Al-Risaala waxay hambalyo diirran u dirayaan dhammaan ummadda Islaamka, gaar ahaan bulshada Reer Soomaalilland, munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fitriga.
Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii, zakadii iyo dhammaan cibaadooyinkii aan soo gudanay bishii Ramadaan.
Ha inaga dhigo kuwa ku naalooda khayr, nabad iyo barwaaqo.
🤲 Waxaan Ilaahay ka baryaynaa:
Inuu qalbiyadeenna nadiifiyo,
midnimadeenna xoojiyo,
kana yeelo ciiddaan mid farxad, isu-soo dhawaansho iyo is cafin leh.
✨ Ciid Mubaarak, kullu caam wa antum bikhayr! ✨
— Machadka Al-Risaala Berbera
15/01/2026
🎉 Hambalyo.
Waxaanu hambalyo iyo Bogaadin udirayaa, dhamaan ardayda maanta ka qalin-badalatay, Jaamacada Alpha Berbera Waxaanu urajaynaynaa mustaqbal ifaya iyo horumar fiican.
27/12/2025
WAR-GALIN FASAX.
Waxaa lagu war-galinayaa dhamaan hawl-wadeenada, Ardayda iyo waalidiintaba in machadku fasaxyahay maalinta Sabtida iyo maalinta Axada.
- معهد الرسالة بربرة
🎯هنا تصنع القمم
22/12/2025
⏳Maalintii Sabtida ee toddobaadkan waxaa si habsami leh uga bilaabmay Machadka Al-Risaala Berbera imtixaanka Teeramka koowaad ee sanadkan.
Ardaydu waxay muujiyeen diyaar-garow wanaagsan iyo dadaal ay h**e ugu bixiyeen maadooyinka ay qaadanayeenn, taas oo ka tarjumaysa rabitaankooda ah inay gaadhaan guul iyo horumar.
Maamulka iyo macallimiinta machadku waxay u rajaynayaan dhammaan ardayda imtixaanka ku jira nasiib wacan iyo guul waarta.
هنا تصنع القمم 🚀
معهد الرسالة بربرة