05/08/2026
إنا لله وإنا إليه راجعون.
بقلوبٍ مؤمنةٍ بقضاء الله وقدره، وببالغ الحزن والأسى، تلقينا نبأ وفاة فقيدكم الغالي، وبهذا المصاب الجلل نتقدم إليكم بخالص التعازي وصادق المواساة، سائلين الله تعالى أن يتغمد الفقيد بواسع رحمته، وأن يسكنه فسيح جناته، وأن يغفر له ويرحمه، ويعفو عنه ويكرم نزله، ويوسع مدخله، ويغسله بالماء والثلج والبرد، وينقيه من الذنوب والخطايا كما يُنقّى الثوب الأبيض من الدنس.
نسأل الله العليَّ القدير أن يربط على قلوبكم، وأن يلهمكم الصبر والسلوان، وأن يجبر مصابكم، وأن يعظم أجركم، وأن يجعل ما أصابكم رفعةً في الدرجات وتكفيرًا للسيئات.
ونعزي أنفسنا ونعزيكم بقول النبي ﷺ: "إِنَّ لِلَّهِ مَا أَخَذَ، وَلَهُ مَا أَعْطَى، وَكُلُّ شَيْءٍ عِنْدَهُ بِأَجَلٍ مُسَمًّى، فَلْتَصْبِرُوا وَلْتَحْتَسِبُوا."
نسأل الله تعالى أن يخلف على أهله وذويه خيرًا، وأن يجعل قبره روضةً من رياض الجنة، وأن يجمعنا وإياه في جنات النعيم مع النبيين والصديقين والشهداء والصالحين، وحسن أولئك رفيقًا.
إنا لله وإنا إليه راجعون، ولا حول ولا قوة إلا بالله العلي العظيم.
15/07/2026
Dhamaan Maamulka , Macallimiinta Dugsiga Faca Weyn Al Al aqsa Primary and Secondary School waxay Hambalyo & Bogaadin U Dirayaan Muscab Muad Abdikani Hanafi O Loo Doortay Gudoomiyaha Kuliyada Sharciga & Qaanuunka Ee Jaamacada Banaadir Ee Magaalada Muqdishu .
Muscab aya intuu Kamid ahaa Ardayda Schoolka Al aqsa Wuxuu Caan ku Ahaa Dadaal Dheeri ah , Daacadnimo , Firfircooni & Hogaaminta Ardayda Taasoo Ku Kasbaday Quluubta Ardayda intuu Schoolka Dhiganayay .
Waxan U Rajeyneynaa Horumar Balaaran & Mustaqbal Ifaya inshaa Allaaaah.
Hambalyo Hambalyo Hambalyo
25/06/2026
🎉 𝗛𝗮𝗺𝗯𝗮𝗹𝘆𝗼 𝗔𝗿𝗱𝗮𝘆𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱! 🇸🇴
Al aqsa Primary and Secondary School wuxuu hambalyo & Bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee maanta soo gabagabeeyey 𝗜𝗺𝘁𝗶𝘅𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗲𝗲 𝗙𝗮𝘀𝗮𝗹𝗸𝗮 𝟭𝟮-𝗮𝗮𝗱, gaar ahaan ardayda reer 𝗕𝗲𝗹𝗲𝗱𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲.
Waxaan idiin rajaynaynaa 𝗴𝘂𝘂𝗹, 𝗻𝗮𝘁𝗶𝗶𝗷𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻 𝘄𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝘀𝗮𝗻, 𝗶𝘆𝗼 𝗺𝘂𝘀𝘁𝗮𝗾𝗯𝗮𝗹 𝗶𝗳𝗮𝘆𝗮.
“Aqoontu waa Furaha Horumarka.” 🎓
Guuleysta idim Alle ✅️🤲💥🖐
15/06/2026
Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiga Al aqsa Primary and Secondary School waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee maanta u fariisatay Imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026, gaar ahaan ardayda Al Aqsaa .
Waxaan idiin rajaynaynaa guul iyo natiijooyin wanaagsan. Ku kalsoonaada naftiinna, si deggan uga jawaaba su’aalaha, idinkoo Alle talo saaranaya.
Ilaahay ha idiin fududeeyo imtixaankiinna, hana idinka dhigo kuwa ku guulaysta natiijooyin wanaagsana Kasoo Hooya !
Guul iyo horumar ayaan idiin rajaynaynaa.
06/06/2026
بسم الله الرحمن الرحيم
Dhamaan Bahda Waxbarashada Gobolka Hiiraan Gaar ahaan Degmada Baledweyne Waxay Hambalyo & Bogaadin U Dirayaan Maamule Mohamud Mohamoud Isak Nor O Manta Difaacday Buugiisa Qalin Jabinta Heerka 2aad E Masterka .
Hadaba waxaynu Leeynahay Hambalyo Maamule Dadaalka Aad Wado Halkaas kasii wad Cilmigad Baratayne Allaha Ka dhigo Mid Naafac ah Oo Dadka Dalka & Diintaba Anfaca.
Aamiin. Aamiin. Aamiin
04/06/2026
🎉 𝑯𝑨𝑴𝑩𝑨𝑳𝒀𝑶 & 𝑩𝑶𝑮𝑨𝑨𝑫𝑰𝑵🎉
Dhammaan Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiga Faca Weyn ee Al-Aqsa waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Ilyas Abdullahi Khalif oo ka mid ahaa ardaydii ka qalinjabisay dugsiga oo si guul leh ugu daabacay maqaal cilmiyeed joornaalka caalamiga ah ee 𝑪𝒓𝒊𝒕𝒊𝒄𝒂𝒍 𝑷𝒖𝒃𝒍𝒊𝒄 𝑯𝒆𝒂𝒍𝒕𝒉.
Maqaalkan oo cinwaankiisu yahay “𝐌𝐞𝐚𝐬𝐥𝐞𝐬 𝐢𝐬 𝐁𝐚𝐜𝐤: 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐂𝐚𝐧𝐧𝐨𝐭 𝐀𝐟𝐟𝐨𝐫𝐝 𝐀𝐧𝐨𝐭𝐡𝐞𝐫 𝐎𝐮𝐭𝐛𝐫𝐞𝐚𝐤” maqaalkaan ayaa iftiiminaya halista dib u soo laabashada cudurka jadeecada ee Soomaaliya iyo baahida loo qabo xoojinta adeegyada tallaalka.
Waxaan ku faraxsanahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay door muuqda ka qaadanayaan cilmi-baarista iyo daabacaadaha heer caalami.
Hambalyo Ilyas, waxaan kuu rajaynaynaa guulo iyo horumar intaas ka sii weyn. 👏
Al aqsa Primary and Secondary School
.
30/05/2026
30 / May / 2026 Sabti. Mogadishu -Somalia
Waxaa Maanta Magalada Mogadishu kulan muhiim ah isugu yimaaday ardaydii ka qalin jabisay School Al Aqsa sanadkii 2024, kuwaas oo maanta wax ka barta jaamacadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wadajirka ardayda, is garab istaagga, is xog wareysiga, iyo sidii loo sii adkeyn lahaa iskaashiga iyo walaaltinimada Ka Dhaxeeya Ardayda Waxaan aad ugu faraxsanahay kulankan qiimaha badan, waxaana rajeyneynaa in uu noqdo bilow wanaagsan oo mideeya dhammaan ardayda Al Aqsa 2024 meel kasta oo ay joogaan.
Mahadsanidiin dhammaan kasoo qeybgalayaasha iyo cid kasta oo dadaalka gelisay qabsoomidda kulankan.
Hadaba Maamulka &.Macalimiina Dugsiga Faca
weyn Ee Al aqsa Primary and Secondary School
Bogaadinayaan Kulimada Wadatashiga ,midnimada , Fikrada Wadaagida & Iskawarqaba Ardayda Dhexdooda ah , Waxayne kula Dardaarmayaan Inay Marwalba Iska Warqabaan , Tashadaan , waxbarashadaadane Ku Dadaalaan si Ay U Gaaraan Hamigooda.
Ugu Dabeyntii Dugsiga Wuxuu Idin Rajeynayaa Horumar & Mustaqbal Ifaya inshaa Allaaaah.
Dhammaad
14/03/2026
Schoolka Al aqsa Primary and Secondary School Ahna Hoyga Aqoonta & Tarbiyada Ayaa Wacdaro Ka DhigayaaTartan Aqooneedka Bisha Barakeysan Ee Ramadaan Ee Taabo Galineyso Jaamacadda Central Ee Magaalada Beledweyne.
Schoolka Aya Iminka Soo Gaaray Wareega 4aad Ee Finalka Ayadoo lagu Wado in Dhawaan Tarntankaan Kusoo Idlaado Jawi Qurxoon .
Ugu Dambeyntii Dhamaan Maamulka & Macalimiinta Dugsiga Al aqsa Waxay Guul U Rajeynayaan Ardadooda Waxayne Guuleysta Marwalba .
Ducada & Bogaadinta Waa Dhankiina ASXBTA .
11/03/2026
Waa Qeyb Kamid ah Ardayda Schoolka Al Al aqsa Primary and Secondary School Primary and Secondary School Oo Maanta ilaa 22 Qoys Ugu Deeqay Cuno Isugu Jirtay Bariis , timir , saliid , Caano Iyo Biyo Dadka Adka U danta yar Ee Ku Nool Zoonaha Schoolka iyo Qeybo Kamid ah Magaalka .
Ardaydan Ayaa Si Iskood ah Isu Xilqaamay Kadib Markay Is tuseen in Ay Jiraan Dad an heysan Waxay Kaga Baxaan Bisha Barakeysan Ee Ramadaan .
Ugu Dameyn waxan Bogaadin, mahadcelin Balaaran , iyo Ducaba Ujeedineynaa Ardaydii Hormuudka u Ahayd Qobsoomida Barnaamijkan kaalmada Ah kune bixiyay Dadaal , waqti ,iyo Dhaqaale intuba iyo Qof waliba O Gacan ka Geestay Waxaan Leenahay Jazaakumullahi kheyr .
Wabillahi Al Towfiiq
18/02/2026
𝗥𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝘂𝗯𝗮𝗿𝗮𝗸 🌙✨🤍 𝗛𝗔𝗠𝗕𝗔𝗟𝗬𝗢!
Dhalashada bisha 𝗥𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮𝗻 𝟭𝟰𝟰𝟳 𝗛, oo ku beegan 𝟮𝟬𝟮𝟲 𝗠.
𝗛𝗔𝗠𝗕𝗔𝗟𝗬𝗢! 𝗛𝗔𝗠𝗕𝗔𝗟𝗬𝗢! 𝗛𝗔𝗠𝗕𝗔𝗟𝗬𝗢!
Guud ahaan umadda Muslimiinta, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda qiimaha badan ee bisha barakaysan ee Ramadan.
Alle ha inaga Aqbalo Soonka, Salaadda, iyo Camalka suubban, sidoo kale Alle ha inaga dhigo kuwii ka faa’iideysta kheyrka iyo barakada bishan barakaysan ee Ramadan.
Al aqsa Primary and Secondary School
,