01/06/2026
๐น ๐๐๐๐ซ ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ฒ ๐ค๐ ๐ญ๐๐ ๐๐๐ง ๐ฌ๐๐ฐ๐ข๐ซ๐ซ๐จ, ๐ช๐๐๐ซ๐ง๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ฒ ๐ค๐ ๐ญ๐๐ ๐๐๐ง ๐ญ๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก. ๐๐๐ฐ๐ข๐ซ๐ค๐๐ง ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ ๐ฑ๐๐ฆ๐๐๐๐ซ๐ฌ๐๐ง ๐ฒ๐๐ก๐๐ฒ ๐ฅ๐๐๐๐๐๐๐. ๐น
Sanadkii 2015, waxay ku wada fariisan jireen kuraasta fasalka ee Dugsiga Mujamac. Waxaa hortooda taagnaa macallin ku dadaalaya inuu aqoon ku beero qalbiyadooda, isaga oo aan ogeyn in maalin ay noqon doonaan hormuudyo bulshada lagu daydo.
Maanta, 11 sano kadib, waxay mar kale ku kulmeen Universal School.
Kulankani ma ahayn mid u dhexeeya macallin iyo arday oo keliya, ee wuxuu ahaa kulankii riyooyinkii shalay iyo guulihii maanta.
๐ Ardaydii shalay waxay noqdeen maamuleyaal jaamacadeed. ๐ Waxay noqdeen macallimiin saamayn ku leh kumannaan arday. ๐ Macallinkoodiina wuxuu maanta hoggaaminayaa dugsi, isagoo weli sii wada iftiiminta jiilal cusub.
Waxaa jirta farxad ka weyn guusha qofku gaaro; waa marka uu arko dad uu wax baray oo ka gudbay halkii uu joogay.
Macallinka ugu guusha badan ma aha kan fasalka ugu badan gala, balse waa kan bulshada ugu badan u soo saara hoggaamiyeyaal.
Sawirkani wuxuu caddeyn u yahay in aqoontu aysan lumin, dadaalkuna uusan dhammaan. Waxa uu ka sheekeynayaa xiriir aan waqtigu kala goyn karin, xushmad aan xil iyo mansab tirtiri karin, iyo guul ka dhalatay waxbarasho wanaagsan.
โจ ๐๐ก๐๐ฅ๐๐ฒ ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ฒ ๐ฐ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ง ๐ก๐๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐ฅ, ๐ฆ๐๐๐ง๐ญ๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ฒ ๐ฐ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ง ๐ก๐๐ฅ ๐ญ๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก ๐จ๐จ ๐ฌ๐ก๐๐ซ๐๐ ๐ฅ๐๐ก. โจ
๐ธ๐ด๐๐โค๏ธ