21/11/2024
Tabarak Academy.
# Hambalyo Ku Aaddan Maalinta Macallinka #
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan macallimiinta geesiyada ah ee juhdiga iyo dedaalka u hura sidii ay u hagi lahaayeen jiilalka soo socda. Macallimiintu waa iftiinka bulshada, horseedna u ah kobaca aqoonta, dhaqanka, iyo mustaqbalka dalkeenna.
Macallinow, waxa aad tahay laf-dhabarta horumarka; dulqaadkaaga, samirkaaga, iyo dedaaladaada lama iloobi doono. Waxaan kuu rajaynayaa caafimaad, farxad, iyo guul joogto ah.
**Maalinta Macallinka Ha Noolaato!**
Waxaad mudan tihiin sharaf iyo qadarin aan dhammaanayn.
_21-November-2024_CD.
30/10/2024
Abaal marinta qaar kamida ardayda kaalnaha h**e galay.
Academy For Languages and Social Studies #
13/06/2024
Exam End
التعليم التعليم ثم التعليم
09/04/2024
Eid Mubarak.
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال.
كل عام وأنتم بخير.
05/04/2024
Bismillah waxaa Maanta Soo gabagaboobay imtixaankii Ardayda Academiyadda Tabarak Academy ee isugu jirtay Arday dhameysatay Cilmiga Caafimaadka iyo ardayda Dugsiga Hoose/dhexe, dagaalkiinna Rabbi ha idinla garab galo.
Tabarak Academy ugu imaaw Waxbarasho Tayo sare leh iyo madooyin kala duwan sida:
1- Cilmiga diiniga ah(shareecada)
2- Luuqadaha(Arabic and English)
3- Koorsada Dugsiga hoose iyo dhexe
4- Cilmi Caafimaadka oo bilaash ah
(malinta khamiista iyo jimcaha).
Waxbarashada waa iftiinka nolosha.
Waxan u rajeyneynaa dhamaan bahda wax barashada Hormar iyo baraare waara InshAllh.
27/01/2024
Tabarak students
Midterm exam.
Waxbarta aan barwaaqo gaarnee.
07/07/2023
بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ
{Xaflad Qalin-jabin}
Waxaa shalay oo tariikhdu ku beegneyd 06/07/2023
qabsoomay xafladda qalin-jabinta dufcaddii 1-aad ee Academy-yadda Tabarak.
Ardayda qalin badalaneysay ayaa gaaraysay Ku dhawaad 60 arday oo isugu jirtay qeyb ka qalin badalatay barashada "luqadda carabiga" iyo qeyb
" General health" caafimadka guud ka qalin badalatay.
Xafladda oo si heer saraa looso qaban-qaabiyey ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin kala duwan, maamulada jaamacadaha, maamulada dugsiyada waxbarasho, waalidiin, macalimiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka kuwaas oo duco, dardaaran iyo balanqaadba inta ay xaflada socotay u jeediyey Ardeyda qalin-jibineysay.
Ugu danbeyn waxaa ay ardeyda qalin badaleynaysay shahaado sharaf gudoonsiiyeen maamulka iyo macalimiinta
Academy-yadda Tabarak.
(Saw inaan cilmiga doonanaa dowga Qura maahan).
Hg:Tabarak Academy ugu imaw Tacliin tayo iyo toosnanba leh.
Sawiro Q--- {1}
27/06/2023
{السلام عليكم ورحمة الله وبركاته}
Dhamaan umadda islamka ah meel walba ay jogaan gaar ahaan umadda soomaliyeed qeybeheda kala duwan si bahda waxbarashada, waxa ay Academy-yadda Tabarak ugu hambalyeyneysaa munasabadda malinta farxadda leh ee ciidda, waxa ayna Alle ka baryeysaa in ciiddan ciiddeda kale ku garsiiyo umadda somaliyeed nabad , barwaqo iyo xasilooni.
عيدكم مبارك