26/08/2025
Soo Dhaweyn
Maamulka iyo Macalimiinta Galgal Weyn IDP Primary School waxa ay si diirran ugu soo dhaweynayaan bulshada jecel waxbarashada ee doonaya in ay ubadkooda mustaqbal fiican u abuuraan. Iskuulkani waxa uu fursad waxbarasho siinayaa carruurta nugul ee kasoo jeeda barakacayaasha iyo bulshada deegaanka, isaga oo xooga saaraya aqoon tayo leh, anshax iyo hiigsi mustaqbal wanaagsan.
Waxaan ku casuumaynaa dhammaan bulshada inay qayb ka noqdaan safarka waxbarasho ee carruurta, taageerada iyo dhiirrigelintana waa lama huraan si aan u gaarsiino yoolkeena guud ee ah: βCarruur walba ha hesho fursad waxbarasho.β