Qaar ka mid ah ardayda barata luuqadda Ingiriisiga ee Machadka Al-Qamar Educational Academy ayaa ka qayb galay bandhigga Al-Qamar Reading Forum, halkaas oo ay ku soo bandhigeen xirfadahooda akhriska, fahamka qoraallada, iyo hadalka. Ka qaybgalka madashan ayaa qayb ka ah dadaallada machadku ugu jiro horumarinta aqoonta, kalsoonida, iyo kartida ardaydiisa.
Al-Qamar Educational Academy
Al-Qamar Educational Academy is a nonprofit institution, that is committed to build the community through education.
the Academy was founded in 2013 and produced alot of students those are serving now in the government offices and among the society.
18/07/2026
Machadka Al-Qamar Educational Academy wuxuu hambalyo u dirayaa dhammaan ardayda si guul leh u qaatay tababarka ku saabsan cannulation techniques.
Tababarkani wuxuu ardayda ku xoojiyay xirfadaha muhiimka ah ee gelinta cannula si waafaqsan habraacyada caafimaadka iyo badbaadada bukaanka.
Waxaan idin rajaynaynaa guulo waaweyn iyo horumar joogto ah oo dhanka waxbarashada iyo xirfaddiinna caafimaad.
16/07/2026
Sawiro: Qaar ka mid ah ardayda barata luuqadda Ingiriisiga ee Machadka Al-Qamar Educational Academy ayaa ka qayb galay bandhigga Al-Qamar Reading Forum, halkaas oo ay ku soo bandhigeen xirfadahooda akhriska, fahamka qoraallada, iyo hadalka. Ka qaybgalka madashan ayaa qayb ka ah dadaallada machadku ugu jiro horumarinta aqoonta, kalsoonida, iyo kartida ardaydiisa.
15/07/2026
Waxaa shalay imtixaanka laba-biloodleedka (Bi-Monthly Exam) u fariistay ardayda Machadka Al-Qamar Educational Academy. Imtixaankan ayaa lagu qiimeynayaa heerka aqoonta iyo fahamka ardayda ee casharradii ay soo barteen muddadii labada bilood ee la soo dhaafay.
Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda guul, dadaal iyo natiijooyin wanaagsan. Alle ha u fududeeyo.
10/07/2026
Mas'uuliyiinta Sare ee Midowga Ardada Machadka Al-Qamar Educational Academy ayaa maanta guddoomiyey kulan muhiim ah oo diiradda lagu saaray dib-u-eegista hawlaha iyo adeegyada uu Midowgu u hayo ardayda, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyey heerarka waxqabadka iyo horumarka laga sameeyey.
Kulanka intii uu socday, xubnaha hoggaanka ayaa si qoto dheer uga dooday qorshayaal iyo istaraatijiyado cusub oo lagu xoojinayo laguna laba jibbaarayo waxqabadka Midowga, si loo sii horumariyo adeegyada loo fidiyo ardayda loona adkeeyo doorka Midowgu ku leeyahay matalaadda iyo horumarinta danaha ardayda.
Sidoo kale, kulanku wuxuu ku soo dhammaaday jawi is-afgarad, wada-tashi iyo go'aanno muhiim ah oo lagu dardargelinayo hirgelinta qorshayaasha la dejiyey, iyadoo mudnaanta la siinayo wada-shaqeyn, hufnaan, isla xisaabtan, iyo bixinta adeegyo tayo leh oo waxtar u leh dhammaan ardayda Machadka Al-Qamar Educational Academy
All hands on deck.
06/07/2026
Midowga Ardada Machadka Al-Qamar Educational Academy ayaa si guul leh u qabtay kulan muhiim ah oo loogu magac daray "๐๐๐๐ญ๐ข๐ง๐ ๐๐๐ญ๐ฐ๐๐๐ง ๐๐ญ๐ฎ๐๐๐ง๐ญ๐ฌ ๐๐ง๐ ๐๐จ๐ฆ๐ฆ๐ข๐ญ๐ญ๐๐"
Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhexeysa ardayda iyo guddiga ardayda, iyadoo si hufan oo daahfuran looga wada hadlay arrimaha khuseeya horumarinta tacliinta, tayeynta adeegyada ardayda, iyo kor u qaadidda doorka hoggaamineed ee guddiga.
Intii uu kulanku socday, waxaa la isweydaarsaday fikrado wax-ku-ool ah oo ku salaysan kalsooni, is-ixtiraam, iyo aqoon, waxaana si gaar ah diiradda loo saaray baraarujinta mas'uuliyadda guddiga ardayda, xoojinta isla xisaabtanka, iyo dhiirrigelinta ka-qaybgal firfircoon oo ay ardaydu ku leeyihiin horumarinta machadka.
Kulanku wuxuu ku soo dhammaaday jawi isfaham iyo wadajir ku dhisan, iyadoo dhammaan ka qaybgalayaashu ay muujiyeen sida ay uga go'an tahay sii xoojinta wada-shaqeynta iyo horumarinta deegaanka waxbarasho ee Al-Qamar Educational Academy.
04/07/2026
Machadka Al-Qamar Educational Academy wuxuu si sharaf leh u ogeysiinayaa dhammaan ardayda iyo bulshada inteeda kale inuu billaabayo koorso bilaash ah oo loogu talagalay Basic Mathematics (Xisaabta Aasaasiga ah).
Wixii faahfaahin ah kala xiriir: 252 613101680 / 252 613327249.
02/07/2026
SAWIRO: Kulan Ciyaareedkii Kubadda Cagta ee Machadka Al-Qamar oo Soo Gabagaboobay
Waxaa maanta si rasmi ah u soo idlaaday tartankii kubadda cagta ee u socday ardayda Machadka
Al-Qamar, iyadoo kulankii ugu dambeeyay (Final-ka) ay isaga hor yimaadeen kooxaha Alhudda iyo Black Lions.
Kulanka ayaa ahaa mid xiiso badan oo ay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar heer sare ah. Ugu dambeyn, kooxda Black Lions ayaa ku guuleysatay koobka tartanka kadib markii ay 4 gool ku garaacday kooxda Alhudda, taasoo ka dhigtay horyaalka sanadkan.
Guushan ayaa farxad weyn u horseeday ciyaartoyda, taageerayaashooda iyo maamulka kooxda Black Lions, halka tartankuna uu ku soo dhammaaday jawi wanaagsan oo muujinaya isboorti, tartan iyo iskaashi ka dhex jira ardayda Machadka Al-Qamar.
01/07/2026
Kulan Ciyaareedkii Kubadda Cagta ee Machadka Al-Qamar oo Soo Gabagaboobay
Waxaa maanta si rasmi ah u soo idlaaday tartankii kubadda cagta ee u socday ardayda Machadka
Al-Qamar, iyadoo kulankii ugu dambeeyay (Final-ka) ay isaga hor yimaadeen kooxaha Alhudda iyo Black Lions.
Kulanka ayaa ahaa mid xiiso badan oo ay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar heer sare ah. Ugu dambeyn, kooxda Black Lions ayaa ku guuleysatay koobka tartanka kadib markii ay 4 gool ku garaacday kooxda Alhudda, taasoo ka dhigtay horyaalka sanadkan.
Guushan ayaa farxad weyn u horseeday ciyaartoyda, taageerayaashooda iyo maamulka kooxda Black Lions, halka tartankuna uu ku soo dhammaaday jawi wanaagsan oo muujinaya isboorti, tartan iyo iskaashi ka dhex jira ardayda Machadka Al-Qamar.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Baydhabo