23/05/2026
Sawiro tartan qeebta 2aad
Iskuulka Ibadu-rahman waxa uu ku yaalaa magaalada Baydhabo gaar ahaan Xaafada Cadaado.
23/05/2026
Sawiro tartan qeebta 2aad
23/05/2026
Sawiro : qeybta 1aad
23/05/2026
MUNAASABAD FASAL XIRASHO ,IYO QADO SHARAF EE FASALKA6AAD
Waxaa si guul ah inoogu soo dhammaatay munaasabaddii Duco, Qado Sharaf iyo Fasal-Xirashada Fasalka 6aad .
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa:
foomastarka fasalka 6aad, Xasan Cabdi Maxamuud (Kaafi), dadaalka weyn, juhdiga joogtada ah, iyo kaalinta muuqata ee uu ka qaatay hagidda iyo horumarinta ardayda fasalka 6aad. Runtii wuxuu muujiyay masuuliyad, dulqaad, iyo dadaal mudan in lagu ammaano.
Waxaan Alle uga baryeynaa ardayda fasalka 6aad inuu u fududeeyo waxbarashadooda, kana dhigo kuwo dalkooda iyo dadkooda anfaca. 🤲
Sidoo kale, waxaan u mahadcelineynaa cid kasta oo ka shaqeysay diyaarinta iyo hirgelinta munaasabaddan qiimaha badan leh. Waxaa ay ahayd maalin xusuus iyo farxad mudan.
🎓 Hambalyo fasalka 6aad 🎓
Guul iyo horumar ayaan idiin rajeyneynaa Insha Allah.
22/05/2026
Hambalyo dhammaan ardayda fasalka 6aad iyo 7aad ee bari u tartamaya finalka tartan aqooneedka cimi iyo akhlaaq ee iskuulka Ibadu-rahmanpss .
Waxaan idiin rajeynayaa guul, dadaal iyo kalsooni. Tartanku waa fursad lagu muujiyo aqoonta, kartida iyo anshaxa wanaagsan. Ku dadaala isku kalsooni, diyaar garow iyo is ixtiraam.
Guushu ma aha oo keliya koob ama kaalinta koowaad, balse waa dadaalka iyo geesinimada aad muujisaan.
Allaha idiin fududeeyo, hana ka dhigo tartan kheyr iyo horumar leh
22/03/2026
📢 OGAYSIIS MUHIIM AH 📢
OGAYSIIS! OGAYSIIS!! OGAYSIIS!!!
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan waalidiinta, ardayda, macallimiinta iyo shaqaalaha iskuulka in dib loo furi doono iskuulka, haddii Alle idmo, maalinta Sabtida ah, taariikhduna ku beegan tahay 28-ka bisha Maarso 2026.
Waxaan si gaar ah uga codsaneynaa dhammaan ardayda iyo waalidiinta in ay si diyaar ah ugu soo laabtaan waxbarashada, loona ilaaliyo waqtiga iyo nidaamka iskuulka.
📚 Fariin Dhiirrigelin ah:
العلم نورٌ والجهلُ ظلامٌ
العلمُ يرفعُ بيتًا لا عمادَ لهُ *** والجهلُ يهدمُ بيتَ العزِّ والشرفِ
Macnaha:
Cilmigu waa iftiin, jaahilnimaduna waa mugdi.
📌 Mahadsanidiin
Maamulka Iskuulka
19/03/2026
Hambalyo Ciid Mubaarak 🌙
Maamulka, macallimiinta, iyo ardayda Iskuulka Cibadurahman PSS waxay hambalyo u dirayaan dhammaan Muslimiinta munaasabadda Ciidda barakaysan.
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال، waxaana Alle ka rajaynaynaa inuu nagu gaarsiiyo kheyr, nabad, iyo barwaaqo.
Ciid Mubaarak 🤲