HADAF integrated school

Call Directions

HADAF integrated school Learning together today empowering citizens tomorrow

21/11/2025

Ogeysiis!
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardeyda Macallimiinta iyo Waalidiinta , iskuulku in uu fasax yahay berri oo sabti ah : 1 / 6 /1447 , 22-11-2025 Munaasabadda maallinta macallinka awgeed.
Mahadsanidiin dhammaan macallimiinta soomaaliyeed gaar ahaan macalimiinta Hadaf integrated school .

HAMBALYO MAALLINTA MACALLINKA SOOMAALIYEED .
21/11/2025

HAMBALYO MAALLINTA MACALLINKA SOOMAALIYEED .

24/06/2025

Ku: Dhammaan Ardayda

Dhinaca Diinta Islaamka:

1. Ixtiraamka Dharka iyo Asturnaanta:

Diinta Islaamku waxay amartaa in qofku:

Xirto dhar asturan, nadiif ah, oo aan noqon mid lagu caytamo ama lagu muujiyo wax ka hor imaanaya akhlaaqda Islaamka.

Ilaaliyo asturnaan iyo xishood — taas oo khilaafsan in dharka lagu qoro wax aan habboonayn ama loo adeegsado "kaftan xadgudub ah."

2. Khilaafka Anshaxa iyo Xurmada:

Ku qorista uniform-ka (oo ah dhar rasmi ah oo sumcad leh) farriimo aan akhlaaq ahayn ama mid aan qiimo diini ah lahayn, waxa ay ka hor imaan kartaa:

Akhlaaqda Islaamka ee xushmada leh.

Qadarin la'aanta waxbarashada iyo naftaada, taasoo si dadban u ah "ku ciyaarid ni'mada aqoonta."

Tixgelin la’aanta muuqaalka dadweynaha, waalidiinta, iyo macallimiinta.

3. Iska dhigid iyo ismaqriyo ka fog xishoodka:

Nabi Muxammad (SCW) wuxuu yiri:

> "Xishoodku waa farac ka mid ah iimaanka."
(Qoraal saxiix ah – Muslim & Bukhari)

Dabaaldegyada lagu muujiyo waxyaabo ka baxsan xadka, oo ay ka mid tahay wax lagu qoro dharka si lagu qoslo ama lagu kasbado dareenka dad kale, waxa ay khilaafayaan asluubta diinta.

✦ Gunaanad Dhinaca Diinta:

> Ku qorista dharka (uniform-ka) qoraallo aan akhlaaq ahayn ama layaab leh oo loogu talagalay dabaaldegga waxay noqon kartaa:

Xadgudub ku ah xishoodka iyo asturnaanta.

Ka hortimid qadarin la’aanta ilmiga iyo barashada.

Dhibaato u leh muuqaalkii diimeed iyo sumcadda ardayga Muslimka ah.

✅ Talo Diini ah:

U dabaaldeg guushaada si sharaf leh, xasuuso in ni’mada aqoonta iyo guusha ay tahay mid laga mahadceliyo – ee aan lagu faanin ama lagu xadgudbin xeerarka diinta iyo dadnimada.

> "Qofkii Alle u mahadceliya, Alle wuxuu u siyaadiyaa." (Qur’aanka Kariimka, Suurat Ibraahiim: 7)

Ha noqon qof guushiisa ku khasaariyay anshax darro!

Jadwalka Imtixaanka shaahdiga ah ee fasalka 8aad dugsiyada dhexe ee Dowladda Koonfur Galbeed, sanad dugsiyeedka 2024/202...
15/06/2025

Jadwalka Imtixaanka shaahdiga ah ee fasalka 8aad dugsiyada dhexe ee Dowladda Koonfur Galbeed, sanad dugsiyeedka 2024/2025.


integrated school.

12/06/2025
04/06/2025
Waa qaar Ka mid ah ardayda iskuulka oo macsalaameynayaa fasalka 3aad sanad dugsiyeedka 2024/2025.Sanad dugsiyeedka 2025/...
04/06/2025

Waa qaar Ka mid ah ardayda iskuulka oo macsalaameynayaa fasalka 3aad sanad dugsiyeedka 2024/2025.
Sanad dugsiyeedka 2025/2026 noqon doonaan fasalka 4aad Insha Allah.

Hambalyo Ardayda  oo maanta uu usoo gaba-gaboobay Imtixaanka Finalka 2024-2025.Dugsigu  waxay bogaadinaysaa xasillinooda...
04/06/2025

Hambalyo Ardayda oo maanta uu usoo gaba-gaboobay Imtixaanka Finalka 2024-2025.

Dugsigu waxay bogaadinaysaa xasillinooda u ku qabsoomay Imtixaanka Finalka, dadaalka ay bixiyeen Ardaydu iyo shaqada wanaagsan oo macaliminta soo qabteena.

Jadwalka Imtixaanka Finalka.Maalinta 4-aad, Arbaco, 4 June 2025.Guul baan u rajaynayaa dhammaan Ardayda.
03/06/2025

Jadwalka Imtixaanka Finalka.

Maalinta 4-aad, Arbaco, 4 June 2025.

Guul baan u rajaynayaa dhammaan Ardayda.

Address

0617304643
Baydhabo

Opening Hours

09:00 - 17:00

Telephone

+252615057664

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when HADAF integrated school posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share