Ogeysiis!
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardeyda Macallimiinta iyo Waalidiinta , iskuulku in uu fasax yahay berri oo sabti ah : 1 / 6 /1447 , 22-11-2025 Munaasabadda maallinta macallinka awgeed.
Mahadsanidiin dhammaan macallimiinta soomaaliyeed gaar ahaan macalimiinta Hadaf integrated school .
HADAF integrated school
Learning together today empowering citizens tomorrow
21/11/2025
HAMBALYO MAALLINTA MACALLINKA SOOMAALIYEED .
Ku: Dhammaan Ardayda
Dhinaca Diinta Islaamka:
1. Ixtiraamka Dharka iyo Asturnaanta:
Diinta Islaamku waxay amartaa in qofku:
Xirto dhar asturan, nadiif ah, oo aan noqon mid lagu caytamo ama lagu muujiyo wax ka hor imaanaya akhlaaqda Islaamka.
Ilaaliyo asturnaan iyo xishood — taas oo khilaafsan in dharka lagu qoro wax aan habboonayn ama loo adeegsado "kaftan xadgudub ah."
2. Khilaafka Anshaxa iyo Xurmada:
Ku qorista uniform-ka (oo ah dhar rasmi ah oo sumcad leh) farriimo aan akhlaaq ahayn ama mid aan qiimo diini ah lahayn, waxa ay ka hor imaan kartaa:
Akhlaaqda Islaamka ee xushmada leh.
Qadarin la'aanta waxbarashada iyo naftaada, taasoo si dadban u ah "ku ciyaarid ni'mada aqoonta."
Tixgelin la’aanta muuqaalka dadweynaha, waalidiinta, iyo macallimiinta.
3. Iska dhigid iyo ismaqriyo ka fog xishoodka:
Nabi Muxammad (SCW) wuxuu yiri:
> "Xishoodku waa farac ka mid ah iimaanka."
(Qoraal saxiix ah – Muslim & Bukhari)
Dabaaldegyada lagu muujiyo waxyaabo ka baxsan xadka, oo ay ka mid tahay wax lagu qoro dharka si lagu qoslo ama lagu kasbado dareenka dad kale, waxa ay khilaafayaan asluubta diinta.
✦ Gunaanad Dhinaca Diinta:
> Ku qorista dharka (uniform-ka) qoraallo aan akhlaaq ahayn ama layaab leh oo loogu talagalay dabaaldegga waxay noqon kartaa:
Xadgudub ku ah xishoodka iyo asturnaanta.
Ka hortimid qadarin la’aanta ilmiga iyo barashada.
Dhibaato u leh muuqaalkii diimeed iyo sumcadda ardayga Muslimka ah.
✅ Talo Diini ah:
U dabaaldeg guushaada si sharaf leh, xasuuso in ni’mada aqoonta iyo guusha ay tahay mid laga mahadceliyo – ee aan lagu faanin ama lagu xadgudbin xeerarka diinta iyo dadnimada.
> "Qofkii Alle u mahadceliya, Alle wuxuu u siyaadiyaa." (Qur’aanka Kariimka, Suurat Ibraahiim: 7)
Ha noqon qof guushiisa ku khasaariyay anshax darro!
15/06/2025
Jadwalka Imtixaanka shaahdiga ah ee fasalka 8aad dugsiyada dhexe ee Dowladda Koonfur Galbeed, sanad dugsiyeedka 2024/2025.
integrated school.
12/06/2025
04/06/2025
Waa qaar Ka mid ah ardayda iskuulka oo macsalaameynayaa fasalka 3aad sanad dugsiyeedka 2024/2025.
Sanad dugsiyeedka 2025/2026 noqon doonaan fasalka 4aad Insha Allah.
04/06/2025
Hambalyo Ardayda oo maanta uu usoo gaba-gaboobay Imtixaanka Finalka 2024-2025.
Dugsigu waxay bogaadinaysaa xasillinooda u ku qabsoomay Imtixaanka Finalka, dadaalka ay bixiyeen Ardaydu iyo shaqada wanaagsan oo macaliminta soo qabteena.
03/06/2025
Jadwalka Imtixaanka Finalka.
Maalinta 4-aad, Arbaco, 4 June 2025.
Guul baan u rajaynayaa dhammaan Ardayda.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Telephone
Website
Address
0617304643
Baydhabo
Opening Hours
| 09:00 - 17:00 |