11/06/2026
Maalinta Sabtida, taariikhdu markay tahay 13 June 2026, waxaa si rasmi ah inoogu bilaaban doona Imtixaanka ugu dambeeya ee Sanad Dugsiyeedka 2025β2026.
Maamulka iyo macallimiinta BMS waxay ku wargelinayaan dhammaan ardayda inay sameeyaan dadaal dheeri ah, dib-u-eegis joogto ah, iyo diyaar-garow buuxa si ay guul uga gaaraan imtixaanka.
Imtixaankani waa mid go'aaminaya natiijada dadaalkii iyo waxbarashadii sanadkan oo dhan, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in arday kasta si masuuliyad leh ugu diyaar garoobo.
Waxaan idinku boorrineynaa:
β’ Inaad si wanaagsan u akhrisataan casharradiinna.
β’ Inaad waqtigiinna si habboon u maareysaan.
β’ Inaad ka fogaataan wax kasta oo carqaladeyn kara waxbarashadiinna.
β’ Inaad imtixaanka ku timaaddaan waqtigiisa iyadoo la ilaalinayo anshaxa iyo nidaamka dugsiga.
Waxaan rajeynaynaa in dhammaan ardayda ay muujiyaan karti, dadaal iyo hufnaan, kana soo hooyaan natiijooyin wanaagsan oo sharaf u noqda naftooda, waalidiintooda iyo dugsigooda.
Guul iyo Gobannimo ayaan idiin rajaynaynaa.
BMS School Knowledge β’ Discipline β’ Success :::
FG. Maalinta sabti Subixii ayaa la galayaa imtixanka, laga bilaabo maalinta Axada ilaa uu Examka ka dhamaanayo gelinka dambe ayuu noo sii socon doonaa imtixaanka sidaas ula socda ardayda sharafta leh.
Axada: Saacadu 8 saac Duhur nimo