Aaran primary and secondary school

Aaran primary and secondary school

Share

kusoo dhowaada AAran Primary and Secondary School

21/03/2026

Wargelin ⚠️

Dhammaan ardada Dugsiga Aaran primary and secondary school waxaa lagu wargelinayaa in Beri oo Axad ah taariikhduna ay tahay 22 March 2026 uu si rasmi ah u furmi doono iskuulka oo daraasadii sideeda u socon doonto.

Haddaba dhammaan Ardayda waxaa lagu adkaynayaa inay soo xaadiraan waqtigii la imaan jirey oo ahayd 07:30 subxnimo.

Mahadsanidiin.

10/03/2026

OGEYSIIS FASAX.
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardayda iyo waalidiinta in Iskuulka Aaran maanta la fasaxay. Sababta fasaxa waa 10-ka dambe ee bisha barakaysan ee Ramadaan, si ay ardaydu uga faa’iideystaan cibaadada iyo fadliga maalmahan qiimaha badan.
Ardayda iyo macallimiinta waxaa lagu wargelinayaa in dib loogu soo laaban doono iskuulka 22-03-2026, si loo sii wato waxbarashada.

Mahadsanidiin.

03/03/2026

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Iskuulka Aaran Primary and Secondary School ayaa maanta oo Talaado ah, taariikhduna tahay 3-da Maarso 2026, si gaar ah u gaarsiiyey afuri walaalkeena, kadib markii ay ardayda iskuulka si wadajir ah iskaga soo uruuriyeen wixii tabartooda ah.
Ujeeddada arrintan kheyriga ah waxay ahayd in loo muujiyo garab istaag iyo walaaltinimo, isla markaana loogu soo duceeyo in Ilaahay u fududeeyo waxbarashada uu ku jiro, kana dhigo mid guul iyo horumar ku dhammaata.
Dhamaan ardayda Aaran Primary and Secondary School waxaa lagu bogaadinayaa midnimadooda iyo qalbigooda samafalka ah. Allaah haka ajar siiyo camalka wanaagsan, hana ka dhigo kuwo mar walba isku duuban oo is garab taagan. AAMIIN Yarabi.

17/02/2026

Waxaan dhammaan ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Waxaan Allah SW ka baryaynaa inuu naga aqbalo soonka iyo camalka suuban .
Ramadaan Kariim 🌙

Photos from Aaran primary and secondary school's post 17/02/2026

Maanta oo Talaado ah, taariikhduna tahay 17-ka Febraayo 2026, ayaa Guddoomiyaha Ardayda ee Aaran Primary and Secondary School ay soo qaban-qaabiyeen dhaabuur diini ah oo ku saabsan Bisha Barakaysan ee Ramadaan Kariim

Dhaabuurkan waxaa ka qayb-qaatay maamulka iskuulka, macallimiin, iyo arday, kuwaas oo jeediyay hadallo qiimo leh oo ku saabsan fadliga, cibaadada, iyo akhlaaqda suuban ee Ramadaan Kariim

Ujeeddada dhaabuurka ayaa ahayd in ardayda lagu dhiirrigeliyo ka faa’iidaysiga bisha barakaysan, adkeynta cibaadada, iyo ku dhaqanka akhlaaqda wanaagsan

Maamulka iskuulka ayaa bogaadiyay dadaalka Guddoomiyaha Ardayda iyo ka-qaybgalka firfircoon ee ardayda

Ramadaan Kariim



06/02/2026

Ogeysiis:

Dhammaan ardada Dugsiga Aaran primary and secondary school waxaa la ogeysiinayaa in Maalinta beri ah inaga soo aadan taariikhduna ay tahay 07 February 2026 uu dib u furmi doono iskuulka, dhammaan ardada waxaa lagu wargalinayaa in ay soo xaadiraan waqtigii loogu tala galay imaanshaha iskuulka.

Mahadsanidiin.

04/02/2026

Muuqaal kooban ciyaartii shalay .
Hambaliyo Hambaliyo Hambaliyo Fasalka 8aad .

Photos from Aaran primary and secondary school's post 04/02/2026

Tartanka kubadda cagta ee Iskuulka Aaran Primary and Secondary School – Zeer B ayaa si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyey shalay galabnimadii.
Ciyaarta k**a dambaysta ah waxaa isku arkay laba kooxood oo kala ah Team Black Eagles, oo matalayay Fasalka 7-aad, iyo Team KUUSOW, oo matalayay Fasalka 8-aad. Labada kooxoodba waxay soo bandhigeen ciyaar aad u xiiso badan, karti leh, isla markaana ay ka muuqatay tartan dhab ah.
Cup-ka ayaa si qurux badan oo nidaamsan ku soo dhammaaday.
Waxaan mahadnaq iyo bogaadin u diraynaa Guddoomiyaha Iskuulka Aaran iyo Ku-xigeenkiisa, dadaalka, kartida iyo hoggaaminta wanaagsan ee ay muujiyeen . Sidoo kale, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Guddoomiyaha Isboortiska Iskuulka iyo Ku-xigeenkiisa, hawlkarnimadooda iyo sida caddaalad, sinnaan iyo habsami leh ay u maareeyeen cup-ka.
Ugu dambayn, waxaa ku guuleystay cup-ka Team KUUSOW (Fasalka 8-aad).
Waxaan idin leenahay: Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo! 🏆👏





Photos from Aaran primary and secondary school's post 23/01/2026

ayaa maanta si rasmi ah ubilowday garoonka stadium washidon waxaa si wanaagsan ah u Dahfuray maamul ku xigeenka iskuulka Mudane Abdulaahi xasan mursal .
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah macalimiinta iyo gadomiyaha midowga ardayda iskuulka aaran mudane Haashim u maxamed diini maamul ku xigeenka ayaa cayaartoyda kula dardaarameyn in ay si wanaagsan u ciyaaraan.


Aaran primary and secondary school

Photos from Aaran primary and secondary school's post 17/01/2026

AARAN PRIMARY & SECONDARY SCHOOL
📍 Buur hakaba – Soomaaliya
Waxa maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka Janaayo 2026 si rasmi ah uga bilowday Imtixaanka Mid-Term Examination ee Iskuulka Aaran primary and secondary school .
Maamulka dugsigu waxa uu ardayda dhammaan u rajaynayaa guul, natiijooyin ay ku farxaan dhanaantood
📚✍️ alle ha idin fududeeyo imtixaanka

Photos from Aaran primary and secondary school's post 15/01/2026

Qeybta 5aad .
Doorashada midowga ardayda iskuulka Aaran Primary and Secondary School.

Want your school to be the top-listed School/college in Baydhabo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Baydhabo

Opening Hours

Monday 08:05 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00