Sheikh Aweis Primary & Secondary School-Baidoa

Sheikh Aweis Primary & Secondary School-Baidoa

Share

Sheikh Aweys Primary and Secondary School, is a free public school that serves the people of Baidoa.

please Follow Our Tiktok Account
https://www.tiktok.com/@sheikhaweys1?_r=1&_t=ZM-92juMUFuj9w

14/06/2026

Fariin Duco iyo Dardaaran

Maamulka iyo macallimiinta Dugsiga Sheekh Aweys waxay dhammaan ardayda Fasalka 8aad ee berri u fariisanaya Imtixaanka Dowladda u rajeynayaan guul iyo horumar.

Waxaan Alle uga baryeynaa inuu idiin fududeeyo imtixaanka, idiinna waafajiyo dadaalkii iyo diyaar-garowgii aad sameyseen. Ku kalsoonaada naftiinna, kuna dadaala inaad soo bandhigtaan aqoonta aad barateen.

🤲 Ilaahay ha idiinka dhigo kuwo guul iyo sharaf ku soo hoya dugsigooda, waalidkood, iyo dalkoodaba.

Guul Wacan Ardaydeena Qaaliga ah!

11/06/2026

إِنَّا لِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
Maamulka, macallimiinta, ardayda iyo dhammaan bahda Iskuulka Sheekh Aweys P.S.S waxay si murugo iyo tiiraanyo leh uga tacsiyeynayaan geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Ustaad Bashiir Adan abdi, oo ka mid ahaan jirey macallimiintii qiimaha badnayd ee Iskuulka Sheekh Aweys.

Ustaad Bashiir wuxuu bulshada iyo ardayda uga tegay xusuus wanaagsan, dadaal, akhlaaq iyo waxbarid hufan oo uu sannado badan ku soo adeegayey.

Waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu marxuumka ku mannaysto Janatul Fardowsa, qabrigiisana u waasiciyo, dambigiisana dhaafo. Sidoo kale waxaan samir iyo iimaan ka rajaynaynaa qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisa, ardaydiisii iyo dhammaan bahda waxbarashada ee uu ka baxay.
Ilaahay ha u naxariisto Ustaad Bashiir, Janadiisana ha geeyo. Aamiin.

10/06/2026

Nasra Cabdinuur Maxamed waa macallimad ka howlgasha Iskuulka Sheikh Aweis Primary & Secondary School-Baidoa . Waxay ka mid tahay macallimiintii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qaadatay sanadkii 2024.

Macallimad Nasra waxaa si weyn loogu jecel yahay iskuulka, waxaana sabab u ah dabeecaddeeda wanaagsan iyo sida ay mar walba ula dareen tahay ardaydeeda. Waxay si joogto ah u taageertaa, u hagtaa, una dhiirrigelisaa ardayda, taasoo ka dhigtay macallimad ay ardaydu aad u qadariyaan oo ay ku kalsoon yihiin.

04/06/2026

Maamulaha Sheikh Aweis, Mohamud Hajji Ali iyo Maamulaha Nurul Islam , Yasin Adan Ibrahim Yaasa

Photos from Aaran Studio's post 02/06/2026
02/06/2026
Want your school to be the top-listed School/college in Baydhabo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Barxada Steet, Howl Wadag Village
Baydhabo

Opening Hours

Monday 06:00 - 17:00
Tuesday 06:00 - 17:00
Wednesday 06:00 - 17:00
Thursday 06:00 - 17:00
Saturday 06:00 - 17:00
Sunday 06:00 - 17:00