معهد طيبة للغات والبحوث

معهد طيبة للغات والبحوث

Share

معهد طيبة معهد خاص أسس للتعليم اللغات الحية والبحوث
Tayba Institute is a private institute established for teaching modern languages ​​and research.

wixii Faahfaahin ah kala xiriir Lambarada hoose
0617439414
0614682563

Photos from ‎معهد طيبة للغات والبحوث‎'s post 13/07/2026

Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo!

Maamulka, Macallimiinta, iyo Bahda Machadka waxay hambalyo iyo bogaadin halkaan uga dirayaan Ustaad Abdishakur Isak Mohaud oo ka mid ah Macallimiinta Machadka oo si guul leh u difaacay buuggiisa Xeerka 1aad ee Kuliyadda Waxbarashada, qaybteeda Taariikh iyo Jugraafi ( History &Goegraphy)

Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaal, adkaysi, iyo jacaylka uu u qabo aqoonta iyo horumarka. Waa tallaabo muhiim ah oo ka mid ah safarkiisa waxbarasho, waxaana rajaynaynaa inay u noqoto bilow guulo kale oo ka waaweyn.

Waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu cilmigiisa u barakeeyo, u fududeeyo marxaladaha xiga ee waxbarashadiisa, kana dhigo mid bulshada iyo dalkaba anfaca.

Hambalyo mar kale Ustaad Abdishakur Isack Mohamud. Waxaan kuu rajaynaynaa guul joogto ah, horumar, iyo mustaqbal ifaya.

"Guushaadu waa dhiirrigelin u ah arday kasta oo rumaysan in dadaal iyo dulqaad lagu gaaro himilooyinka."

Maamulka iyo Bahda Machadka waxay kuu rajaynayaan guulo isdaba joog ah 🎓.

Photos from ‎معهد طيبة للغات والبحوث‎'s post 12/07/2026

Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo!

Maamulka, Macallimiinta, iyo Bahda Machadka waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Maamul Ku-xigeenka Machadka Ustaad Hussein Hassan Seerow, oo si guul leh u difaacay buuggiisa Xeerka Labaad ee Kuliyadda Dhaqaalaha, qaybteeda Maamulka iyo Ganacsiga (Business Administration).

Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaal, adkaysi, iyo jacaylka uu u qabo aqoonta iyo horumarka. Waa tallaabo muhiim ah oo ka mid ah safarkiisa waxbarasho, waxaana rajaynaynaa inay u noqoto bilow guulo kale oo ka waaweyn.

Waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu cilmigiisa u barakeeyo, u fududeeyo marxaladaha xiga ee waxbarashadiisa, kana dhigo mid bulshada iyo dalkaba anfaca.

Hambalyo mar kale, Hussein Hassan Seerow. Waxaan kuu rajaynaynaa guul joogto ah, horumar, iyo mustaqbal ifaya.

"Guushaadu waa dhiirrigelin u ah arday kasta oo rumaysan in dadaal iyo dulqaad lagu gaaro himilooyinka."

Maamulka iyo Bahda Machadka waxay kuu rajaynayaan guulo isdaba joog ah 🎓.

Photos from ‎معهد طيبة للغات والبحوث‎'s post 08/07/2026

🏆🌟 HAMBALYO GUULEYSTAYAASHA TARTANKA AQOON-KAAB 🌟🏆

Maamulka iyo bahda Machadka waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan guuleystayaasha ku kala guuleystay kaalinta 1-aad iyo kaalinta 2-aad ee Tartanka Aqoon-kaab.

Guushiinniinnu waa mid ka dhalatay dadaal, karti, adkaysi, iyo jacayl aad u qabtaan waxbarashada. Waxaad noqoteen tusaale wanaagsan oo dhiirrigelin u ah ardayda kale, waxaana rajaynaynaa in guushani ay idiin noqoto bilowga guulo ka sii waaweyn.

Waxaan sidoo kale u mahadcelinaynaa dhammaan ardaydii ka qayb qaadatay tartanka, macallimiintii, iyo guddigii soo qabanqaabiyey, kuwaas oo door weyn ka qaatay hirgelinta tartankan.

Aqoontu waa iftiin, dadaalkuna waa jidka guusha.

Hambalyo mar kale dhammaan guuleystayaasha! Waxaan idiin rajaynaynaa guul, horumar, iyo mustaqbal ifaya.

Photos from ‎معهد طيبة للغات والبحوث‎'s post 01/07/2026

📸

Alxamdulillaah, maanta waxaa si guul leh noogu qabsoomay muxaadaro aqoon-kororsi ah oo cinwaankeedu ahaa "Caqabadaha ku hadalka Afka Carabiga iyo Ingiriisiga ee haysta Soomaalida."

Muxaadarada waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyey caqabadaha jira iyo xalalka lagu horumarin karo xirfadaha ku hadalka labada luqadood.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa soo jeediyaha muxaadarada ahna Gudoomiyaha Jaamacada Ganaany Sh Adan Sh Said , dadaalkii, aqoontii, iyo waqtigii uu geliyey.

Alle ha ka abaalmariyo, hana u barakeeyo cilmigiisa.

Sidoo kale, mahadsanidiin dhammaan ka soo qaybgalayaashii ka faa'ideystay Muxaadarada.

Photos from ‎معهد طيبة للغات والبحوث‎'s post 01/07/2026

📸

Alxamdulillaah, maanta waxaa si guul leh noogu qabsoomay muxaadaro aqoon-kororsi ah oo cinwaankeedu ahaa "Caqabadaha ku hadalka Afka Carabiga iyo Ingiriisiga ee haysta Soomaalida."

Muxaadarada waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyey caqabadaha jira iyo xalalka lagu horumarin karo xirfadaha ku hadalka labada luqadood.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa soo jeediyaha muxaadarada Sh Adan Sh Said , dadaalkii, aqoontii, iyo waqtigii uu geliyey.
Alle ha ka abaalmariyo, hana u barakeeyo cilmigiisa.
Sidoo kale, mahadsanidiin dhammaan ka soo qaybgalayaashii ka faa'ideystay Muxaadarada.

29/06/2026

📢 OGEYSIIS! OGEYSIIS!

Dhammaan ardayda iyo bahda kale ee jecel waxbarashada waxaa la ogeysiinayaa in la qaban doono muxaadaro aqoon-kororsi ah oo cinwaankeedu yahay:

📚 "Caqabadaha ku hadalka Afka Carabiga iyo Ingiriisiga ee haysta Soomaalida."
(تحديات التحدث بالعربية والإنجليزية لدى الصوماليين)

🎤 Soo Jeediye: Al-waalid Sh Aadan Sh Said

Muxaadaradani waxay diiradda saari doontaa:
✅ Caqabadaha ku gadaaman ku hadalka afafka Carabiga iyo Ingiriisiga.
✅ Sababaha keena cabsida iyo kalsooni darrada.
✅ Xeelado wax ku ool ah oo lagu horumarin karo xirfadda hadalka.
✅ Talooyin iyo tabo kaa caawinaya inaad si kalsooni leh ugu hadasho labada luqadood.

📅 Taariikhda: 01/ 07/2026
🕒 Saacadda:4:00pm ( Galabnimo)
📍 Goobta: Haldoor Hotel

Ku soo dhowaada dhammaantiin, hana moogaan fursaddan qiimaha badan ee aqoon-kororsiga ah.

18/06/2026

🎊🎊Hambalyo! Hambalyo!🎊🥳
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda Fasalka 8-aad ee maanta si guul leh u soo dhammaystay Imtixaanka Dugsiga Dhexe.
Waxaad soo bixiseen dadaal, sabir iyo juhdi badan, maanta na waxaad gaadheen heer muhiim ah oo ka mid ah safarkiinna waxbarasho. Waxaan idiin rajaynaynaa natiijooyin wanaagsan iyo mustaqbal ifaya.
Guul iyo horumar ayaan idiin rajaynaynaa. Alle ha idiin sahlo tallaabooyinka xiga ee waxbarashada.
🎓 Hambalyo Ardayda Fasalka 8-aad! Guushu waa Xagiina🎓

26/05/2026

Eid-Al- Adha Mubarak
Maamulka, Macallimiinta iyo Ardayda Machadka waxay halkaan hambalyo Munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa uga dirayaan dhammaan Ummadda Muslimiinta meel kasta ay joogaan.

Alle ha inaga aqbalo cibaadada, hana inagu gaarsiiyo Ciiddaan Ciddedda kale nabad, caafimaad iyo barwaaqo.

13/04/2026


Graduation ceremony Batch 5

Home of languages and Researches

19/03/2026

🌙🌟 CIID MUBAARAK 🌟🌙

Maamulka, Macallimiinta iyo Ardayda Machadka waxay halkaan hambalyo iyo duco ugu dirayaan dhammaan Ummadda Islaamka gaar ahaan Umaddda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga awgeed.

Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii, sadaqadii iyo dhammaan camalkii suubanaa ee aan soo gudannay bishii barakeysaneyd ee Ramadaan.

Waxaan idin rajeynaynaa ciid farxad leh oo ay ka buuxaan:
✨ Nabad iyo xasillooni
✨ Midnimo iyo walaaltinimo
✨ Barwaaqo iyo horumar

Ciiddaan ciiddeeda kale ku gaara bashbash, caafimaad iyo kheyr fara badan.

🎊 CIID WANAAGSAN DHAMMAANTIIN 🎊

Want your school to be the top-listed School/college in Baydhabo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Baydhabo