Markabley primary and secondary school

Markabley primary and secondary school

Share

Waxa uu ku yaala magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, Barbaarin, aqoon, Cadaalad, astaan inoo ah

13/05/2026
13/05/2026

Markabley keliya ma aha dugsi ee waa Mustaqbal dhise

12/05/2026

Waa munaasabadii sagootinta ardayda fasalka 12aad dufcaddiisa 15aad ee dugsiga markableey sanad dugsiyeedka 2025=2026

03/05/2026

Xaflad Qurux Badan oo Qalin-jebin ah
Dugsiga Markabley wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ardayda Madarasada Abubakar Alsadiiq ee degmada Baardheere, xaafadda Buulo Kuulow (agagaarka Masjidka Xaaji Eeney – Masjid Allahu Akbareey), oo si sharaf leh u dhammaystay barashada Qur’aanka Kariimka.
Waxaan ku faraxsanahay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Dugsiga Markabley iyo Madarasada Abubakar Alsadiiq, oo ku dhisan wadaag arday iyo wadashaqeyn miro dhal ah.

26/04/2026

OGEYSIIS FASAX ROOBAAD
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardayda Markabley, macallimiinta, iyo waalidiinta in iskuulka la fasaxay si ku meel gaar ah, sababtoo ah roobabkii da’ay oo sababay in boholihii iyo waddooyinkii ay biyo wada noqdaan, taasoo adkeyneysa isu socodka.
Fasaxa wuxuu ku egyahay maanta insha beri waa cashar iyo kalahaad wada jira.
Waxaan ka codsaneynaa dhammaan in ay ilaaliyaan badbaadadooda, gaar ahaan carruurta.
Mahadsanidiin.

25/04/2026

waxaan si diirran oo sharaf leh u soo dhoweynayaa dhakhaatiirta qiimaha badan ee maanta nagu soo booqday xarunta weyn ee dugsiyada Markabley. Aad ayaan ugu faraxsanahay in aad waqtigiinna qaaliga ah u hurteen sidii aad bulshada, gaar ahaan haweenka degmada ugu fidiseen adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah.
Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa dadaalka iyo iskaashiga ka dhexeeya dhakhaatiirta degmada Baardheere iyo kuwa ku takhasusay cudurrada haweenka iyo dhalmada. Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa dhammaan cid kasta oo gacan ka geysatay in hawshan samafalka ah la hirgeliyo.
Booqashadiinnu waa mid wax weyn ka tari doonta caafimaadka iyo wacyiga ardayda iyo bulshada ku xeeran dugsiga. Waxaan rajeynaynaa in iskaashigan uu noqdo mid sii socda oo miro dhal ah.
Mar kale, ku soo dhowaada Dugsiga Markabley, aad iyo aad ayaan idiinku mahadcelineynaa.
Mahadsanidiin.

01/02/2026

Website-ka Dugsiga Markabley waa tallaabo kale oo aan u qaadayno in aan kor ugu qaadno tayada waxbarashada, anshaxa iyo adeega ardayda.
Markabley School
Akhlaaq Wanaagsan & Waxbarasho Tayo Leh

28/01/2026

📢 OGEYSIIS MUHIIM AH
Dugsiga Markabley School wuxuu ogeysiinayaa dhammaan waalidiinta iyo ardayda in dugsigu furmayo 1da Febraayo 2026, isla markaana la bilaabay diwaangelinta ardayda cusub ee Teramka 2aad.
Waxaan idin ku soo dhawaynaynaa waxbarasho tayo leh iyo daryeel arday oo sare.
Fadlan la xiriir maamulka dugsiga si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah.
Markabley School – Waxbarasho & Akhlaaq Wanaagsan

25/01/2026

WARGELIN MUHIIM AH – FURITAANKA DUGSIGA MARKABLEY

Dhammaan ardayda iyo waalidiinta sharafta leh ee Dugsiga Markabley, waxaa la idin ogeysiinaynaa in dugsigu si rasmi ah u furmi doono 1-da bisha Febraayo 2026 oo ku beegan maalin Axad ah Insha’Allaah.

Dugsiga Markabley waa dugsi lagu barbaariyo arday:
Leh Akhlaaq Wanaagsan
>Jecel Waxbarashada
> Ku dadaala raalli-gelinta Rabbigooda

Waxaan ardayda ku boorinaynaa inay:
Ka fogaadaan dhaqammada xun ee ka imanaya reer galbeedka kana soo horjeeda diinta iyo dhaqanka Islaamka .
inay Ilaaliyaan xeerarka dugsiga, nidaamka waxbarashada iyo anshaxa ardaynimo .
Inay yimaadaan dugsiga waqtiga haboon, una diyaar garoobaan sannad waxbarasho oo miro-dhal ah

"Akhlaaq iyo cashar aan baaqanin ugu imow Markableey"

Want your school to be the top-listed School/college in Bardera?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Bardera
252

Opening Hours

Monday 07:00 - 12:30
Tuesday 07:00 - 12:30
Wednesday 07:00 - 12:30
Thursday 07:00 - 12:30
Saturday 07:00 - 12:30
Sunday 07:00 - 12:30