02/11/2025
Maamulka, Macalimiinta, Golaha Sare ee Mu’assasada,, Guddomiyaha Jamacadda, Guddoomiye-ku-xigeennada Jaamacadda, Hormuudyada Kuliyadaha, Macallimiinta, Shaqaalaha, Ardayda iyo dhammaan bahweynta Jaamacadda Baraawe waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan:
Dr. Abdirashid Abukar Abdulkadir (Dr. Rashaad), Wasaradda Caafimaadka KGS ayaa Umagacawday Agaasimaha Cusub Isbitaalka Degmada Baraawe .
Waxaan u rajeyneynaa in xilkan uu Alle ku asturo, isla markaana uu ku guuleysto sidii kor loogu qaadi lahaa baahida Caafimaad kajirto Isbitaalka Degmada
𝗛𝗮𝗺𝗯𝗮𝗹𝘆𝗼, 𝗛𝗮𝗺𝗯𝗮𝗹𝘆, 𝗛𝗮𝗺𝗯𝗮𝗹𝘆𝗼.
21/11/2024
Maalinta Macalinka Soomaaliyeed awgeed, Jaamacadda Baraawe waxa ay hambalyo u direysaa dhammaan macalimiinta Soomaaliyeed, oo loo asteeyey maanta oo kale, 21-ka Nofeembar, in la xuso lana xasuusto kaalinta weyn ee ay bulshada kaga jiraan.
Maalintan oo muhiimad gaar ah leh, waxaa lagu weyneynayaa kaalinta lama ilaawaanka ah ee macalimiinta ku leeyihiin nolosha bulshada iyo horumarinta dalka.
Macalimiinta Jaamacadda Baraawe waa laf-dhabarka guulaha iyo horumarka ay tiigsaneyso jaamacaddu, waxaana ay si hagar la’aan ah ugu istaageen sidii ay u diyaarin lahaayeen mustaqbalka ardaydeena.
Maamulka Jaamacadda Baraawe waxa ay u mahadcelinayaan dhammaan macalimiinta, kuwaas oo naftooda u huray iftiiminta mustaqbalka ardayda. Dadaalkiinna iyo nafhurnimada aad muujiseen waa mid aad ku amaanan tihiin, Jaamacaduna ay idinkaga mahadcelineyso.
Mahadsanidiin
Hambalyo!
Maalinta Macalinka Soomaaliyeed
18/09/2024
Waxaa furan isdiiwaangelinta Kuliyadaha kala Duwan ee Jaamacadda Barawe.
Email: @gmail.com
Call 📞+252612249624
-2025
27/08/2024
Hambalyo!
Dhamaan ardayda kasoo gudubtay imtixaanka shahaadiga ee Dugisga Sare ee sanad-dugsiyeedka 2023-2024, waxaan idiin rajeyneynaa guulo intaa ka badan.
28/06/2024
INNAA LILLAAHI WAA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Gudoomiyaha Jaamacadda Baraawe, Mu'asasiinta, Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Baraawe waxa ay tacsi u dirayaan Dhamaan Ummada Soomaaliyeed, qoyska, qaraabada, saaxiibada, Iyo dhamaan aqoonyahanada Soomaaliyeed geeridii Naxdinta Laheed ee ku timid Guddoomiyihii h**e Golaha Shacabka, Professor Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari.
Alle ha u naxariisto Prof. Jawaari, waxaan Alle uga baryeeynaa inuu ka Waraabiyo Jananatul Firdowsa
28/06/2024
Dhamaan ardayda usoo idlaaday maanta imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga Sare waxaan u rajeyneynaa in dadaalkoodu noqdo mid natiijo wanaagsan ay ku gaaraan.
Guuleysta!
27/09/2020
Waxa ilaahey mahadiisa in uu si habsami leh ubilowday tababarka gargaarka dag daga oo ay qabanaysay jaamacadda barawe waxaan kafa'ideysatay arday tiro badan halka kuwa kale loo qorsheeyay wareega xiga.
Tababarkan ayay ardayda ku qaadan doonaan shahaaado.
23/09/2020
▪︎Majeceshahay inaad noqoto badbaadiye
▪︎Matahay shaqsi mar uun ku riyooday in uu wax kafahmo barashada gargaarka dag dag
▪︎Madooneysaa inad noqoto mid ka adag xirfadaha caafimaadka sida duriinka noocyadiisa kala duwan wax kafahanka daawoyinka iyo xirfada gargaarka dag daga.
Waxa ay jaamacadda barawe kaa cawineysa in ay riyooyinkas kuu rumoobaan
Waxana kuu heyna fursad tababar kusaabsan gargaarka dag daga oo lacag la.an ah kana faa,ideysan donan 50-ka arday ee fursada u hesha.
Wixii faafahin dheeri ah WhatsApp No. https://wa/613947907
05/09/2020
WAXAA MAANTA JAAMACADA BARAAWE SI RASMI AH U BILAAWDAY MAADOYINKA COURCESKA SIDA ENGILSHKA IYO COMPEUTERKA, WAXAANA KUU DHIGI DOONO MACLIMIIN QIBRAD SARE U LEHI
MAADOYINKA AY DHIGAYAAN, WAXAA XIGI DOONO MAADOOYIN KALE OO BADAN
FADLAN HORAY U GAAR ARDAY JAAMACADA BARAAWE DIIWAAN GALINTA YUUSAN KAA BUUXSAMIN
FG: WIXII FAAFAAHIN DHEERAAD AH KALA GALA SOO XIRIIR TEL: +252616465419/+252613947907
MAHADSANIDIN