19/10/2026
Machadka Miini Institute for Training & Research (MITRE) ayaa booqasho ku tagay Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Qaasim Barawi, halkaas oo maamulka iyo ardayda dugsiga ay kula yeesheen kulan muhiim ah oo ku saabsan horumarinta aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada.
waxaa ardayda loo soo bandhigay koorsooyinka kala duwan ee uu bixiyo Machadka MITRE, kuwaas oo diiradda saaraya horumarinta xirfadaha casriga ah, tiknoolajiyadda iyo diyaarinta dhalinyarada si ay uga faaโiideystaan fursadaha waxbarasho iyo shaqo.
Ujeeddada booqashada waxay ahayd in ardayda lagu dhiirrigeliyo barashada xirfadaha dheeraadka ah, lana fahamsiiyo muhiimadda ay xirfaduhu u leeyihiin mustaqbalkooda, kobcinta hal-abuurkooda iyo ka qayb qaadashada horumarka bulshada.
MITRE waxaa ka goโan horumarinta aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada, si ay u noqdaan jiil karti leh oo diyaar u ah baahiyaha suuqa shaqada iyo horumarka bulshada.
Machadka MITRE wuxuu uga mahadcelinayaa maamulka iyo macallimiinta Dugsiga Qasim Barawi soo dhoweynta iyo wada shaqeynta wanaagsan.