08/07/2026
𝗙𝗜𝗡𝗔𝗟 𝗘𝗫𝗔𝗠𝗜𝗡𝗔𝗧𝗜𝗢𝗡
Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 8/7/2026 waxaa si nabad ah ardayda ugu soo dhammaaday imtixaankii k**a dambaysta ahaa ee sanad dugsiyeedka 2025-2026.
Waxaana maanta xarumaha dugsiga u bilowday fasaxa guud ee sanadlaha ah.
25/06/2026
.....𝗛𝗔𝗠𝗕𝗔𝗟𝗬𝗢.....
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda 𝗙𝗮𝘀𝗮𝗹𝗸𝗮 𝟭𝟮𝗮𝗮𝗱 ee uu maanta imtixaankii qaranku usoo dhammaaday.
Si gaar ah waxaan ugu hambalyeynaynaa ardaydeenna DUGSIGA SOOYAAL dedaalkii iyo dhabar adaygii aad muujiseen muddada dheer mirihiisa waad guran doontaan, Allena ma dayici doono. Waxaanna idiin rejaynaynaa guul iyo natiijo aan ku wada faraxno.
ALLAA MAHAD LEH.
25/06/2026
𝙃𝘼𝙈𝘽𝘼𝙇𝙔𝙊 𝙄𝙔𝙊 𝘽𝙊𝙂𝘼𝘼𝘿𝙄𝙉
Dhammaan bahda DUGSIGA SOOYAAL oo isku duuban waxay hambalyo u dirayaan maamule ku xigeenka 1aad ee dugsiga Ustaad Jamaal Maxamed Xaashi oo oo soo gabagabeeyey heerka 1aad ee jaamacadda.
Waxaan u rejaynayaa guul iyo mustaqbal wanaagsan.
23/06/2026
𝗜𝗠𝗧𝗜𝗫𝗔𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗙𝗜𝗡𝗔𝗟-𝗞𝗔 𝟮𝟬𝟮𝟱-𝟮𝟬𝟮𝟲
Imtixaankii ugu dambeeyey ee sanad dugsiyeedkaan 2025-2026 ayaa bilaaban doona haddii Alle idmo asbuuca soo aadan maalin arbaco ah 1/7/2026.
Dhammaan ardayda DUGSIGA SOOYAAL waxaan kula dardaarmaynaa dadaal iyo diyaar garoow badan, maaddaama imtixaankaani yahay mid muhiim ah oo lagu qiimaynayo waxqabadkii iyo dadaalkii ardaygu soo sameeyey sanad kaan, isla markaana lagu kala ogaan doono ardayga u qalma in uu u gudbo fasalka xiga iyo kan kale.
من جد وجد ومن زرع حصد
19/06/2026
𝗙𝗔𝗥𝗥𝗜𝗜𝗡 𝗪𝗔𝗖𝗬𝗜𝗚𝗘𝗟𝗜𝗡
Haddii aad tahay arday 𝗙𝟰 ah oo sanadkaan imtixaanka galaya fadlan si deggan u akhri:
1. Diyaarso oo meel aad taqaan sii dhigo dhammaan agbka aad imtixaanka uga baahan tahay sida : ID card, dharka iskuulka (Uniform), dhawr xabbo oo qalin buluug hal nuucle ah, Correction Pen IWM.
2. Waqti h**e seexo habeenkii si aad xilli fiican usoo kacdid adiga oo firfircoon.
3. Xaadir ku ahoow xarunta imtixaanka aad ku galayso ugu yaraan saacad ka hor xilliga imtixaanku bilaabanayo.
4. Ku dedaal in aad soo quraacato ka hor inta aadan soo bixin haddii ay kuu saamaxdo.
5. Fariiso fasalka aad ku qoran tahay, gaar ahaan kursiga laguu asteeyey ee lambarkaagu ku qoran yahay.
6. Marka lagu siiyo imtixaanka si deggan u akhri dhammaan habraaca iyo shuruudaha imtixaanka sidoo kale iska hubo warqadaha lagu siiyey in ay imtixaankii saxda ahaa yihiin.
7. U qor magacaaga iyo Rool lambarka si cad oo la akhrin karo lana fahmi karo.
8. Magacaaga ugu qor warqadda sida uu kaarka ugu qoranyahay, waxba adigu haka beddelin.
9. Iska ilaali amar diiddo iyo ku afcelinta ilaaliyaha imtixaanka ama kormeerayaasha.
10. Ka digtoonow nooc kasta oo qish ah kaas oo keeni kara in maaddo lagaa kansalo.
11. Ka fogoow ka qayb galka wax kasta oo fowdo iyo dagaal xarunta dhexdeeda iyo bannaankeeda ah.
12. Iska yaree wal walka badan ee imtixaanka aad ka wal walayso, si deggan wax usoo akhri Allena talo saaro.
13. Maalin kasta marka imtixaanku kuu soo dhammaado muuji taxaddar iyo feejignaan dheeri ah, toosna usoo bax. Haku dhex wareegin xarunta imtixaanka.
14. Maalinta ugu dambaysa ee imtixaanku kuu soo dhammaado ha aadin goobaha la isugu soo baxo oo mashquulka ah, waayo waxaa ka dhici kara rabshado keeni kara dhaawac, dhimasho ama dhibaatooyin kale.
15. Muddada aad sugayso natiijada imtixaanka ee aad fasaxa ku jirto yaanay farxadda iyo baashaalku kaa tan badane, badi Alle bariga iyo inaad markasta ilahay weydiisato in uu natiijo fiican ku siiyo, imtixaankana aad ka gudubto. Ilahay qofkii barya waa uu aqbalaa sida uu qur'aanka kariimka ah inoogu sheegay.
{وَقَالَ رَبُّكُمُ ادْعُونِي أَسْتَجِبْ لَكُمْ}
Ugu dambeyntii waxaan idiin rejaynayaa Allana idiin weydiinayaa guul iyo in imtixaanku nabad iyo caafimaad idinku soo dhammaado.
W/Q Ustaad Abdulkadir Beddal
18/06/2026
.............ALLAA MAHAD LEH.............
Ka dib dedaal, dhabar adayg iyo juhdi badan oo ay si wada jir ah muddo usoo wadeen arday, macallin, waalid iyo maamulba fasalka 𝟴𝗮𝗮𝗱 waxaa maanta usoo idlaaday imtixaankoodii dugsiga dhexe ee uu qaadayey Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir.
Dhammaan ardayda waxaan u rejaynaynaa guulo la taaban karo iyo natiijo aan ku wada faraxno dhammaanteen.
15/06/2026
Waxaan guul iyo natiijo wanaagsan oo ay ku farxaan u rejaynaynaa dhammaan ardayda fasalka 𝟴𝗮𝗮𝗱 ee saaka imtixaanka u fariistay.
Sanadkaan dugsiga DUGSIGA SOOYAAL waxaa imtixaanka u galay 110 arday, waana mid ka mid ah guulaha dugsigu gaaray.
03/06/2026
𝗫𝗔𝗙𝗟𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗤𝗔𝗟𝗜𝗡-𝗝𝗘𝗕𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗙𝟰 & 𝟴𝗔𝗔𝗗
Kooxihii ku guuleystay tartankii kubbadda cagta ee sanadkaan kaalinta 𝟭𝗮𝗮𝗱 iyo 𝟮𝗮𝗮𝗱 ayaa la guddoonsiiyey koob iyo billado.
Waxaana maamulku u rajeeyey in ay kasoo muuqdaan halkaan iyo meelo ka sarreeya.
Sawirada Q-3aad
02/06/2026
𝗫𝗔𝗙𝗟𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗤𝗔𝗟𝗜𝗡-𝗝𝗘𝗕𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗙𝟰 𝗜𝗬𝗢 𝟴𝗔𝗔𝗗
Sawirada xafladda Q-2aad