01/09/2026
⚽🏆 GO’AANKA GUDDIGA TARTANKA – WALAALKA CUP
Guddiga Tartanka Walaalka Cup – Tartanka Kooxaha Sare A ayaa go’aan ka soo saaray kooxda jebisay Qodobka 7 ee xeerka tartanka.
📌 Qodobka 7: Ciyaaryahan mar garoonka soo galay, boos kasta oo uu ka ciyaaro uma ciyaari karo koox kale inta uu tartanku socdo.
⚠️ Sidaas darteed kooxda jebisay qodobkan waxaa lagu soo rogay ganaax lacageed oo dhan $20 Dollar 💵
Go’aankan waxaa gaaray Guddiga Tartanka, iyadoo la ilaalinayo xeerarka cadaaladda iyo nidaamka tartanka.
🏆 WALAALKA CUP – TARTANKA KOOXAHA SARE A