Hormuud Primary and Secondary School.

Hormuud Primary and Secondary School.

Share

Beledweyne, Hiiraan, Somalia

23/03/2026

INNAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUN

Maamulka iyo macaliminta dugsiga Hormuud institute of scientific subjects and languages waxa ay tacsi u dirayaan ehelki ,Asxaabtii iyo qarabadi uu ka baxay ustaad Abdisalan Omar Fatoosh oo ku Geeriyooday Magaalada Beledweyne.

AUN Jannatul Fardowsana haka waraabiyo inuu Danbigiisa dhaafo , Samir iyo Iimaanna naga wada siiyo Annaga iyo ehelkii uu ka baxay.

Samir iyo imaan Allah naga wada siiyo Dhamaanteen, walalkenna Allah Unaxariisto.

Photos from Hormuud Primary and Secondary School.'s post 22/03/2026

WARGELIN

Dhamaan waalidiinta, Macalimiinta, Ardayda, iyo Hawl wadeenada Dugsiga Hormuud Primary and Secondary School Waxaa lagu wargelinayaa in Dugsiga Hormuud institute of scientific subjects and languages Dib loo furi doona Maalinta Beri ee Isniinta Taariikhduna ay tahay 23 March 2026

MAHADSANIDIIN

21/03/2026

Ciid mubaarak

19/03/2026

Maamulka dugsiga waxa uu munaasabadda ciidul fitriga la qeybsanayaa dhamaan waalidiinta, macallimiinta, shaqaalaha, ardayda iyo guud ahaan bahda waxbarashada sidoo kale dhamaan ummadda muslimiinta ah innagoo Allaah uga baryayna inuu ciiddan teeda kale nagu gaarsiiyo horumar iyo nabad waarta waxaana idin leenahay
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال

18/02/2026

Ramadaan wanaagsan dhammaan umadda Islaamka ah gaar ahaan umadda Soomaaliyeed waxaan Allaah ka baryeenaa in soonka uu kheyrkiisa nawaafajiyo.

17/02/2026

Dugsiga waxa uu ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

Waxaan Alle ka baryeynaa in uu noogu dhameeyo nabad, caafimaad, barwaaqo iyo cibaado suuban, isla markaana uu naga aqbalo soonka iyo camalka wanaagsan.

𝐑𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐤 🌙

Photos from Hormuud Primary and Secondary School.'s post 14/01/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 14/01/2026

Waxaa noo dhammaaday Imtixaankii Dhexe ee Nisful Caamka (Midterm Examination) ee sanad dugsiyeedka,2025-2026 kaas oo ardaydu muujiyeen dadaal iyo diyaargarow wanaagsan.

Sidoo kale, maanta waxaa si rasmi ah u bilaabmay fasaxa 15-ka maalmood ee qaybta kowaad ee sanad dugsiyeedka. Fasaxani waa waqti ay ardaydu ku nastaan, kuna soo noqdaan firfircooni iyo niyad cusub.

Maamulka dugsigu Hormuud Primary and Secondary School. wuxuu u rajeynayaa dhammaan ardayda fasax wanaagsan, waxaana Alle ka rajaynaynaa inuu si nabad ah noogu dhammeeyo fasaxa, nooguna soo celiyo ardayda caafimaad iyo guul idam Alle.

Maamulka Dugsiga Hormuud
Ahmed Abdullahi Mohumed
Agronomist Ahmed Tall

Agaasimaha guud ee Machadka Hormuud P,S,S
Eng-Mohamud Hassan Isak

Madaxa Macallimiinta iyo imtixaanaadka machadka Hormuud school
Faisal Osman Mohamed

Madaxa Iskuduwaha Xafiiska Ardayda iyo Maaliyadda ahna madaxa sportiga school ka
Abdirahman Abdullahi Abdulle

Maamul ku xigeenka machadka Hormuud
Abdiwahaab Abdi Muhumed Honest

Photos from Hormuud Primary and Secondary School.'s post 21/12/2025

Shahaada Qeybinta Ardayda Fasalka 8-aad ee Sanad Dugsiyeedkii 2024_2025 ee Dugsiga Hormuud Primary and Secondary School.
Agaasimaha guud ee Machadka Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Hormuud Ustaad
Eng-Mohamud Hassan Isak iyo Madaxa Maaliyada iyo Arimaha ardayda Machadka Hormuud institute of scientific subjects and languages ustaad Abdirahman Abdullahi Abdulle-Kabati ayaa si toos ugu wareejiyay Ardayda machadka Hormuud school shahaadooyinkii Fasalka 8_aad

Waa Sanadkii 2aad waxeey Wasaardda Waxbarshada iyo Tacalinta Sare Dowladda Hirshabelle goobaheen nooga keentay Shahaadooyinka Dugsiga dhaxe,

Waana ku mahadsantahay Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee DG Hirshabeele.Ardayda ayaa aad usoo dhaweeyay in Fasaladooda loogu keeno shahaadooyinka waxeyna umahadceliyeen dhamaan Hawlwadeenada Xafiiska Imtixaanada Wasaaradda .

17/12/2025

XIRFAD IYO AQOON
Hormuud Primary and Secondary School.

Saakay ardayda dhigata Fasalka 10-aad (F2)ee Machadka Hormuud waxay sameeyeen hal Abuuryo ku saabsan Barashada aasaasiga ah ee technology compute' Waxqabadkaas wuxuu ahaa mid lagu xoojinayo fahamka ardayda ee ku saabsan sida loo isticmaalo kombiyuutarka iyo farsamooyinka la xiriira.

Waxyaabaha ay soo Bandhigeen waxa ka mid
Isticmaalka software-ka aasaasiga ah sida Word, Excel, iyo PowerPoint si ay u tababaraan xirfadaha qoraalka, xisaabinta, iyo soo bandhigida.

Barashada internet-ka iyo search skills si ay u helaan xog muhiim ah oo la xiriirta waxbarashada iyo shaqooyinka mustaqbalka.

Practice ku saabsan hardware – sida loo kala saaro qaybaha kombiyuutarka (keyboard, CPU, RAM, hard disk) iyo sida loo daryeelo.

Iskaashiga kooxeed – ardaydu waxay ku shaqeeyeen kooxo si ay u bartaan teamwork iyo wadaagista aqoon.

Ujeeddada HalAbuurkani machadka Hormuud ugu sameeyay Ardayda Fasalka 10-Aad waa

- In ardaydu helaan xirfado gacanta ku ah oo ka baxsan buugaagta.
- In la abuuro kalsooni iyo diyaar garow ku saabsan suqaa shaqada ee ku tiirsan technology.
- In ardayda lagu dhiirrigeliyo inay noqdaan hal-abuur iyo farsamayaqaan mustaqbalka.

Waxqabadkani wuxuu ka tarjumayaa sida Machadka Hormuud uu diiradda u saarayo barashada casriga ah iyo diyaarinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku wajahan dunida digital-ka.

Machadka Hormuud waxa uu utaagan yahay Taageerada Dhamaan Ardayda jecel iney hormariyaan Aqoonta Guud ugu soo hagaag Hormuud institute of scientific subjects and languages Xirfad, HalAbuur, Aqoon, kororsiga Guud iyo practice Joogta ah

Office of students Affairs, Hormuud School.

10/12/2025

Iskuulka Hormuud Primary and Secondary School. Ayaa Sanadkii Labaad Tartan kubadd Cagta Ah uqabanayo Ardayda wax kabarata schoolka

Want your school to be the top-listed School/college in Balad Weyn?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Balad Weyn