27/12/2025
Sabti 27 Dec 2025.
Guddoomiyaha Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, faraceeda PL–Badhan, iyo xubno ka tirsan Naadiga ardayda ayaa xalay kulan isbarasho, soo-dhaweyn iyo hogga-tusaaleyn ah kula qaatay Maktabadda Dadweynaha Sanaag Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Faarax Cawl.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ka dhexeeya naadiyada, kor u qaadista dhaqanka akhriska, iyo dhiirrigelinta hal-abuurka dhallinyarada.
Qodobadii ugu muhiimsanaa ee kulanka lagaga hadlay waxaa ka mid ahaa:
1. Dardaaran iyo talooyin ku saabsan sidii naadiga cusub u horumarin lahaa xirfadaha akhriska, qoraalka, iyo fekerka naqdiga ah ee ardayda.
2. Sii wadidda iyo kobcinta barnaamijyadii wacyigelinta, aqoonta, iyo akhriska ee h**e uga socday Maktabadda Dadweynaha Sanaag.
3. Hirgelinta hal-abuur cusub, sida kulammo akhris, dood cilmiyeedyo, iyo bandhigyo aqooneed oo maktabadda iyo bulshada si dhow isugu xira.
4. Xoojinta iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya jaamacadda, maktabadda, iyo naadiyada akhriska si loo helo horumar waara.
5. Dhiirrigelinta dhallinyarada inay kaalin firfircoon ka qaataan horumarinta aqoonta, cilmi-baarista, iyo adeegga bulshada.
Ugu dambayn, kulanka waxaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad iyo ballanqaad ah in la sii xoojiyo wada-shaqeynta, lana abuuro barnaamijyo wax ku ool ah oo kor u qaada aqoonta, wacyiga, iyo midnimada bulshada.
22/12/2025
Ujeeddo: Aasaaska Naadi Akhris iyo Qoraal.
Waxaan halkan si rasmi ah idiinku wargelinaynaa in la aasaasay Naadi Akhris iyo qoraal cusub oo loogu magac daray Qoraageeni weynaa Faarax Cawl Naadigan waxaa loo aasaasay sidii uu qayb uga noqon lahaa kor u qaadista akhriska, kobcinta aqoonta, iyo xubnuhu inay yeeshaan dhaqan akhris joogto ah.
Naadigu waxa uu qaban doonaa hawlo ay ka mid yihiin:
- Akhrinta buugaag kala duwan.
- Falanqaynta iyo dood-wadaagga buugaagta.
- Horumarinta xirfadaha fikirka iyo isgaarsiinta.
- Abaabulka kulamo aqooneed iyo tartammo akhris.
-isku xirka maktabadda iyo dadweynaha.
29/10/2025
waxa boqosho ku tagay xarunta jamacadda ummadda soomaaliyeed faraceeda Puntland Badhan Qoraa Nuur Shire Cusman,
Waxa uuna Maktabadda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed faraceeda Badhan/Puntland ku wareejiyay tiro buugaag ah.
Waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay oo ka guddoomay Agaasimaha Jaamacadda, mudane Caydaruus Axmed Faarax, iyo xubno ka mid ah Naadiga Ardayda oo ay ugu horreeyso Guddoomiyaha Naadiga Ardayda, Naciimo Maxamuud Sheekh.
22/10/2025
WARGELIN MUHIIM AH.
Munaasabadda Soo Dhaweynta Ardayda Cusub ee Sannad Tacliimeedka 2025–2026.
Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan ardayda cusub ee sannad tacliimeedka 2025/2026, kuwaas oo ku gudbay imtixaanka aqbalaadda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Faraca Puntland – Badhan, in ay si rasmi ah uga soo qayb galaan munaasabadda soo dhaweynta, baraarujinta iyo jihaynta ardayda cusub, taas oo lagu qabanayo Xarunta Jaamacadda.
Faahfaahinta munaasabadda:
📍 Goobta: Hall-ka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Faraca Badhan
🗓️ Taariikhda: 23/10/2025
🕣 Wakhtiga: 8:30 subaxnimo
01/10/2025
Guuddoomiyaha Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed faraceeda Puntland-Badhan, Naciima Maxamuud Shiikh, Agaasimaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Faraca Puntland–Badhan, Caydaruus Axmed Faarax, hawlwadeennada Xarunta Dhexe ee Muqdisho, Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa Degmada, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay imtixaanka aqbalaadda ardayda cusub ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Imtixaanka ayaa si isku mid ah uga qabsoomay xarumaha Jaamacadda ee ku kala yaal Muqdisho, Caabudwaaq iyo Badhan, halka sidoo kale sanadkan imtixaanka lagu qaaday magaalooyinka Baydhabo iyo Baladweyne.
Guud ahaan imtixaanka waxaa u fadhiistay 3,422 arday, waxaana ardayda ku gudubta imtixaanka ay ku biiri doonaan Jaamacadda sanad-waxbarasheedka 2025–2026.
28/09/2025
Wargelin muhiim ah
Waxaa lagu wargelinaa dhamaan ardayda cusub ee sanadkan soo xareystay jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Faraca Puntland-Badhan in maalinta Talaadada in aad Jamacadda timaado si laguu siiyo Wacyigelinta Imtixaanka iyo Card-ka imtixaan ku galka, Sidoo kale Subaxa Arbacadda ah kuna beegan 01-10-2025, waxa geleysa imtixaanka aqbalaada ee jaamacadda sanad tacliimeedka 2025-2026.
FG: Subaxda Talaadada 8:00am wa qaadasha Card.ka sidoo kale Arbaco 01-10-2025 wa gelida imtixaanka aqbalaada.
Kala xidhiidh wixii faafaahin ah:
0907757833
0905279595
0905176644
23/09/2025
Wargalin :.
Waxaan ku wargelinaynaa dhammaan ardayda ku biireysa Jaamacaddaha iyo bulshadaba in Habeenka Sabtida soo galayso taariikhdu tahay 26/09/2025, lagu qaban doono Maktabadda Dadweynaha ee Badhan madal muhiim ah oo cinwaankeedu yahay:
📌 Doorashada Wadadda Jaamacadda
Madalkaan wuxuu ku saabsan yahay:
1️⃣ Sidee loo doortaa takhasuska kugu habboon?
2️⃣ Talooyin iyo hage ku saabsan mustaqbalkaaga waxbarasho.
3️⃣ Safarkaaga jaamacadeed halka uu ka bilaabmayo.
🗣️ Martida Madasha
Ustaad Maxamuud Sanaaji
Xil/Ustaad Mukhtaar Abdi
⏰ Saacadda: Bacdal Maqrib (6:30 PM)
📍 Goobta: Maktabadda Dadweynaha – Badhan
Waxaa qabanaya: Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed PL-Badhan
⚡ Fursad aan la seegin! Kaalay oo ka faa’iidayso madal ku hageysa jihada mustaqbalkaaga jaamacadeed.
22/09/2025
Guddoomiyaha NAJUS faraca PL-Badhan Naciima Maxamuud Sheekh iyo xubno ka tirsan xukuumadda NAJUS ayaa Kormeer iyo dhiirigelin ugu tegay Xafiiska Diwaan galinta ka socoto Ee jamacadda
Guddoomiyaha ayaa si gaar ah u bogaadiyay kaalinta muuqata ee Ka Socota Xafiiska diwanka JUS ku leeyihiin hagidda iyo fududeynta diiwaan-gelinta, taas oo muujinaysa in ay yihiin laf-dhabarta horumarinta iyo dhismaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
“NAJUS waxa ay mar walba diyaar u tahay in ay gacan mug leh ka geysato hawlaha jaamacadda, gaar ahaan fududeynta adeegyada muhiimka ah ee ardayda.
Waxaan aaminsanahay in wadajir iyo iskaashi joogto ah lagu gaari karo horumar iyo waxbarasho tayo leh oo mustaqbalka ifiya u horseedda ardayda Soomaaliyeed.”
-MEDIA
07/09/2025
Sun, 7 sep 25.
Guddoonka Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed faraceeda Puntland-Badhan, oo ku hadlaya magaca ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed faraceeda Puntland-Badhan, waxa uu hambalyo iyo soo dhoweyn u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Mudane Mohamed Mohamud Mohamed, PhD, oo dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Hassan Sheekh Mohamud.
Guddoonka NAJUS–PLBadhan waxa uu Alle uga baryayaa in Guddoomiyaha cusub uu xilkaas culus ku asturo uuna ku hoggaamiyo guul, daacadnimo iyo waxqabad muuqda.
DHAMMAAD
26/08/2025
Naadiga Ardayda Jaamacadda Umadda Soomaliyeed Farceeda Puntland-Badhan waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ardayda Puntland iyo kuwa Soomaaliyeedba ee ku guuleysatay dhamaystirka Geedigooda waxbarasho ee dugsiga sare ee sannad dugsiyeedka 2024–2025, natiijadoodiina la shaaciyey.
Jaamacaddu waxay u rajaynaysaa mustaqbal ifaya, guul, horumar iyo inaad heshaan natiijo idinka wada farxisa.
Hambalyo dhammaantiin !
MEDIA
22/08/2025
Taariikh: 21/08/2025
Maalinta 1aad ee Tababarka Awoodsiinta Barayaasha Iskuulada iyo Macaahidda Degmada Badhan
Tababarkan waxaa soo qabanqaabiyey Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (Faraca Puntland – Badhan) iyo Bahda Maktabadda Dadweynaha Sanaag.
Waxaa ka qaybgalay:
• Barayaasha iskuulada iyo macaahidda degmada Badhan
• Qaar ka mid ah maamulayaasha iskuulada
• Qaar ka mid ah hawlwadeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (Faraca Puntland).
Tababarka waxaa casharro iyo hagid ka bixiyey:
Bare Sare Xasan Aw Cali iyo Bare/xildh; Mukhtaar Cabdi Axmed – ahna Xiriiriyaha Kulliyadda Waxbarashada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (Faraca Puntland).