Cafi medical college

Cafi medical college

Share

cafimedical collage waa goob cafimad oo bixisa qaybaha kala duwan ee diploma goobtan waxa ayku taala

04/05/2021

waxa ay ka hortagaan cudurada soo weerara jirka waa difaaca ugu h**eeya ee jirka intiisa kale. marka uu infekshan amaba caabuq haleelo dalqada waxaa loo yaqaanaa caabuqa Qumanka. Quman-ka waxa ay ku dhici karaan qof kasta, in kastoo ay caruurta ay ubadan yihiin. astaamaha qumanka waxa ka mid ah oo lagu gartaa cunaha oo xanuuna, quman-ka oo barara iyo qandho. Xaaladaan waxay sabab u noqon kartaa in feyruska iyo bakteeriyada ay jirka si fudud ku galaan. Waxaa si fudud lagu baaraa oo lagu ogaada caabuqa qumanka. Marka la daweeyo astaamahana waxay ku baxaan muddo 10 maalmood gudaheeda.

Maxaa Sababa
Qumanku waa difaaca ugu h**eeya ee jirka,waxaa ku xareesan unugyada cad cad ee dhiiga oo ka hortaga in jirka ay soo galaan cudur sababa yaal sababi kara in jirka uu ka dhaco caabuq, lakiin qumanka qudhooda waxay unugul yihiin caabuqa kaga imaanaya ilma qabatada. Qumanka oo barara waxaa keena fayrus sida hargabka amaba caabuq ay bakteeriya keentay .


Astaamaha
Waxaa jira astaamo badan oo la xariira qumanka waxaana ka mid ah:

Laqitaanka oo dhib noqda
Cuna xanuun
Quman-ka oo barara
Lallabbo ama matag
Qoorta oo adkaata
Qandho iyo qarqaryo
Dhago xanuun
Dalqada oo dhibco cadaan ka soo muuqdaan
Cunno xummi
Xanuunka qumanka oo soo laalaabta wuxuu caruurta u keeni karaa in infekshanka uu ugudbo xubnaha kale ee jirka ka tirsan sida wadnaha ama kilyaha.

Sidee Looga Hortagi Karaa Qumanka
Caabuqa qumanka ku dhaca way sahlan tahay inuu faafo, si hoos loogu dhigo in ay jirkaaga soo weeraraan ilma qabatada, waxa haboon in aad ka fogaato dadka qaba caabuqa qumanka. Gacmahaagana si joogta ah u nadiifisid gaar ahaan kadib marka aad la kulanto qof qaba dhuun xanuun, qufac, hargab. Hadii aad qabto qumanka ka fogoow dadka kale ilaa iyo mar danbe. Mar walba ha hilmaamin in aad dhaqtarkaaga kala tashatid xaaladaada cafimaad.



You May Also Like

30/04/2021

Cafi medical collage
Ogaysiis ogaysiis ogaysiis
Fursad waxbarasho oo bilaasha ah.

Collage ka cafimadka ee cafi medical collage wuxuu ogaysinanaa bulashada ku dhaqan magalada badhan iyo nawaxigeeda in collage ku bixinaya waxbaraaho bilaash ah koorsootinka hoos ku qora.

English
Computer
Daawada.pharmacology
Gargaarka deg dega ah first aid.

Collage ku wuxuu qadanayaa dufcafii labaad casharaduna waxay ku bixidonaan maqal iyo muuqaal.
Xaruntu waxay kutalaa kasoo horjedka carwadi h**e ee guri bila wixii fahfaahin ah kala xiriir.
0906769822/
0907274154/ 0907702605.

28/04/2021

DHIBAATADA NAFAQO-DARRIDA XILLIGA UURKA

Sheekadaan waxay na tusinaynaa dhibaatada wacyi la'aanta iyo aqoon yarida heysato bulshada qeybo ka mid ah.

Caruurta miisaankii ilaahay ugu talagalay k**a waynaadaan, waxyaabaha miisaankooda kordhiyane k**a mid ahan cuntooyinka ay hooyada cunto, bal waxay cuntada hooyada ku caawisaa in fool sahlan oo dhib lahayn ay u hesho sida ad ku arki doontaan qoramadaan.

Asbaabaha ugu badan ee keento in caruurta lagu qalo hooyooyinka waxaa ugu horreeyo in hooyada ay miskaheeda yaryihiin oo uusan cunugga si sahlan u soo dhex mari karin.
Waxaa ku xigto haddii cillad xagga uurka ay jirto sida in uurjiifka uu qalloocan yahay ama uusan kafka / miskaha uusan u soo daadigin tani waxay ka imaan kartaa hadduu daciif yahay ama hooyada aysan awood u lahayn in ay cunugga soo riixdo ama foosha fududaato, waxyaabaha keeni karo in hooyada ay daasho oo ay joojiso giijinta murqaha minka waxaa ka mid ah nafaqo darrida iyo dhiig yarida, taas ayaba keento in cunugga lagu qalo hooyooyinka noocaas ah.

Gabadhaan la qalday, waxay halis ugu jirtaa in uurjiifkeeda uu halis galo ama si sahlan u dhali wayso oo ay ku qasbanaato in lagu qalo, waa haddii ay ku nooshahay meel lagu qali karo oo lagu kala badbaadin karo iyada iyo uurjiifkeeda.

Waxay kaloo halis ugu jirtaa Xasno in foosha ay ku daahdo oo ay dhiig baxdo ama dhiigyari u dhimato ama wadnaheeda howlgabo dhiig yarida awgeed, maadaama ay Ugub tahay oo ay dhici karto in foosha ay ku daahdo ama ay ku dhiig-baxdo intaba.

Haddii ay meel xarumaha caafimaad ka fog ay ku nooshahay Xasno ama qalliinka ay fikrad qaldan ka aaminsan tahay waxaa dhici karto in cunugga ku dhex meydo oo minka ku dhex dhinto, waana dhibaatooyinka dhiigyarida uureyda ay la kulmaan.

Haddii ilaahay u fududeeyo oo ay dhasho waxaa dhici karto in ay dhasho cunug korriinkiisa jir ahaaneed iyo maskax ahaaneed aan dhameestirneyn maadaama uu ku soo kobcay nafaqo-darri.

Cilmi-baaris la sameeyay waxaa lagu ogaaday caruurta u dhasho hooyooyinka dhiig-yarida leh in caruurtooda ay ka maskax yaryihiin ama ka garasho yaryihiin caruurta kale.

Waxaa muhiim ah in xarumaha daryeelo uurreyda in ay ka wacyi galiyaan fikradaha noocaan oo qaldan, waana midda ka muhiimsan inta aan daawo loo qorin ka hor.

Waxaa habbon dadka aamisan fikradda gabadhaan oo kale in lagala hadlo dhibaatada ay nafaqo darrida iyo dhiigyarida ay u keento maamada uurka leh iyo uurjiifka intaba.

27/04/2021

CUDURADA KUDHACA INDHAHA.

Gulukooma waa cudur indhaha ku dhaca oo keeni kara indho-la’aan ama lumis arag. Marka aad qabtid gulukooma, dheecaan ayaa iska buuxiya isha, taasoo cadaadis saarta xagga dambe ee isha. Cadaadiskaasi waxa uu dhaawac u geystaa dareemaha iftiinka (optic nerve) waxana uu sababaa lumis arag. Badanaa marka h**e waxa waxyeelo soo gaaraa aragga dhinacyada, taasoo ay ku xigto aragga xagga h**e.

Noocyada Gulukooma
Laba nooc ee ugu weyn gulukooma waa:

Gulukooma xagal-furan (open-angle glaucoma) badanaa ma laha calaamado ilaa ay ka gaarayso heer fog. Si tartiib ah ayuu cadaadisku waxyeelo u gaarsiiyaa dareemaha iftiinka mudo dheer ka dib. Taasi waxay saameysaa labada indhoodba laakiin waxa laga yaabaa inaad marka h**e calaamado ku aragtid hal il.

Gulukooma xagal-xiran (angle-closure glaucoma) waxay leedahay cadaadiska oo dhakhso sare u kaca iyo calaamado dhakhso u yimaada. Lumis arag oo joogto ah ayaa ku dhici karta maalin gudaheed sidaa daraadeed waxa si weyn muhiim u ah inaad heshid daryeel caafimaad isla markiiba.
Xaaladaha Halista ah
Waxa aad halis u tahay inaad yeelatid gulukooma haddii aad:

Leedahay qof ka tirsan qoyskaaga oo qaba gulukooma
Qabtid sonkor/sonkorow ama kaadi-macaan, dhiig-kar ama cadaadis dhiig oo sareeya, cudur wadnaha ah ama shaqo-yarida qanjirka qoorta (hypothyroidism)
Arag dhowdahay
Haddii dhaawac isha kaaga dhacay, laguu sameeyay qalitaanada indhaha qaarkood ama aad qabtid barar indho oo mudo dheer jiray
Qaadanaysay istariyoodh (steroids) mudo dheer
Ka weyn tahay da’da 60
Calaamadaha
Glucoomada waxa laga yaabaa inaanay yeelan wax calaamado ah ilaa ay ka imanayso lumis arag. Calaamadaha kale ee aad isku arki kartid waxa ka mid ah:

Arag isku darsan.
Giraamo iftiin ah oo ku wareegsan wax iftiimaya – Sida qaanso roobeedka u eg (Halos).
Lumis aragga dhinacyada (peripheral vision).
Arag si weyn u dhuuban (Tunnel vision).
Indho casaada.
Xanuun indho oo daran.
Lallabo iyo matag.
Daaweyn
Waxa laga yaabaa in dhakhtarkaaga indhuhu sameeyo baaritaano si loo hubiyo:

Cadaadiska isha
Dareemaha iftiinka
Aragga
Gulukooma lama bogsiin karo isla markaana dhaawaca ay keento lama tirtiri karo. Laakiin marka la helo daweyn, cadaadiska isha ayaa la yareyn karaa waxana la badbaadin karaa araga haray si aanu u lumin. Dhibco isha lagu dhibciyo ayaa ah daweynta ugu h**eysa ee ugu caamsan ee lagu daweeyo gulukooma. Daweynada kale waxa ka mid noqon kara dawooyin afka laga qaato, daweyn la adeegsanayo laysar (laser) ama qalitaan. Marka aad qabtid gulukooma, waa in la daweeyo inta ka haray noloshaada oo dhan.

Daryeelkaaga
Ma jiro wax la xaqiijiyay oo lagu baajin karo gulukooma. Haddii la dareemo cadaadis isha ku soo kordhay oo goor h**e la daweeyo, waxay taasi yareyn kartaa lumista aragga waxana ay baajin kartaa indho-la’aan.
Indhahaaga ha laguu eego oo ha laga baaro gulukooma ugu yaraan shantii sannadood mar ka dib da’da 40 jir.
Haddii tirada cadaadiska ishu ay sare u soo kacdo, waxa aad u baahan doontaa in laguu sameeyo baaritaano indho oo intaa ka badan.

Si loo baajiyo cadaadiska indhahaaga oo soo kordha:

Hal siyaabo aad ku maareynaysid giigsanaanta ama walwalka (stress).
Si joogto ah u samee jimicsi.
Yaree cabidda kaffeyga.
Cun cunto caafimaad leh oo ah khudaar iyo cagaar.
Xiro badbaado indho marka aad shaqeynaysid ama ciyaaraysid si loo baajiyo dhaawac.
Xadee ama yaree sonkortaata/sonkorowga, dhiig-karka, kolesteroolka iyo khatarrada cudur wadne.
Ha isticmaalin dawooyinka dhirta/geedaha ah ee loo xayaysiiyo daweynta gulukooma. Lama xaqiijin waxtarkooda waxana laga yaabaa inay daahiyaan daweyn haboon oo aad heshid.

27/04/2021

Marka aad caabuq sanbab qabtid, kiishashka hawada ee sanbabada ayaa waxaa ka buuxsama jeermis ama xab.
Caabuqa sanbabka "Pneumonia" waxaa keena bakteeriyo, fayras ama kiimiko. Badanaa qofna qof kale uma gudbiyo.

Calaamadaha cudurka sanbabka (Pneumonia)
• U neefsashada si ka dhakhsa badan sida caadiga ah ama dhibaato neefsashada qofka kaga timaadda
• Laab xanuun marka la neefsanayo ama la qufacayo
• Qufac xab leh oo laga yaabo inuu yahay jaalle, cagaar ama midab daxal/mirir
• Qandho
• Qar-qaryo ama gariirid
• Dhidid
• Faruuryaha ama ciddyaha oo buluug noqda (cyanosis) - waxay tilmaamaysaa in hawada oksajiintu ay kugu yaraatay.

Maxaa keeno caabuqa sanbabada?
Caabuqa sanbabada ku dhaca waxaa laga qaadi akraa jeermis, jeermiskaas wuxuu noqon karaa mid bulshada ku badan ama mid isbitaalalda laga qaado, waa muhiim in caabuqa la ogaado meesha aad ka keentay.
Waxaa badanaa lagu ogaan karaa, haddii adigoo isbitaalka jiifa 2 maalmodo in ka badan isku aragtay astaamaha kor ku qoran waa in laguu daaweeyaa qaab caabuqa sanbabka ee isbitaallaga laga qaado, laakiin haddii adigoo xaafadaada, iskuulka ama meesha shaqada ku xanuunsatid waxaa loo daaweeyaa si ka duwan.

Waxaa jiro xanuunno badan oo qofku ku qaldo xanuunka Oof-wareenta, waxaana ka mid ah xanuunadaan soo socda:

Waa muhiim haddii aad isku aragtid qandho iyo qufac xaako leh in aad dhakhtar la xiriritid si loo ogaado xanuunkaaga nooca uu yahay, daawane laguu siiyo, fikradaha qaldan ee soomaalidu aaminsan tahay waxaa ka mid ah in qofka isagoo saa u xanuunsan in uusan daawo raadsanin oo uu yiraahdo "hargab ayaa igu xumaaday" ee dhib kale ma qabo.

Daryeelkaaga
Takhtarkaagu wuxuu dhegeysan doonaa sanbabadaada. Waxaa laga yaabaa in raajo feeraha lagaa saaro isla markaana candhuuf laga qaaday laga fiiriyo jeermis bakteeriyo ama fayras loo yaqaanno abuurka xaakada (sputum culture).
• Waxaa laga yaabaa in aad antibiyootiko kaniini ahaan u qaadato ama IV (xididka lagaa siiyo). Kaniiniyada sida lagu faray u qaado. Daawada oo dhan qaado ilaa aad ka dhammeysaneyso xataa haddii aad bogsato.
• Waxaa laga yaabaa in lagu siiyo daawo si ay kaaga fujiso xanuunka ama qufaca. Daawada sida lagu faray u qaado.
• Waxaa laga yaabaa in ogsijiin lagu siiyo iyadoo qayb ka ah daryeelkaaga.
• Waxaa lagu weydiinayaa in aad qufacdo aadna si qoto dheer u neefsato 2-dii saacadoodba mar inta aad soo jeeddo si xabka lagaaga saaro.
• Wixii xab ah ee aad soo qufacdo ku tuf warqadda dhididka la isaga tiro ka dibna iska tuur. Ha liqin xabka.
• Badanaaba naso.
• Cab 8 koob ama ka badan oo cabitaanno ah maalin walba.
• Cunto caafimaad leh cun.
• Sigaar ha cabbin.
• Takhtarkaaga la soco muddo 7 maalmood ah, xataa haddii aad bogsato.

Isla markiiba isbitaalka aad haddii:
• Ay dhibaato kaaga timaaddo neefsashada
• Aad isku aragto qandho ama qandhadaadu ay jireyso wax ka badan 1-2 maalmood
• Aad isku aragto jahawareer
• Aad isku aragto feero xanuun kugu soo kordhaya
• Aad isku aragto lalabbo ama matagid

26/04/2021

Madax xanuun waa xanuun madaxa kaa qabta. Waxaa jira noocyo kala duwan iyo sababo madax xanuun.

Madax Xanuunka Sanqaroorka (Sinus Headache)
Madax xanuunka sanqaroorku wuxuu sababaa xanuun madaxa iyo wejiga ah.
Xanuunka waxaa keena barar ka jira marinnada sanqaroorka ee ku yaalla daamanka, sanka iyo indhaha. Xanuunku wuxuu ugu sii daran yahay marka h**ey loo foorarsado iyo marka ugu horreysa ee subixii la kacayo. Waxaa laga yaabaa in sanka dareere kaa socdo ama cunuhu ku xanuuno.

Madax xanuunka Dhafoorka iyo Qadaadka (Tension Headache)
Madax xanuunka niyad kaca (Dhafoorka) waxaa keena kacsanaanta muruq madaxa iyo qoorta ku jira.
Calaamadaha madaxa xanuunka niyad kaca waxaa ka mid ah xanuun ku garaacaya oo damman ama joogto ah ee indhaha dushooda iyo dhinaca danbe ee madaxa.
Xanuunku waxaa laga yaabaa in ku faafo madaxa oo dhan ama uu u gudbo qoorta iyo garbaha. Murqaha meelahaas ku jira ayaa laga yaabaa in ay dareemaan giigsanaan.

Madax Xanuunka aadka u Daran ee Goonjabka (Migraine Headache)
Madax xanuunka aadka u daran waxaa keena bararka marinnada dhiigga ee maskaxda ku jira.
Waxyaabaha laga yaabo in ay kiciyaan madax xanuunka daran waxaa ka mid ah:
# Iftiin aad u birqaya ama biligleynaya, dhawaaq sare ama ur xooggan
# Cuntooyinka qaarkood ama cabitaannada sida:
? Farmaajo adag
? Hilibka qasacadaha ku jira qaar ka mid ah
? Rootiga qamadiga ama miraha leh "gluten"
? Waxyaabaha cuntada lagu daro sida macaaneeyeyaasha macmalka ah
? Kafeyiinta ku jirta qaxwada, shaaha, cabitaannada fudud, iyo shukulaatada
? cabitaanada aalkolada
# Isbeddellada ku yimaada cimilada ama cadaadiska hawada
# Indhaha oo aad u daala
# Hormone haweenka jidhkooda isku dhex beddela sida waqtiga caadada bishiiba marka ah
# Daawooyinka sida kaniinyada dhalmada lagu koontaroolo
# Hurdo xad dhaaf ah ama hurdo kugu filan waayidda
# Ka boodidda cuntooyin ama cunto cunid la'aanta waqti dheer
# Sigaar cabidda ama la joogidda qof sigaar cabba
# Stress-ka

Madax xanuunka aadka u daran ee Goonjabka wuxuu keenaa xanuun daran, isbeddel aragga ku yimaada, iyo lalabbo ama matagid. Ileys, buuq ama urta qaarkeed ayaa uga sii dari kara calaamadahaan.
Xanuunku waxaa laga yaabaa in uu ka billowdo isha dhinacyadeeda ama dhafoorrada wuxuuna u badan yahay hal dhinac oo madaxa ah,
laakiin waxana laga yaabaa inuu faafo.
Waxaa jira kara calaamado digniin ah oo ka horreeya madax xanuunka aadka u daran oo loo yaqaanno "aura". Calaamadaha digniinta waxaa ka mid noqon kara:
# Daal lama filaan ah ama halaaqyo ama hamaansasho is daba joog ah



# Isbeddel arag sida meelo mugdi kaa gala, in aad aragto ileys aad u ifaya, xarriijimo ama waxyaabo kale oo aan jirin, ama aragti cawlan
# Gacan ama lug ku xat-xatoota

Madax xanuunka Wadajira (Cluster Headache)
Madax xanuunka wada jira wuxuu keenaa madax xanuun aad u daran.
Madax xanuunnadu waxay u dhacaan koox-koox ama qaybo. Waxay dhacaan 1 ama in ka badan maalintii mudo toddobaado ama bilo ah. Dhammaadka wareegga qaybta, madax xanuunnadu si lama filaan ah ayey u joogsadaan.
Badanaa ma soo laabtaan 6 bilood ilaa sanad ama ka badan. Lama yaqaanno waxa keena madax xanuunnada wadajira, laakiin waxaa jira waxyaabo laga yaabo in ay kiciyaan oo ay ka mid yihiin:
# Isbeddellada ku yimaada mudada ileyska qorraxda ee waqtiga gu'ga iyo dayrta
# Walac-walac ileyska ka timid
# Aalkolo
# Sigaar cabid
# Cuntooyinka qaarkood
# Daawooyinka qaarkood

Daryeelkaaga
Takhtarkaaga ayaa baaritaan kaa qaadi doona.
Daryeelkaagu wuxuu ku saleysnaan doonaa calaamadaha iyo nooca madax xanuunka aad qabtid. Iyadoo qayb ka ah
daryeelkaaga ayaa laga yaabaa in aad u baahato:
• In aad qaadato daawooyinka miiska laga soo iibsado sida acetaminophen, asbirin, ama ibuprofen oo madax xanuunka loo qaato, hadba sida takhtarkaagu amro. Ha siinnin asbirin carruurta. Haddii daawooyinka miiska laga soo iibsaday aysan ku caawinnin, takhtarkaaga kala hadal daawooyin uu kuu qoro.
• Kul ama qabow iska mari qoorta ama madaxa.
• Hurdo kugu filan seexo.
• Isdeji, diiqada iska yaree qaab fiicanna isticmaal.
• Cun cunno caafimaad leh dibna ha u dhigin ama ha seegin cuntooyinka.
• Ka fogow in indhuhu ku daalaan.
• Ka fogow sigaar iyo aalkolo cabid.
• Xafido xusuus qor madax xanuun ama jadwal si ay kaaga caawiyaan in aad u ogaato ugana fogaato waxa kiciya.

Isla markiiba la xiriir takhtarkaaga haddii:
• Aad isku aragto madax xanuun kaaga yimid dhaawac madaxa ah.
• Uu hadalku ku dhibo, araggaagu isbeddelo, dhibaato dhaqaaqa gacmahaaga ama lugaha kala kulanto, dheellitirankaagu lumo, aad jahawareerto, ama xusuustu kaa lunto.
• Aad isku aragto madax xanuun qandho leh, qoor giigsan, lalabbo iyo matagid.
• Madax xanuunkaagu uu lama filaan yahay oo uu daran yahay.
• Madax xanuunkaagu uu ka sii daro muddo 24-sac ah ama uu sii jiro wax ka badan hal maalin.
• Madax xanuunkaagu uu daran yahay uuna u dhow yahay hal il oo ay ishuna ku gaduudato.
• Aad taariikh madax xanuun lahayd, laakiin ay qaab ahaan ama baaxad ahaan isbeddeleen.

25/04/2021

XANUUNKA GAASKA CALOOSHA (GASTRITIS)
Waxan maanta isku dayi doona inaynu wax ka barano mid ka mid ah xanuunada ku dhaca dadka ,ee loo yaqaanO gaaska calosha kaas oo dhawaanahan aad u haleela dadka soomaaliyeed , waxaynu soo qaadaneynaa waxa uu yahay gaasku (gastritis) , waxa keena , calamadaha lagu garto , sida loobaaro iyo waliba sida loo daaweeyo.
Waa Maxay Gastric(Gastritis)?
Waa caabuq diiqa, ama boog ku timaadda dahaarka caloosha. Waxaa uu u noqon karaa mid cusub (acute) iyo mid dabadheeraada(chronic).
Maxaa Sababa Gasric(Gastritis)?
Gaaska caloosha waxa keeni kara ama sababi kara waxyaabo badan oo kala duwan waxaana kamid ah:
1. Isticmaalka alcohol ama khamriga.
2. In badan inuu qofku matag joogta yeesho.
3. Stress ka ama isku buuqa.
4. Qofka oo gaajada isku daawado ama ina badan gaajo hayso oo an waxba cunin.
5. In cuntada xawaashka badan la isticmaalo (spicy).
6. Inaad isticmaasho daawooyinka anti-inflammatory drugs ama xanuun baabiyaasha sida Aspirin iyo Paracetamol.

Waxaa kale oo sabababi karo:
1. Helicobacter pylori (H. pylori)
Waa bekteriya (bacteria) ku nool xuubka (mucus) ku dahaaran caloosha. Haddii la daaweyn waayana caabuqa (infection) wuxu horseedi kara boog ama nabar (ulcer) dadka qaarna wuxuu ukeeni karaa cancer xagga caloosha ah .
2. Pernicious anemia:
Wa mid ka mid ah noocyada dhiig la,aanta ,Wana dhiig la’aan timaadda marka calooshu weydo waxyaabihii dabeeciga ahaa ee ay u baahnayd inay si sax ah u soo nuugaan ama ay u burburiyaan vitamin B12.
3. Bile reflux:
In bile-ka uu dib ugu noqdo caloosha, xanuun ayaana imaanaya.
4. Infection: ay keenan bakteriya (bacteria) ama virus ayaa iyadana loo aaneeyaa.
NB: haddii la daaweeyn waayo gastric waxa imanaaya dhiigbax daran waxana isu badali karaa cancerka caloosha.
Calaamadaha Lagu Garto Gaaska (Gastritis)?
1. Yalaalugo (lalabo).
2. Matag (hunqaaco) .
3. Laabjeex iyo matag dhiig la socdo.
4. Inuu soo noqnoqdo xanuun xagga caloosha ah sidii nabar oo kale.
5. Caloosha oo dibbirta
6. Appetite xumo.
7. Miisaanka oo yaraada.

Sidee Lagu Garan/ Aqoonsan Karaa Magaca Cudurka Iyo Astaanta Saxda Ah?

Waxaa la sameeeyaa baadhitaan kaas oo lagu ogaan kaari inu jiro gaas iyo ina kale
1. Upper Endoscopy
Waa qalab taas oo bukaanka afka laga geliyo ilaa caloosha lagu dhaadhiciyo, wuxuu hubinayaa in calooshu ay leedahay wax caabuq ah ka dibna waxaa la sameeynaa biopsy waa hab lagu soo jaro sample yar oo tissue ah (wax yar ka mid ah hilibka caloosha ee caabuqa gaadhay ) ka dibna shaybaadhka (laboratory) ayaa lagu baadhaa.
2. Baaritaan Dhiig (Blood Test):
Waxa la hubinayaa in unugyada dhiigga cas (red blood cell) uu ku yaryahay bukaanka uu yahay dhiig la’aan (anemia).
3. Baaritaan Saxaro (F***l Occult Blood Test (Stool Test)
Waxaa lagu ogaadaa in saxarada bukaanka dhiig la socdo.

SIDEE LOO YARAYN KARAA KHATARTA GAASKA?
Wuxuu u baahanyahay qofkasta oo qaba xanuunka gaaska inu qaato talooyinkan soo socda:
1) Qaado daawada gaaska adigoo la tashanaya shaqaale caafimaad / dhakhtarkaaga.
2) Qaado cunto baal leh (ama buunsho leh, diir leh, buushi leh, gal leh, qolof leh nin ba siduu u yaqaanno sida gallayda, garawga, hadhuudh ama masaggada oo aan laga qaadin qoloftii) ugu yaraan halmar maalintii sida shuurada iyo hadhuudhka.
3) U qaado si sax ah talada uu ku siiyo dadka aqoonta u leh caafimaadka .
Haddii aad qaadatid talada dhakhtarka oo aad ku dhaqanto lakinse wax is badal ah aad dareemi weydo . Ha ka quusan Raxmada Allah ogow marwalba marka uu albaab kaa xidhmo, Allah albaab kale ayuu kuu furaa. Xasuuso marwalba inaad isku akhrido inta aad quraanka ka taqaanid oo dhan kolba intii aad ka gaadhid. Quraanku waa bogsiiyaha ugu weyn ee aad isku daweyn kartid. isku akhri 7 faatixo salaad kasta ka bacdi InshaAllah waad fiicnaan, hana ilaawin adkaarta iyo ducooyinka una sabir inshaAllah. Waxaa kale oo jira albaab kale oo haddii uu Allah kuu qadaro aad isku dawayn kartid, taasina waa waxyaabaha dhirta aha ama dhulka ka soo baxa ee dabeeciga ah.
Mahadsanid

25/04/2021

WAA MAXAY TYPHOID (tiifoow)

waa xanuun ay sababto bacteria kaas oo lagu caan ku ah qandho fara bdn sidas darteed aya dadka qar waxy dhahan TYPHOID FEVER .
xanunka tiifowgu waa xanun si dhakhso ah qofka ay uga soo baxan calaamadihiisu waxa una qofka ku dili karaa mudo bil ka yar hadii an la daaweyn.
in kabadan 21 million o qof ayaa la il daran xanuunkan calamka oo dhan dadkaas oo la sheegay inay u badanyihiin qaradda afrika sababo la xiriira nadafada awgeed.
MAXAA SABABA TIIFOWGA
xanunkan wxa sababa bacteria loo yaqaan SALMONELLA TYPHI sido kle wxa sababa mid kle o la dhoho salmonella para typhi lkn tan dame tiifowga ay sababto wu ka sahlanyahy salmonella typhi midka ay sababto.
SIDEE KU FIDAA XANUNKA TIIFOWGU??
tiifowgu wxa uu ku gudbaa cuntada iyo biyaha wasakhaysan taas oo uu qofku cabo. cuntada qabowda ama haraaga nooqota oo dib laga cuno iyo biyaha wasakhda ah ee meel ku raaga sida xareeda ayay bactriyadan ku dhex noshahy.
qofka tiifowga qaba saxaradisa hadi ay tabato biyo ama cunto wxay sahlysa in cidii cuntadas cunta uu ku dhoco xanunkaasi.
3-5% dadka uu xanunkani ku dhoco wxay noqdan kuwo uusan calmaduuhu ka muqan oo an xanunsan lkn gudbin kara xanunka wxana loo yaqaan CARRIERS
CALAAMADAHA TIIFOWGA
1- poor appetite( cuno xumo )
2-madax xanuun
3- qandho saaid ah
4- shuban
5- lafa xanun (margiyada oo qofka xanuna)
6- shuban iyo qaar kle o bdn
xanunkani wxa uu calamadihisu soo baxan 1_2 asbuuc kadib marki uu qofku isticmalay cuno ama cabo biyo wasakhysan iyo cunto wasakhysan. wxa uu qofka hayaa ilaa 4 asbuuc .
SIDEE LOO BAARAA TIIFOWGA
Qofka wxa laga qadaa dhiig markaas aya la ogaada in uu qabo xanunka iyo in kale sidoo kale wxa la ogaan karaa heerka u garsisanyahy ( inta karoojo uu yahay).
DAAWEYNTA TIIFOWGA
maadama uu yahay xanun ay sababto bacteria wxa la siiya antibiotic sida ciprofloxacin ama trimethoprim
SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA TIIFOWGA
wxa looga hortagi karaa good ahaan in la iska nadiifiyo cuntada iyo biyaha la cabayo. wxd samayn kartaa wxyabahan soo socda:
- si fican farahaga u dhaq inta adan cuntada cunin iyo markad kasoo baxdo suuliga
- cuntada wxd cunta inta ay kulushahay una kari cuntada adigo ilaalinaya nadafada cuntada
- ha cabin biyo wasakhaysan iskana hubi biyahad cabayso inay nadiif yihiin
- hadi uu jiro qof tiifow qaba o guriga kula jooga u sheeg inu si fcn u farihisa u dhaqo suuliga kadib iyo cunatada ka hor
TALAALKA TIIFOWGA
tiifowgu wxu leeyahy labo talaal mid waa bactriyadi oo la diley wxana loo qata irbad ahan midna waa bacteriyadi oo la diciifiyey wxana loo qata kiniini ahaan
talaakla tiifowga wxa qaata dadka u safraya meelaha u ku badan yahay xanunku si ay uga hortagan in u xanunkani ku dhoco

Photos from Cafi medical college's post 24/04/2021

Waa Maxay Duumo ( Malaria )?

Duumadu waa xanuun qatar ah
waxaana ay qofka ku keentaa xumad
saaiid ah iyo waliba dhaxan ama qar
qaryo ,waxaad ka qaadi karta marka
ay ku qaniinto kaneecada
sumeeysan ama parasiteka loo yaqaan
afka qalaad Plasmodium , kaa soo ku
gudba qaniinyada kaneecada
sumeysan, intaa ka dib ayaa
Parasiteka uu raacaa dhiiga isaga oo
gaadha Beerka dadka halkaas oo uu
ku tarmo , ka dibna dib ayuu ugu soo
laabtaa dhiiga isaga oo raaca
unugyada dhiiga cas cas , Noocyo
kaneecada ka mid aha ayaa ku sii jira
kara Beerka mudo aad u Dheer.

Noocyada Kala Duduwan ee malaria-
da keena Waxa Kamid ah Kuwaan:

ü Plasmodium Falciparum.
ü Plasmodium Vivax.
ü Plasmodium Ovali and.
ü Plasmodium Malaria.

Plasmodium vivax (P. vivax) – waa
nooca ugu yar ee cudurka keena wax
dhimasha ahina ma keeno si kastaba
ha ahaatee dadka qabo waxay u
baahanyihiin daawo maxaa yelay way
gudbinkaran ama waxay dhib
kukeenayaa qofka caafimaadka qabo.
Waa kan Ugu Badan ee dadka laga
helo , Parasite-kan wuxuu ku siin
Garaa jirkaa wax xanuun ahna ma
keno kadib marka qofka laga
daweeyo , hadiise ladaaweeyn waayo
dib ayuu isku baraarujiyaa.
Plasmodium malariae (P. malariae) –
Wax dhimasha ahi makeno paasite
kaan balse wuxuu u baahanyaha
daweyn waayo waxaa uu fariisanayaa
dhiigaa mudo sanada ah.
Plasmodium ovale (P. ovale) –
Isagana jirka ayuu ku haraa oo
diiguu raacaa beerkuuna ku tarmaa
dad qabana dawee ubaahanyihin
sida kuwii h**e aynu xusnay.
Plasmodium falciparum (P.
faliparum) – waa kan ugu qatarsan
ee cudurka duumada waana kan inta
badan Africa common ku ah
qaasatah Sub-saharan Africa.

Calaamadaha lagu Garto Cudurka
Duumada waxaa ka mid ah:

– Qandho.
– Matag.
– Dhidid.
– Daal badan.
– Madax xanuun.
– Lalabo ama yaqyaqsi.
– Calool xanuun.
– Cunto ka go’id.
– Shuban.
– Murqo xanuun siiba adimaha iyo
dhabarka.

Cudurka Duumada haddii aan la
daaweynin waxuu si dhaqso leh
khatar u galin karaa nolasha qofka,
iyada oo dhiiga raacda gaartana
unugyada jirka ugu muhiimsan.
Meelo badan oo dunidan ka mid ah
kaneecada waxay sameysataa difaac
ay kaga gaashamato daawooyin
badan oo iyada lagu dili lahaa.
Sidee lagu Ogaadaa In ay kaneeco
ku Haayso (Malaria) ?
Blood test : Dhiiga ayaa Labaaraa Si
loo hubiyo in parasite uu ku jiro
dhiigaaga.

Sidee Loo Daaween Karaa Kaneecada
( How To Treat The Malaria).

Anti-malarial medication ayaa loo
isticmaalaa si loogu daweeyo
loogana hortago malaria-yada.
Nooca dawad aad qaadaneeyso kolba
waxay ku xerantahay nooca malari
yada ama duumadaee Kuhayso.
Sidoo kale halista calaamadaha
duumada ,dadaada iyo waliba hadii
aa tahay Qof uur Leh (pregnancy )
kuwa ugu badan waxaa kamid ah ee
la isticmaalo :
v Chloroquine (Aralen)
v
Quinine sulfate (Qualaquin)
v Hydroxychloroquine (Plaquenil)
v Mefloquine
v Combination of atovaquone and
proguanil (Malarone
FG : Qaadasha Daawada Duumada ee
Malaria Kala tasho Markasta Doctor-
kaada.

Dhibaatada Ay keento Haday
Malaria-da kugu Xumaato:

Hadii ay Malaariyada kugu xumaato
waxaay kugu keeni kartaaa:
Dhiig la’aan daran.
Spleenka qarxo ( Beer Yarada ).
Kaliddana in ay wax yeelo gaarto
( Kidney Problems)
In organo ama xubno badan oo jirka
ka mid ahh uu waxyeello gaaro.

Sidee Baa loogu Hortagi karaa Amaba
lagu Xakameen karaa Cudurka
Duumada?

Ka hortagga Duumada ama
kaneecada qaniinkeedu wuxu kaa
badbaadiyaa Duumada iyo cudurada
kalee ay keento kaneeco sida- yellow
fever, cudurka maskaxda loo yaqaan
“Japanese encephalitis” iyo xumadda
dengue. Kaneecada waxay dadka
qaniintaa subaxa h**e iyo maqribkii
inta badan.
1- Qaado si dhaqso leh daawada
lagu daawooyo kaneecada.
2- Xiro dhar qarinaaya adimahaaga
sida Gacmaha iyo Lugaha.
3- Daaqadaha gurigaga u yeel
shabaq .
4- Sariirtaada ku xir shandarawo ama
maro kaneeco.
5- Isticmaal shandarawo leh Sunta
disha kaneecada.
6- Isticmaal daawada la buufiyo ee
disha kaneecada .

23/04/2021

.................... Kolestarool......................

Kolestarool (Cholesterol) waa shay dufan ah oo jirku uu u baahan yahay inuu ku shaqeeyo. Waxaa lagu sameeyaa beerka waxaana laga helaa cuntada ka timaadda xoolaha, sida hilibka, ukunta, waxyaabaha caanaha laga sameeyo iyo subagga.
Kolestarool fara badan oo jirka ku jira wuxuu noqon karaa mid waxyeello u leh jirkaaga wuxuuna kordhin karaa halista aad ugu jirto cudurka wadnaha.

Halis ayaad ugu jirtaa dhiig kolestaroolkiisu sarreeyo haddii:
# Jirkaagu uu sameeyo kolestarool fara badan
# Aad cunto cunno uu dufanka cayriin iyo kolestaroolku ay ku sarreeyaan
# Aad sonkorow qabto, heerka qanjirka dheecaan burburintaadu uu hooseeyo kaasoo loo yaqaanno hypothyroidism, ama cudurka killida

Ma jirtaa calaamado lagu garto kolestaroolka sarreeya?
Cudurkaan waxaa loo yaqaanaa "dilaaga aamusan" sababtane waxay tahay calaamado lagu garto ma lahan, waxaa dhici karto calaamadda ugu horreysa inay noqoto, wadna xanuun "Angina", wadna qabad "Heart Attack", Faalij "Stroke" ama xanuun murqaha lugta markaa socotid.



Cillada kolestaroolka kacsan wuxuu noqon karaa dhaxal, caruurta ama dhalinyarada wuu ku dhacaa noocaan.

Halis ma ugu jiraa xanuunka kolestaroolka?
Haddii hooyadaa, aabaahaa, walaalahaa ay kolestarool qabaan ama da'daadu ka sarreeyso 50 jir, ama sonkor nooca 2 aad qabto, ama cayilan tahay ama aadan dhaqdhaqaaq samaynin ama sigaar iyo khamri cabto ama astaamaha lagu garto kolestaroolka aad indhaha ku leedahay.

Waxaa jira 3 nooc oo waaweyn oo dufan ah oo dhiiggaaga ku jira:
# (Dufanka Cufkiisu Sarreeyo) High Density Lipoproteins (HDL):
Kolestaroolkaan "wanaagsan"? wuxuu kolestaroolka dheeraadka ah ka qaadaa dhiiggaaga wuxuuna ku celiyaa beerka si markaas jirkaagu uu u awoodo inuu uga takhaluso.
# (Dufanka Cufkiisu Hooseeyo) Low Density Lipoproteins (LDL):
Kolestaroolkaan "xun"? ee dhiiggaaga ku jira wuxuu ku kordhaa marinnada dhiiggaaga. Tani waxay keeni kartaa in marinnada dhiiggaagu ay ciriiri galaan, iyadoo dhibaato gelinaysa socodka dhiigga.
# Triglycerides: Cunidda Kaarbohaydareyt fara badan waxay kordhin kartaa heerka triglyceride.
Dufannada dhiigga waxaa lagu cabbiraa baaritaanka dhiigga.
Natiijooyinkaagu waxay kuu sheegi doonaan heerka guud ee kolestaroolka dhiiggaaga
# Heerka caafimaadka oo ka hooseeya 200.
# Haddii kolestaroolkaaga guud uu ka sarreeyo 200, takhtarkaagu wuxuu kaa baari doonaa HDL, LDL iyo triglycerides.

Heerka HDL ee kolestaroolka dhiiggaaga
Kani waa kolestaroolka "wanaagsan"?: mar kasta oo ay tiradiisu sarreyso, way ka sii wanaagsan tahay.
# Heerka caafimaadka leh waa 60 iyo ka kor.
# Takhtarkaaga kala hadal daaweynta haddii heerkaagu ka hooseeyo 40.

Heerka LDL ee kolestaroolka dhiiggaaga
Kani waa kolestaroolka "xun"?: mar kasta oo ay tiradiisu hooseyso, way ka sii wanaagsan tahay.
# Heerka caafimaadka leh wuxuu ka hooseeyaa 100.
# Waxaa laga yaabaa in takhtarkaagu uu doonayo in LDL-kaagu uu ka hooseeyo 70 haddii aad in dhawaale dhibaato wadne la kulantay.
# Takhtarkaaga kala hadal daaweynta haddii heerkaagu uu yahay 130 iyo ka kor.

Heerka triglyceride-ka dhiiggaaga
# Heerka caafimaadka leh wuxuu ka yar yahay 150.
# Takhtarkaaga kala hadal daaweynta haddii heerkaagu uu yahay 200 iyo ka kor.

Si aad hoos ugu dhigtid heerka kolestaroolka dhiiggaaga



# Takhtarkaaga u tag oo kolestaroolka si joogto ah ha lagaaga cabbiro.
# Kala hadal takhtarkaaga, kalkaalisada ama cunto qoraha wax ku saabsan qorshaha cunto cunidda iyo jir dhiska.
# Daawo ayaa laga yaabaa in loo baahdo haddii cuntada la qoray iyo jir dhisku aysan ku filneyn xalka arrinta.
# Cun cunto buunshuhu ama faybarku aad ugu badan yahay, sida miraha isu dhan, digirta isu dhan, iyo furuto markaas la gooyey iyo khudrad.
# Xaddid cuntada ay ku jiraan xaddiyo sare oo kolestarool ah iyo dufannada cayriin iyo dufannada polyunsaturated-ka ah, sida hilibka lo'da, farmaajada, iyo caanaha.
# Cun cuntooyin dufankoodu hooseeyo, sida digaagga haragga laga diiray, kalluun ama caano dufanka laga saaray.
# Dooro cuntooyinka ay ku sarreeyaan dufanka monosaturated-ka ah, sida saytuunka ama saliidda canola iyo naatiska.
# Dub, kari, sol ama dhagax ku dub halkii aad shiili lahayd.

Want your school to be the top-listed School/college in Badhan?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Badhan