26/04/2026
Agaasime waaxeedka Quality Assurance Department ee saddexda gobol ee Jubbaland ayaa kormeer shaqo ku sameeyay Iskuulka Haldoor Primary ee ku yaalla Degmada Baardheere, gaar ahaan xaafadda Kurmaan.
Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa qiimeynta tayada waxbarashada, habsami u socodka maamulka dugsiga, iyo heerka ay ardaydu gaareen. Agaasimaha ayaa sidoo kale la kulmay maamulka, macallimiinta, iyo ardayda, isagoo dhiirrigelin iyo talooyin wax ku ool ah siiyay si loo sii xoojiyo tayada waxbarasho ee dugsiga.
Intii uu kormeerku socday, waxaa la bogaadiyay dadaalka muuqda ee ay sameeyeen maamulka iyo macallimiinta Iskuulka Haldoor, gaar ahaan horumarka dhinacyada nadaafadda, anshaxa ardayda, iyo joogtaynta waxbarashada.
Sidoo kale, Agaasimaha ayaa si gaar ah u ammaanay doorka mu’asasada Iskuulka Haldoor, isagoo xusay in dugsiga lagu dhisay meel aad loogu baahnaa, gaar ahaan deegaan ay adag tahay in ardaydu ka soo gudbaan xilliyada roobka marka cimiladu is beddesho.
Tani waxay muujineysaa aragti fog iyo dadaal dhab ah oo lagu fududeynayo helitaanka waxbarasho ee carruurta deegaanka.
Kormeerkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo tayada waxbarashada ee dugsiyada ku yaalla Jubbaland.