07/04/2026
Kalkaal professional college
education school
07/04/2026
07/04/2026
Sincere congratulations to all KPC students who successfully graduated in 2026.
04/04/2026
Qeybo ka mid ah ardayda qalinjabiyaasha ah
04/04/2026
QEYBTA LABAAD EE XAFLADDA QALIN-JABINTA DUFCADA 10AAD
Waxaa si heer sare ah uga qabsoontay Machadka qaybtiisa labaad ee daanta galbeed, qeybta labaad ee xafladda qalin-jabinta dufcada 10aad, taas oo si qurux badan loo soo agaasimay, islamarkaana ay ka muuqatay dadaal, isku duubni iyo farxad wadajir ah, taaso kaso qeeb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada.
Xafladdan oo ahayd mid sii xoojisay bilowgii quruxda badnaa ee h**e, ayaa waxaa lagu soo bandhigay khudbado dhiirrigelin leh iyo mahadcelin loo jeediyay Maamulka,waalidiinta, macallimiinta, ardayda iyo dhammaan bahda waxbarashada.
Waxay ahayd munaasabad muujisay miro dhalka dadaalka ardayda, dulqaadka iyo juhdiga ay soo mareen muddadii waxbarashada.
Kalmadihii laga jeediyay xaflada qalinjabalinta dufcadii 9aad
02/04/2026
Waxaa degmada Baardheere lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo ay ka soo qayb galeen boqolaal ka tirsan bulshada deegaanka. Ka-qaybgalayaasha xafladda waxaa ka mid ahaa waalidiinta ardayda, odayaasha dhaqanka, masuuliyiinta waaxda caafimaadka, haweenka degmada, macallimiinta, howl-wadeennada hay’adaha samafalka, iyo culimaa’udiinka.
Xafladdan oo ka dhacday xarunta Machadka Kalkaal Professional College ayaa lagu maamuusay qalin-jabinta 59 arday oo dhammaystay waxbarashadooda caafimaad. Ardaydan ayaa bartay qeybaha kala duwan ee cilmiga caafimaadka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Laboratory Sciences, Gynecology and Obstetrics, iyo Nursing. Qalin-jabintan waxay muujinaysaa horumar muuqda oo laga gaaray kobcinta aqoonta iyo xirfadaha caafimaad ee bulshada deegaanka.
Intii ay xafladdu socotay, waxaa hadallo dhiirrigelin iyo bogaadin ah jeediyay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin maamulka machadka, agaasinka caafimaadka, odayaasha dhaqanka, wakiillo ka socday hay’adaha samafalka, waalidiinta ardayda, macallimiinta, iyo culimaa’udiinka. Dhammaan khudbadahaasi waxay si wadajir ah u muujiyeen qiimaha iyo muhiimadda ay leedahay waxbarashada caafimaad, iyagoo si gaar ah u bogaadiyey dadaalka maamulka iyo macallimiinta Machadka Kalkaal Professional College ee ku aaddan tayeynta waxbarashada.
Ugu horrayn, waxaa goobta ka hadlay Dr. C/salaam Omar Sheikh, kaas oo faahfaahin ka bixiyay ujeedada xafladda iyo marxaladaha kala duwan ee ay soo mareen ardaydu intii ay waxbarashada ku jireen. Sidoo kale, Agaasimaha Caafimaadka degmada Baardheere, Dr. Maxamed Aadan Dakane, ayaa ka hadlay muhiimadda ay ardayda u leedahay barashada cilmiga caafimaadka, isaga oo xusay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadan doonaan horumarinta adeegyada caafimaad ee bulshada.
Gebogabadii, xafladdan qalin-jabinta ah ma ahan tii ugu horreysay ee ay qabato Machadka Kalkaal Professional College, balse waxay ka mid tahay dadaallada joogtada ah ee machadku ku horumarinayo waxbarashada caafimaadka, isla markaana uu ku soo saarayo xirfadlayaal cusub oo ka shaqeeya qeybaha kala duwan ee caafimaadka. Tani waxay si cad u muujinaysaa doorka muhiimka ah ee machadku ka qaadanayo horumarinta adeegyada caafimaad iyo kobcinta aqoonta bulshada ee degmada Baardheere.
27/11/2025
Qaar ka mid ah ardayda wax ka barata machadka caafimaadka ayaa maanta si guul leh u fuliyay practical ku saabsan tolmada dhaawacyada. Casharkan wax ku oolka ah ayaa diiradda lagu saaray baridda xirfadaha aasaasiga ah ee lagu sameeyo tolmo ammaan ah, nadiif ah, isla markaana u waafaqsan habraacyada iyo anshaxa caafimaad ee casriga ah.
Intii uu socday practical-ku, arday walba waxaa la baray oo uu ku celceliyay farsamada simple interrupted sutures, taas oo ka mid ah xirfadaha ugu muhiimsan ee lagu maareeyo nabarrada furan. Ardaydu waxay si taxaddar leh u barteen sida loo qaato oo loo maareeyo qalabka, jarista dunta si habboon, hagaajinta xargaha, iyo hubinta in tol kasta u xirto si siman oo aan cadaadis xad-dhaaf ah saarin unugyada maqaarka.
Ugu dambayn, practical-ka maanta wuxuu u noqday ardayda fursad qiimo leh oo ay ku muujiyeen horumar muuqda. Waxay si cad u garteen in xirfadda tolmada ay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimka badan ee shaqada caafimaadka, kana dalbanaysa xirfad, dulqaad, iyo aqoon qoto dheer.
21/11/2025
Macalimiintu waa tiirarka ugu muhiimsan ee bulshada. Waa kuwa iftiimiya jidka aqoonta, kana saara ardayda mugdiga jaahilnimada. Maalinta Macalimiinta waxay noo tahay fursad aan ku qadarinno shaqada adag, samirka iyo dulqaadka ay maalin walba u muujiyaan ubadka iyo jiilasha soo koraya.
Macalin waa qof qalbi furan, xikmad leh, oo waqtigiisa, caqligiisa iyo awooddiisa u hura kobcinta mustaqbalka ardayda. Waxa uu dajiyaa rajo, dhiirrigeliyaa himilo, kana dhisaa maskax hoggaamiya berri ka wanaagsan maanta. Amaan iyo sharaf baa mudan macalinkasta oo run ahaantii ka qeyb qaata horumarka qofnimo, qoys iyo qaranba.
06/06/2025
CIID MUBAARAK:
Waxaan hambalyada ciida la wadaageynaa dhammaan ummada Islaamka ah, gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed . Waxaan si gaar ah hambalyada ciida ula wadaageynaa dhamaan ardaydda machadka Kalkaal professional college meel walbo ey jogaan
CIID MUBAARAK, Caafimaad, farxad iyo wanaag ku ciida
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Telephone
Website
Address
Baardheere
Opening Hours
| Monday | 09:00 - 17:00 |
| Tuesday | 09:00 - 17:00 |
| Wednesday | 09:00 - 17:00 |
| Thursday | 09:00 - 17:00 |
| Friday | 09:00 - 17:00 |
| Saturday | 09:00 - 17:00 |
| Sunday | 09:00 - 17:00 |