Al-cirfaan Schools

Al-cirfaan Schools

Share

Waa boga rasmiga ah ee Dugsiyada Alcirfaan

26/05/2026

🌙 HAMBALYO CIIDUL ADXA / تهنئة بمناسبة عيد الأضحى المبارك 🌙
Maamulka, macallimiinta, iyo dhammaan hawl-wadeennada Dugsiyada (Al-Cirfaan Primary and KG Schools) waxay hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u dirayaan dhammaan ardayda sharafta leh, waalidiinta sharafta badan, iyo guud ahaan umadda Islaamka ah meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxada.darteed .Nabad iyo caafimaad ku ciida dhamaantiin كُلُّ عَامٍ وَأَنْتُمْ بِخَيْرٍ! 🎉✨🎉🐏
Ciid Mubarak dhammaantiin! 🕋✨
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال، وعساكم من عواده! 🎈

Photos from Al-cirfaan Schools's post 24/05/2026

Maamulka iyo macalimiinta dugsiyada (AL-CIRFAAN PRIMARY AND KG SCHOOLS) waxay si habsami leh u qabteen tartan aqooneedkii sanadlaha ahaa oo muddo soo socday, kaas oo si rasmi ah u dhex maray 14 fasal oo ka tirsan dugsiga. Sababta ugu weyn ee uu dugsigu u qabanayo tartamada noocan ah waxay tahay in kor loo qaado heerka aqooneed iyo garasho ee ardayda, in lagu dhex beero dhiirigelin iyo tartanka togan, iyo in la xoojiyo kalsoonida ay ardaydu ku qabaan naftooda iyo waxbarashadooda. Tartankan oo soo bilaabmay 03/05/2026, wuxuu soo maray wareegyo kala duwan oo aad u adag, laga soo bilaabo wareegyadii Group-yada, 8-dhamaadka, iyo afar-dhamaadkii (Semi-final), ilaa laga soo gaadhay kulankii ugu dambeeyey ee shalay oo ay bishu ahayd 24/05/2026.
Kulankii weynaa ee Final-ka waxaa foodda isku daray labada fasal ee ugu dhibco sarreeyey dugsiga oo kala ah Class 4A iyo Class 5B, kadib tartan aad u adag oo dhanka aqoonta ahna, Guushii iyo koobkii tartanka aqooneed ee sanadkan wuxuu si rasmi ah u raacay guulaystayaasha Class- 4A.
Maamulka dugsigu wuxuu mahadnaq weyn u dirayaa dhammaan Macalimiinta ,Waalidiinta,iyo ardayda dugsiga Al-Cirfaan oo dhan meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaanna geesiyaashii iyo aqoon-baadhayaashii matalayay fasaladooda ee muujiyey anshaxa iyo dedaalka sare ee aqoontu ku dheehneyd.
Gunaanadkii, Dugsiga Al-Cirfaan wuxuu mar walba u taagan yahay hoggaaminta, tayada, iyo soo saarista jiil aqoon iyo anshaxba u saaxiib ah, waana hooyga rasmiga ah ee lagu hubo mustaqbalka ubadkaaga.
Hambalyo , Hambalyo , Hambalyo mar kale Class/4A!

Photos from Al-cirfaan Schools's post 17/05/2026

AL-CIRFAAN PRIMARY & KG SCHOOLS HAMBALYO 18-KA MAY Maamulka, Macallimiinta, iyo dhammaan Shaqaalaha Dugsiyada Al-Cirfaan waxay hambalyo iyo bogaadin meel sare ah u dirayaan dhammaan shacabka weyn ee reer Somaliland, meel kasta oo ay joogaan, munaasibadda weyn ee 18-ka May oo ku beegan dib-u-la soo noqoshadii madax-bannaanida dalkeenna.

Maaddaama ay tahay maalin qaran, Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiga Al-Cirfaan waxay si gaar ah xilligan ALLE (سُبْحَانَهُ وَتَعَالَىٰ) uga baryayaan in dabbaaldegyada iyo munaasibadaha berri ka dhacaya dhammaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland ay ku midoobaan, kuna dhammaadaan NABADGELYO, , IYO CAAFIMAAD.

Waxaan ALLE (سُبْحَانَهُ وَتَعَالَىٰ) uga baryaynaa inuu dalkeenna ka dhigo kii horumar, nabad, iyo barwaaqo ku waara, ubadkeenna iyo ardaydeenna reer Somaliland-na uu u fududeeyo mustaqbal ifaya iyo aqoon waxtar leh.

18 May Guri kasta iyo Gobol kasta oo Somaliland ha Nabad ha ugu qabsoonto!

Photos from Al-cirfaan Schools's post 12/05/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 12/05/2026
Waxa dugsiyada Al-cirfaan Schools ka qabsoontay xafladda usii diyaar-garawga Maalinta qiimaha wayn u xambaarsan dadka iyo dalka jamhuuriyadda Somaliland ee 18 may .

Kuwani waa qaar kamid ah Sawirada ardayda , maamulka , hawl-wadenada dugsiyada iyo qaar kamid ah marti-sharaftii kasoo qayb-gashay manaasibadda qiimaha badan .

Photos from Al-cirfaan Schools's post 07/05/2026

Dugsiyada Al-cirfaan Schools waxa kasocda barnaamij tartan aqooneed ah Oo sare loogu qaadayo tayada waxbarashada ardayda iyo xiisaha ay u qabaan geeddi socodka tacliinta dugsiyada .

Alle ka-sakow waxa mahad iska leh maamulka sharafta leh ee soo agaasimay barnaamijkan qiimaha badan

Sidookale waxa u qabsoomay ardayda barnaamijkii tartan ciyaareedka .

19/03/2026

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

Maamulka , Macalimiinta Ardayda Iyo waalidiinta dugsiyada Al-cirfaan Schools
Waxay hambalyo u dirayaan Shacab-waynha reer Somaliland iyo dhammaan ummada Islaamka ah munasibadda Ciidda Awgeed.

تقبل الله منّا ومنكم صالحَ الأعمالِ 🤲🤲

21/02/2026

OGAYSIIS OGAYSIIS

Dhammaan hawl-wadeennada iyo ardayda wax kabarata dusiyada Al-cirfaan Schools
Waxa la ogaysiinayaa in dugsigu fasax yahay
Maalinta barri ah ee Axad : 22/02/2026
Salaadda roob-doonta awgeed .
Waxa dugsiga lagu soo noqon doonaa
Maalinta Isniinta : 23/02/2026.

17/02/2026

Maamulka Iyo Macallimiinta Dugsiyada
Al-cirfaan Schools Waxay ugu bushaaraynayaan Dhammaan Ummadda Muslimiinta ah gaar ahaan ummadda reer Somaliland curashada bisha barakaysan ee ramadaanta .

تقبّل الله منّا ومنكم صالح الأعمال 🤲

Photos from Al-cirfaan Schools's post 10/02/2026

Waxaa maanta dugsiyada Al-cirfaan Schools usoo gabo-gaboobay tartanka ciyaarta kubadda gacanta ( basketball)
Gaar ahaan hablaha dugsiga dhexe.

Waxaanay guushu raacday ardayda fasalka 8aad .

Maamulka iyo macalimiintuba waxay hambalyeynayaan fasalka ku guulaystay tartanka wareega kubadda gacanta ee fasallada 5aad ilaa 8aad .

Photos from Al-cirfaan Schools's post 28/01/2026

Waxa maanta dugsiyada Al-cirfaan Schools ka qabsoomay barnaamij waalidiinta sharafta leh lagu siinayey Kaadhka Warbixinta dhibciha imtixaanaadka billiha1aad iyo Teeramka yar
( Monthly[1] And Mid-Exam) ee ardayda .

Waxa mahad iska leh allaha hufnaan iyo qurux innoogu soo dhammeeyey .

Waxa kale oo mahad gaara leh waalidiinta sharafta leh ee sida joogtada ah uga war yaha waxbarashada ubadka ay ku tabcayaan .

Want your school to be the top-listed School/college in Arabsiyo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Arabsiyo