26/05/2026
πβ¨ Ciidul Adxa Mubaarak β¨π
Maamulka, Macallimiinta iyo Ardayda
Garaad-Soor Primary and KG School
waxay dhammaan Muslimiinta ugu hambalyeynayaan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxa.
Allaha naga aqbalo acmaasha wanaagsan, hana inagu gaadhsiiyo farxad, nabad iyo barwaaqo. π€
Eid Mubarak! ππ
18/05/2026
Happy 18 May ππ€β€οΈ
Maanta waa maalin weyn oo xusuus iyo sharaf u leh dhammaan shacabka Somaliland. Waa maalin aynu ku muujinno midnimo, nabad, horumar, iyo jacaylka dalkeenna.
Dugsigeennu waxa uu hambalyo u dirayaa dhammaan ardayda, macallimiinta, waalidiinta, iyo guud ahaan shacabka munaasabadda 18-ka May awgeed.
Ilaahay ha inoo ilaaliyo nabadda iyo wadajirka dalkeenna.
Happy 18 May everyone
01/05/2026
Hambalyo dhammaan shaqaalaha waynaha Jamuuriyada Barakaysan ee Soomaaliland gaar ahaan bahwaynta Waxbarashada iyo Macalimiinta Dugsiga Garaad-soorβ¨π
23/03/2026
Ogeysiis iyo Xasuusin
Maamulka Dugsiga Garaad-soor School waxay si rasmi ah u wargelinayaan waalidiinta, ardayda, macalimiinta iyo dhammaan hawl-wadeennada dugsiyada Garaad-soor in maalinta berri oo Salaasa ah, taariikhduna tahay 24/03/2026, ay dib u bilaabmi doonto waxbarashadii.
Mahadsanidiin.
19/03/2026
πβ¨ Hambalyo Ciid Mubarakβ¨π
Maamulka, macalimiinta, iyo dhammaan bahda dugsigu waxay hambalyo diirran u dirayaan ardayda, waalidiinta, iyo bulshada inteeda kale munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga.
Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii, iyo camalkii wanaagsanaa ee aynu soo gudannay bisha barakaysan ee Ramadaan.
Ciidani ha noqoto mid inoo horseedda nabad, farxad, iyo barwaaqo.
Waxaan rajaynaynaa in ardaydeennu ay ku soo laabtaan dugsiga iyagoo firfircoon, maskax furan, una diyaarsan waxbarasho tayo leh.
π Ciid Mubaarak β Kulu Caam wa Antum Bikhayr! π
17/02/2026
βͺοΈ Ramadaan Mubarak π
Maamulka iyo bahda Garaad-Soor Primary & KG School waxay dhammaan ardayda, waalidiinta, iyo bulshada Soomaaliyeed u rajaynayaan Ramadaan barakaysan.
Alle ha inagu gallado bishan kheyrka leh caafimaad, nabad, iyo barako π€²
Ramadaan Kariim
04/02/2026
Family Garaad-soor School π«π₯°β€οΈ
04/02/2026
Qaybta labaad: Ardayda kaalmaha h**e ka galay imtixaanka kalka koowaad.
πUbaxihii wadankow waan idin sugaynaaπΈ
04/02/2026
Xafladda ardayda kaalmaha h**e ku guulaystay imtixaanka yar ee Kolka koowaad.
Dugsiga hoose-dhexe ee Garaad-soor.
π Waxbarashadu waa iftiinka nolasha. π