caluula primery and secondary school

caluula primery and secondary school

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from caluula primery and secondary school, Education, Alula.

21/11/2025

Maamulka Iyo Macalimiinta caluula primery and secondary school waxey Maanta hanbalyo udirayaan geesiyada aanan muuqan, balse iftiinkoodu uusan marnaba qarsoomi karin, barayaashii noo iftiimiyey wadooyinka nolosha. 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝𝐬𝐚𝐧𝐢𝐝 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧.
Maalintaan waxay na xasuusinaysaa in qiimaha macallinka aanan la qiyaasi karin.
𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝𝐬𝐚𝐧𝐢𝐝𝐢𝐢𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐦𝐢𝐢𝐧𝐭𝐞𝐞𝐧𝐧𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐪𝐢𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐥𝐞𝐡, sidaad bulshada koritaankeedii, hanuuninteedii, iyo horumarkeeda udub-dhexaad uga tihiin.

Happy Somali Teacher's Day

21/11/2024

Maalinta Macalinka Soomaaliyeed awgeed,schoolka caluula primery and secondary school wuxuu hambalyo u diraya dhammaan macalimiinta Soomaaliyeed, oo loo asteeyey maanta oo kale, 21-ka Nofeembar, in la xuso lana xasuusto kaalinta weyn ee ay bulshada kaga jiraan.

Maamulka schoolka Caluula waxa ay u mahadcelinayaan dhammaan macalimiinta, kuwaas oo naftooda u huray iftiiminta mustaqbalka ardayda. Dadaalkiinna iyo nafhurnimada aad muujiseen waa mid aad ku amaanan tihiin,
Hambalyo || Maalinta Macalinka Soomaaliyeed
Mahadsanid

05/10/2024

MAALINTA MACALIMIINTA ADUUNKA.

Macalimiintu waxay mudan yihiin in la qadariyo maalin kasta, waayo doorkooda waxbarashada iyo horumarinta bulshada waa mid aan lagu qiimeyn karin maalin kaliya. Maalinta macalimiinta adduunka waxay fursad u tahay in la xuso hawsha ay qabtaan, in la taageero oo la aqoonsado dadaalkooda. Macalimiintu waa hogaamiyeyaasha, dhiirigeliyeyaasha, iyo furayaasha mustaqbalka ardayda, waxaana lagama maarmaan ah in la xuso qiimaha ay leeyihiin.

Hambalyada maalinta macalimiinta adduunka waxay muujinaysaa in aan la iloobi karin saameynta togan ee ay ku leeyihiin nolosheena.

Hambalyo macalin! Dadaalkaaga iyo ka go'naantaada waxbarashada waxay saameyn weyn ku leeyihiin nolosha ardaydaada. Waxaa lagu qadariyaa hawsha aad qabato. Maanta waa maalintaada!

قم للمعلم وفِّهِ التبجيلا *** كاد المعلم أن يكون رسولا
أعلمت أشرف أو أجل من الذي *** يبني وينشئ أنفسا وعقولا

………………. DHAMMAAAD……………

Photos from caluula primery and secondary school's post 24/09/2024
Photos from caluula primery and secondary school's post 24/09/2024

Talaada
24/9/2024

Waxaa maanta booqasho noogu yimi dugsiga sare
Taliyaha ciidanka PMPF Ee Dagmada Caluula S/ Xidigle Jaamac Ahmed Muumin

Oo ka mid ahaa ardeydii ka qalinjabisay iskuulka sanad dugsiyeedka 2023 /2024
Isaga oo ardayda kula hadlay Daabuurka una soo jeediyey talooyin iyo tusaalooyin kusaabsan ahmiyada waxbarashada

Ugu danbeyntina waxa uu sido kale umahad celiyayey maamulka iyo macaliminta iskuulka juhdiga ay ku bixinayaan sidi jiilka soo koraya ay unoqonlahayeen kuwo dadka iyo dalkaba uga faideya aqoonta ay barteen

.............dhamaad......

Photos from caluula primery and secondary school's post 30/05/2024

Caluula: Gudoomiyaha Degmada Caluula Mudane Axmed Maxamed Xasan Xamari oo ay Waheliyaan Gudoonka Waxbarashada Gobolka Raas Casayr Mudane Yusuf Said Yusuf, Maamulayaasha Iskuulada Caluula iyo Xaabo Iyo Masuuliyiinta Imtixaanka waday ayaa Ka Qaybgalay Munaasabad kooban oo lagusoo xirayay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland oo maantay kasoo idlaaday Guud ahan gayiga Puntland.

Gudoomiyaha Iyo Gudoonka Waxbarashada Gobolka ayaa Hambalyo udiray dhamaan ardayda Puntland si gaar ah ardayda Gobolka Raas Casayr oo ay urajeeyeen in ay kasoo muuqdaan kaalmaha ugu sareeya Imtixaanka Puntland.

Photos from caluula primery and secondary school's post 25/05/2024

Caluula : Gudoomiyaha degmada caluula mudane axmed maxamed xasan (xamari) oo uu Waheliyo masuuliyeen kasocota Waxbarashada waxbarashada Dawlada puntland ayaa schoolka Caluula Ka Daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Sanad-Dugsiyeedka 2023-2024 oo ay Sanadkasta Qaado Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland
Axmed Cali Xirsi

17/05/2024

Jimce: 17/05/2024
Ogaysis ogaysis ogaysis

‐--------‐---------------------------

Dhaman dadka ku dhaqan degmada calula iyo nawaxigeda waxan ogeysineyna in ay nagala so qaybgalaan xaflada qalinjabibta ardayda labada dafcadood ah ee dugsiga H/dhexe iyo kan sare oo anu jecelnahay in ay qabsoonto 19 may 2024

--------Mahdsaniddin------------

Xafiiska nashadaadka iyo warbaahinta dugsiga caluula primery and secondary school

Photos from caluula primery and secondary school's post 12/05/2024

BISMILAH

SABTI :11/5/2024

waxa noo bilowday imtixaanki teranka 2aad ee sanad dugsiyeedka 2023/2024

Waxa naga soo qaybgalay gudoomoyaha gobolka rascaser mudane cumar cisman sicid ,gudomiyaha waxbarashada gobolka mudane yusuf sacid ,xoghaya dowlada hose ee degmada calula sabirin cali iyo,xildhibano katirsan golaha deganka degmada calula

Ugudanbeyti mamulaha iskuulka axmed cali xirsi iyo macaliminta aya uga mahdceliyey adaxda utimid ardayda kula dardarmay in ay imtixan si degan uga shaqayaan uguna duceyey in ilah ufududeyo

........dhamaad....

Photos from caluula primery and secondary school's post 08/05/2024

Arbaco:
08/may/2024

Shaacin jadwalka imtixaanka naqliga ah

Mamulka iyo macaliminta oo iskashanaya aya shaciyey xiliga uu bilamanayo imtixaanka naqliga ah ee calula secondary school

Mamulka iyo macalimintu waxay ardayda kuladardarmeen in ay dadal mujiyaan inta uu imtixanku socda iyo inta ka horeysaba

Mahadsanidiin

.....dhamaad.....

14/02/2024

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland ayaa soo saartay qiimayntii waji kowaad ee Jamacadaha Puntland 2023-2024.

Photos from caluula primery and secondary school's post 14/02/2024

Bismilaah
Maanta oo ay tariikhdu ku beegantagay 14/2/2024
Waxaa ardayda dugsiga dhexe loqaybiyey qaybti labaad eeg buugta manhajka cusub ee dawlada puntland

Ardaydas oo ka faidaysaneysa buugta isla markaasta aad ugu bahneyd buug ay casharada ka akhrisataan iyaga oo xafadahoda jooga

Sido kale mamulka ,macaliminta iyo walidiinta aya umahadceliyey godoonka waxbarashada gobolka ,degmada iyo wasarada waxbarashada dawlada puntland

Waxayna shegeen in ay waxbadan kataridoonta fahanka iyo cahar diyaarinta ardayda

Ugu danbeyni mamulaha iskuulka mudane .Axmed cali xirsi ( )
Iyo macaliminta qayb ka mid ah aya uqaybey ardayda

..dhamaad

Want your school to be the top-listed School/college in Alula?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Alula