18/09/2025
Mahad naq iyo amaan
Maamulka iskuulka oo metelaya Macallimiinta iyo ardayda waxa uu umahad celinayaa alle ka sokow Ustaad ( ) Dedaalkii uu ka geystay dib ufuridda iskuulka iyo kaalintiisa dhiira galinta leh ee suurta galisay in labilaabo Fasalka 1,aad ee Dugsiga sare Tan iyo markii ay deegaana lafoole ka hergalisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare 1973 xaruntan waxbarsho,
Waxa uu xaliyey arrimo quseeya deegaanka iyo iskuulka oo caqbad ku noqon laheyd xaquuqda waxbarashada ubadka iyo nashaadka ardayda Soomaaliyeed waxa uu had iyo jeer inala garab taagan yahay dhiiragalin iyo garab istaag. mahadsanid waad gudatay waajibaadkaagii waad meteshay barbaarintii iyo kartidii aan kugu beernay yaraantaadii adiga oo dib ugu soo celiyey aqoontaada kartidaada Goobtii aad wax ku baratay ee laguugu soo barbaariyey xitaa adiga oo inaga fog.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare DowladdaKoonfur Galbeed
Dr. Maxamed Xasan diriye Mixille.
Maamulaha Iskuulka.
21/08/2025
Hanbalyo hanbalyo hanbalyo !
Maamulka iyo macallimiinta iskuulka Lafoole boys waxa ay uhambalyeenayaan lana qeybsanayaan farxadda dhamaan ardayda Fasalka 8,aad oo dhamaantood ku baasay imtixaanka dhexe ee qaranka waxaan urajeyneenaa guulo kale waxaana ku boorineenaa in ay halkaa ka si wadaa dedaalkooda waxbarsho
25/06/2025
Maamulka iyo macallimiinta iskuulka waxa ay Hambalyo udirayaan ardayda Fasalka 8,aad oo imtixaanka shahaadiga ah si guul ah ugu soo dhamaaday waxaan urajeyneenaa guul iyo dedaal intaa ka badan waxaa tihiin hogaanka iyo muraayadii iskuulka waxaan mar kale idin rajeyneenaa guul si wada jir ah.
13/06/2025
«إنَّ لِلَّه ما أَخَذ ولَهُ ما أَعطَى، وكلُّ شَيءٍ عِنده بِأجَل مُسمَّى فَلتَصبِر ولتَحتَسِب».
Maamulka iyo Macallimiinta iskuulka waxa ay murugada Tacsida laqeybsanayaan Usaad oo kamid ah barayaasha iskuulka oo walaalkii Caawa geeriyooday alle ha unaxriisto gadaashii rabi nama fitneeyo.
04/06/2025
Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo!
Maamulka iskuulka iyo Macallimiinta waxa ay waalidiinta iyo ardayda Ku wargalinayaan in lagu guuleestay Xalinta Duruufahii hor taagnaa waajibaad gudashada Macalin Maxamed Shariif oo kamid ahaa baryaasha iskuulka,
Maamulka & Macallimiinta waxa ay u Mahad celinyaan Ustaad oo kaa shanaya Ugu sareesa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare DowladdaKoonfur Galbeed heer gobal iyo heer degmo in uu howshaasi ku si oo leh
Waxaan dhamaantood halkaan uga wanaagooda waxaan sidoo kale umahad celineenaa xarunta kacaanka oo Codsiga wada shaqeynta iyo hormarinta bahda waxbarashada Xarunta kacaanka Lafoole.
25/05/2025
Maamulka iyo Macallimiinta Iskuulka Waxa ay Hambalyo udirayaan Ardayda Fasalka 3,aad oo ku guuleestay Tartan aqooneedka sanad dugsiyeedkan Waxa ayna si adag udhiira galinayaan dhamaan ardayda in ay sii laba jibaaran dedaalkooda waxbarshada.
Waxaan Madal dad weyne looga farxin doonaa oo lagu abaal marin doonaa Guuleeste yaasha Tartanka iskuulka i.a
04/05/2025
إنا لله وإنا إليه راجعون
Maamulka Iskuulka Lafoole Boys oo ku hadlaayo Magaca Macallimiinta iyo ardayda iskuulka waxa uu tacsi udirayaa umadda soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo ehelkii uu ka baxay Sheekh Muxudiin Sheekh Cumar oo ku geeriyooday Deegaanka Lagoole
Sheekhu waxa uu udhub dhexaad u'ahaa faafinta Diinta islaamka
Rabi haka raali noqdo.
16/04/2025
Waxaa Maanta oo ay Tr: Tahay 16/4/2025 Si rasami u'bilowday Tartan aqooneedka Dugsiga Sanad Dugsiyeedka 2024-2025 oo ay ku Tartameen Fasalka 7,aad dugsiga dhexe iyo Fasalka 4,aad ee dugsiga hoose, Waxeyna guusha Raacday #4, ee dugsiga oo dhigooda kaga Badiyey 2 dhibcood guud ahaan dhibcaha Tartanka.
15/01/2025
Maxamed Shariif waa Mid kamid ah Barayaasha lafdhabarka u'ah iskuulka wuxuu dugsiga sare kaga baxay iskuulkan 1988-1989 ee uu Hadda ka yahay Maamule ku xigeenka Iskuulka
14/01/2025
Waxaa si guul ah inoogu soo dhamaaday imtixaanka dhexe ee iskuulka waxaan ardayda oo idil urajeyneenaa guul iyo hormar
Waxaan waalidiinta iyo ardayda ku wargalineenaa in iskuulku inoo xiranyahy waxaana dib loo furi doonaa 1.2.2025 Maalin Sabti ah Isku soo noqod Caafimaad iyo xiiso leh.
11/01/2025
Waxaa Maanta inoo Billoowday Imtixaanka Dhexe ee sanad dugsiyeedka 2024-2025 dhamaan heerarka kala duwan ee Iskuulka
Waxaan ardayda soomaaliyeed urajeuneenaa meelkasta ay joogaan Guul iyo Hormar