Al-Imaan iskuul

Call Directions Contact the school

Al-Imaan iskuul Page-kan Waxaad Kala Socon Doontaa Barnaamijyada Quseeya Arimaha Ardeyda Tacliintooda Ee Iskuulka ?

30/09/2026

Waxaan bogaadinaynaa ardaydii maanta sida wanaagsan uga faa’iidaysatay muxaadaraddii qiimaha lahayd ee inoo qabsoontay. Waxaan rajaynaynaa inay aqoontii ay ka faa’iidaysteen ku dhaqmaan.

29/09/2026

📢 OGEYSIIS MUHIIM AH
Dhammaan ardayda sharafta leh waxaa lagu wargelinayaa in berrito, 30/9/2026, uu inoo qabsoomi doono Barnaamijkii Wacyigelinta Ardayga ee caadiga inoo ahaa.
Barnaamijkan wuxuu diiradda saarayaa kor u qaadista aqoonta, tarbiyadda, akhlaaqda iyo wacyiga ardayda, iyadoo la soo jeedin doono talooyin iyo duruus wax-ku-ool ah oo ka caawinaya ardayda horumarkooda waxbarasho iyo noloshooda.
📚 Waxaan dhammaan ardayda ku boorrinaynaa inay si wanaagsan uga faa’iideystaan barnaamijkan, kana qaybqaataan si firfircoon.
Ka faa’iidaysiga fursadaha wanaagsan waa tallaabada koowaad ee horumarka.

Taariq: 9/9/2026Waxaa maanta hoolka iyo saaxadda Dugsiga Al-Iimaan si wanaagsan uga qabsoontay muxaadaradii qiimaha laha...
09/09/2026

Taariq: 9/9/2026
Waxaa maanta hoolka iyo saaxadda Dugsiga Al-Iimaan si wanaagsan uga qabsoontay muxaadaradii qiimaha lahayd ee ku saabsanayd:
📚 الهمة العالية في طلب العلم – Hanka Sare ee Raadinta Cilmiga
Muxaadarada oo ahayd mid wacyigelin iyo dhiirrigelin leh, waxaa si gaar ah looga hadlay muhiimadda ay leedahay hammiga sare, dadaalka, sabirka iyo ka go’naanshaha raadinta cilmiga, iyadoo ardayda lagu boorriyey inay yeeshaan himilooyin waaweyn oo ay ku gaaraan mustaqbalkooda.
🎓 Ardayda ayaa si wanaagsan uga faa’iideystay muxaadarada, iyagoo ka helay dardaaran iyo dhiirrigelin ku saabsan sidii ay waqtigooda uga faa’iideysan lahaayeen, waxbarashadana ugu dadaali lahaayeen.
Waxaan rajaynaynaa in fariintii maanta ay noqoto dhiirrigelin dhab ah oo ku riixda ardaydeena inay yeeshaan hanka sare iyo dadaalka lagu gaaro guusha.
💚 Dugsiga Al-Iimaan – Waxbarasho, Tarbiyeyn iyo Horumar.

📢 OGEYSIIS MUHIIM AHDhammaan ardayda sharafta leh waxaa lagu wargelinayaa in uu si rasmi ah noogu bilaabmayo  berito 9/9...
08/09/2026

📢 OGEYSIIS MUHIIM AH
Dhammaan ardayda sharafta leh waxaa lagu wargelinayaa in uu si rasmi ah noogu bilaabmayo berito 9/9/2026, sida caadiga noo ahayd, Barnaamijka Wacyigelinta Ardayga.
Barnaamijkan wuxuu diiradda saarayaa kor u qaadista aqoonta, tarbiyadda, akhlaaqda iyo wacyiga ardayda, si ay uga faa’iideystaan talooyin iyo duruus wax-ku-ool ah oo ka caawinaya horumarkooda waxbarasho iyo noloshooda.
📚 Waxaan dhammaan ardayda ku boorrinaynaa inay si wanaagsan uga faa’iideystaan barnaamijkan, kana qaybqaataan si firfircoon.
Ka faa’iideysigu wanaagsan waa tallaabada koowaad ee horumarka.

Alxamdulillaah, waxbarashada ardaydu si habsami leh ayay u socotaa. Macallimiinta iyo ardayduba waxay si wanaagsan uga s...
05/09/2026

Alxamdulillaah, waxbarashada ardaydu si habsami leh ayay u socotaa.
Macallimiinta iyo ardayduba waxay si wanaagsan uga shaqeynayaan horumarka iyo tayada waxbarashada.

05/09/2026

🏫 مدرسة الإيمان الأساسية والثانوية
📚 الأسبوع الثاني من العام الدراسي 2026–2027م
بفضل الله وتوفيقه، تتواصل الدراسة في مدرسة الإيمان للأسبوع الثاني بصورةٍ جيدة ومنظمة، في أجواءٍ تعليمية وتربوية متميزة.
🌟 جدٌّ واجتهاد، علمٌ وتربية، وانطلاقةٌ نحو مستقبلٍ أفضل.
نسأل الله أن يبارك في جهود المعلمين والطلاب، وأن يجعل هذا العام الدراسي عامَ نجاحٍ وتفوقٍ وتميّز.
مدرسة الإيمان… علمٌ نافع، وتربيةٌ صالحة، ومستقبلٌ واعد.

بسم الله الرحمن الرحيمShalay galab oo ay taariikhdu ahayd 28/08/2026, waxaa macallimiinta Iskuulka Al-Iman loo qabtay ta...
29/08/2026

بسم الله الرحمن الرحيم

Shalay galab oo ay taariikhdu ahayd 28/08/2026, waxaa macallimiinta Iskuulka Al-Iman loo qabtay tababar ku saabsan “Foundations of Psychological Guidance and Counselling in Education.”

Tababarku wuxuu ujeedkiisu ahaa in macallimiinta la siiyo aqoon iyo faham ku saabsan hagidda iyo la-talinta nafsiyeed ee ardayda, si ay si wanaagsan uga taageeraan baahiyahooda waxbarasho, bulsho iyo nafsiyeed.

Waxbarasho tayo leh waxay ka bilaabataa macallin fahmaya ardaygiisa.

Jaamacadda Frontier ayaa qabatay siminaar aqoon-kororsi ah oo ku saabsan “Strategic Planning for School Development”, wa...
27/08/2026

Jaamacadda Frontier ayaa qabatay siminaar aqoon-kororsi ah oo ku saabsan “Strategic Planning for School Development”, waxaana ka qayb galay maamulayaasha iskuullada Degmada Afgooye. Siminaarku wuxuu ujeedkiisu ahaa xoojinta qorsheynta iyo horumarinta tayada maamulka iskuullada.

🏆🎉 HAMBALYO ARDAYDA FASALKA 8AAD 🎉🏆Waxaan si weyn u hambalyeynaynaa dhammaan ardayda Fasalka 8aad ee guusha weyn ka gaar...
26/08/2026

🏆🎉 HAMBALYO ARDAYDA FASALKA 8AAD 🎉🏆
Waxaan si weyn u hambalyeynaynaa dhammaan ardayda Fasalka 8aad ee guusha weyn ka gaaray Imtixaanka Shahaadiga. Guushiinnu waa mid ka dhalatay dadaal, sabir iyo karti.
Sidoo kale, waxaan mahad iyo bogaadin u jeedinaynaa maamulka, macallimiinta iyo waalidiinta kaalintii weynayd ee ay ka qaateen guushan.
Hambalyo dhammaantiin! Guul iyo horumar ayaan idiin rajaynaynaa. 🌟📚👏
Guusha ardayda imtixaannada Fasalka 8aad waxaa si weyn uga qayb qaata dadaalkooda iyo taageerada macallimiinta, maamulka iyo waalidinta.

Address

Afgoye
2526

Telephone

+252618101894

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Al-Imaan iskuul posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Al-Imaan iskuul:

Shortcuts

Share

Category