27/04/2026
Shalay : 26 / April 2026 AXAD waxaa si rasmi ah u bilowday tartan aqooneedka sanad dugsiyeedka 2025_2026 ee iskuulka. Waxaa tartanka lagu daah furay labada class kala ah fasalka 4aad dugsiga sare iyo fasalka 2aad dugsiga sare waxa ay guusha raacday fasalka form four waxayna ku badiyeen natiijo gaareysa : 9 dhibcood
10/01/2026
10/01/2026 oo maanta sabtida ah ayaa si sax ah inoogo billowday imtixaanka midterm ka ama ( نصف العام ) Waxaan dhammaan ardayda u rajeynayaa guul iyo buundooyin ay ku farxaan inshaa allah
Waxaan leenahay dadaala si aad hadadkiina u gaartaan
01/01/2026
Maamulka , macallimiinta iyo ardayda iskuulka Horsed Afgoye Primary And Secondary School waxay u hambalyeynayaan farxaddana la qeybsanayaan ustaad Abuukar maxamed Sheekh Cabdi ( Abuukar Duurow) oo ka qalin bedeshay heerka koowaad ee jaamacadda .
Hambalyo , Hambalyo Allah kugu anfaco cilmiga aad baratay.
Hambalyo mar kale
20/12/2025
انا لله وانا اليه راجعون
ان لله ما اخذ وله ما اعطي وكل شي عنده باجل مسمي
Dhammaan maamulka, macallimiinta iyo ardayda Horsed Afgoye Primary And Secondary School waxay ka tacsiyeynayaan geerida ku timid allah unaxariistee ustaad Bakar Suleymaan Maxamuud oo ahaa maamulaha dugsiga kacaanka .
Allah unaxariisto , qabrigiisa u waasiciyo , dambigiisana allah dhaafo .
Aamin
21/11/2025
Maamulka iskuulka wuxuu u hambalyeynayaa dhamaan macallimiinta soomaaliyeed.
Si gaar ah wuxuu ugu hambalyeynayaa macallimiinta ka howl gala iskuulka Horseed Afgoye primary and secondary school sida ay ugu dhabar adeygeen duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan.
Maamulka wuxuu macallimiinta iyo ardayda ogeysiinayaa in iskuulka uu fasax yahay berri oo sabti ah insha allah .
19/11/2025
DHAMAAD .
Waxaa maanta oo arbaco ah 19 Nov 2025 inoosoo idlaaday imtixaan bileedka 1aad sanad dugsiyeedka 2025_2026.
Dhamaan ardayda guul ayaan u rajeynaynaa .
15/11/2025
IMTIXAAN.
Waxaa maanta si toos ah noogu billowday imtixaan bileedka 1ªªd sanad dugsiyeedka 2025_2026 , Maanta oo aheyd taariikhda 15 Nov 2025 SABTI .
SAWIRRO QEYB KA MID AH ARDAYDA QEYBAHOODA KALA DUWAN OO IMTIXAANKA U FADHIYA ALLAH IDIN FUDUDEEYO DHAMMAAN MAADOOYINKA I.A