20/05/2026
Kulankii kowad ee Tartanka Kubadda Cagta โ Guul u Hoyatay Fasalka 4aad
Arbaco, 20 May 2026, waxaa lagu qabtay garoonka dugsiga Abiibakar Al-Sadiiq hoose iyo dhexe kulankii labaad ee tartanka banoonida ee sanad dugsiyeedkan. Ciyaartan ayaa dhexmartay fasalka 3aad iyo 4aad A
Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa lagu daawaday ciyaar wanaag, firfircooni iyo xirfad sare. Inkastoo fasalka 4 aad A ay sameeyeen dadaallo xoog leh, haddana difaac adag iyo weerar degdeg ah oo ay sameeyeen ardayda fasalka 3aad ayaa keenay inay ciyaarta si buuxda u maamulaan.
Ugu dambayn, fasalka 4aad ayaa ku badiyay 4 gool iyo eber (4-3), taasoo guul muhiim ah u ahayd iyaga maadaama ay ahayd ciyaartii ugu horreysay ee ay ka qayb qaataan tartankan.
Maamulka dugsiga Abiibakar Al-Sadiiq ayaa bogaadiyay labada fasal ee ciyaaray, wuxuuna sheegay in tartamadu ay sii socon doonaan maalmaha soo socda ilaa la gaaro k**a dambaysta
19/05/2026
Waxaa beri Oo Ay Taarikhdu Tahay 20/my/2026 Garoonka tadaamun studio Lagu Daahfuri Doona Tartanka Kubadda Cagta Ee Abuubakar cup , Waxaana beri subax is Arki Doona Fasalada 3.A iyo 4.B
Saadaashu Waa Xagiina
16/05/2026
Waxa dhawaan lashaacin doonaa isku aadka tartanka ABIIBAK CUP sanadlaha ahaa oo aad nagu barateen waqtiyadaan oo kale.
Tartanka wa is dhexgal bulsho oo ay ardaydu kuso bandhigaan hibadooda ku badeed.
Waxaana rajeyneenaa in tartankaas noogu bilowdo sii habsami leh kuna dhammaado farxad iyo reereyn waxaan guul uwada rajeyneenaa dhammaan kaso qeybgalayaasha fasalada kala duwan ee ISKUULKA
WABILLAHI TOWFIIQ
17/11/2025
Bahda dugsiga H-dh&sare ee ABIIBAKAR SADIIQ
Oo iskuduuban waxay urajenayaan ardadooda inuu Alle guul kasiiyo imtixaan bileedka 1aad ee sanad dugsiyeedka 2025--2026
01/07/2025
Talaado, 1-da Luulyo 2025.
Waxaa maanta si rasmi ah u dhacay tartankii k**a dambaysta ahaa ee kubadda cagta ee dugsiga Abiibakar. Tartankan ayaa si weyn loo sugayay, waxaana ay ku tartamayeen labada fasal ee kala ah fasalka 4aad iyo fasalka 6aad.
Natiijada Ciyaarta: Ciyaarta ayaa ahayd mid aad u xiiso badan, waxaana labada fasal soo bandhigeen ciyaar heer sare ah oo ay ka muuqatay firfircooni, xirfad iyo tartan daacad ah. Fasalka 6aad ayaa guusha ku raacay kadib markii ay qeybtii h**e ee ciyaarta dhaliyeen 1 gool, iyadoo fasalka 4aad ay dadaal badan muujiyeen balse aysan u suurtagelin inay goolkaas iska soo gudaan.
Goโaanka K**a Dambaysta Ah: ๐ Fasalka 6aad ayaa noqday guuleystaha tartanka kubadda cagta ee sanad-dugsiyeedka.
Hambalyo iyo Bogaadin: Maamulka dugsiga Abiibakar wuxuu u hambalyeynayaa fasalka 6aad guusha ay gaareen, iyo sidoo kale fasalka 4aad dadaalka ay muujiyeen. Labada fasalba waxay ku soo bandhigeen ciyaar qurux badan oo muujisay in tartanku uu yahay mid lagu horumariyo xirfadaha ciyaareed iyo isdhexgalka ardayda.
Gunaanad: Tartanka sanadkan wuxuu ahaa mid guul ku soo dhammaaday, waxaana la rajeynayaa in sanadaha soo socda ay sii xoogeysato ka qeybgalka ardayda iyo horumarka ciyaaraha isboorti ee dugsiga.
30/06/2025
๐๐๐ฅ๐๐๐๐จ, ๐-๐๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ฒ๐จ ๐๐๐๐.
Waxaa la filayaa in beri oo ah Talaado, uu ka dhaco dugsiga Abiibakar tartanka k**a dambaysta ah (Final) ee kubadda cagta, kaas oo ay ku loolami doonaan Fasalka 4๐๐๐
iyo Fasalka 6๐๐๐
.
Tartankan ayaa qayb ka ah tartamada isboorti ee sanadlaha ah ee dugsiga, kuwaas oo lagu dhiirrigeliyo firfircoonida ardayda, isdhexgalka, iyo horumarinta kartida ciyaareed ee dhallinyarada.
Labada fasal ee is haya ayaa muujiyey dadaal iyo karti intii uu socday tartanka, waxaana la saadaalinayaa ciyaar xiiso badan oo ay ka muuqan doonaan ciyaartooy firfircoon, taageerayaal dhiirrigelinaya, iyo jawi isboorti oo aad u wanaagsan.
๐๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ถ๐ป ๐๐๐๐ฑ:
Maamulka dugsigu wuxuu ugu baaqayaa dhammaan ardayda, macallimiinta inay kasoo qaybgalaan si ay u dhiirrigeliyaan ardayda isla markaana ay u muujiyaan taageeradooda isboorti ee wacan.
05/06/2025
๐๐ข๐ข๐ ๐๐๐ง๐๐๐ ๐ฌ๐๐ง๐ ๐ธ๐ด๐ค, Waxaan u hambalyeyneynaa dhammaan muslimiinta gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed farxadda munaasabadda Ciidul Adha.
Allaha naga aqbalo acmaashii wanaagsaneed.
Hambalyo, Ciid Wanaagsan ๐