Al-Bayaan Primary & Secondary School

Al-Bayaan Primary & Secondary School

Share

Al bayaan school is a private school which offers high quality education of primary and secondary stages.

16/06/2026

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare waxa ay la wadaagtay Dugsiyada Sare ee Dalka goobaha ay Ardayda ku gali doonaan Imtixaanka Qaranka ee Sanad Dugsiyeedka 2025/2026.

Jaantuska (sawirka) hoose inta xarumood iskuulka Al-Bayaan Primary & Secondary School ay ku galayaan Ardaydeena fasalka 12AAAD.

15/06/2026

Wargelin

Dhammaan ardayda, macallimiinta iyo hawlwadeennada Dugsiga Al-Bayaan Primary & Secondary School waxaa lagu wargelinayaa in iskuulku fasax yahay maanta oo Isniin ah, taariikhduna tahay 15/06/2026. Waxaana dib loogu soo laaban doonaa maalinta Sabtida, haddii Rabbi idmo, Insha Allaah.

11/06/2026

📢 OGEYSIIS MUHIIM AH 📢

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Koonfur Galbeed waxay ogeysiinaysaa dhammaan ardayda, waalidiinta iyo maamulayaasha dugsiyada in imtixaankii la qorsheeyay hal malin dib loo dhigay sababo farsamo awgood.

imtixaanku wuuu si rasmi ah u bilaaban doonaa
taarikhda 15-ka, wuxuuna dhammaan doonaa 18-ka bisha.

Fadlan la soco jadwalka cusub, isla markaana u diyaar garoow imtixaanka waqtigiisa.

10/06/2026
09/06/2026

SHAACIN : Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare DowladdaKoonfur Galbeed waxay soo shaacisay imtixaanka fasalka 8aad-ka iyo goobihii ay ku geli lahaayeen ardada 2025-2026

FG: Guud ahaan Ardadeena waxaan u sheegeynaa goobta ay imtixaanka ku galayaan ay tahay Ceelasha Biyaha school ( Tawakal ) sidaas ula socda.

Guul baan idin rajeynaynaa Alle idinkii.

Al bayaan primary & secondary school

08/06/2026

Bismillaah

Saadaalin

Saadaali oo ku guuleyso abaal marin lacageed kulanka k**a dambeysta ah ee tartan aqooneedka u dhexeeya fasallada kala ah Fasalka F3 VS Fasalka 8-aad A.

Kaas oo ka dhacaya barxadda iskuulka Al-Bayaan Primary & Secondary School maalinta Arbacada ah, taariikhdu ku beegan tahay 10/06/2026.

Shuruudaha Guuleystaha laga rabo waxaa ka mid ah:

1. Waa inuu yahay arday dhigta iskuulka.
2. Waa inuu sheegaa magaciisa oo saddexan iyo fasalka uu dhigto.
3. Waa inuu sheegaa natiijada ay ku dhammaaneyso kulanka dhibco ahaan, inta ay kala keenayaan fasallada.
4. Waa inuu page-ka follow gareeyo oo uu follow u yahay.
5. Waa inuu like iyo share gareeyo.

Waqtiga saadaasha waxay ku eg tahay 6:00 am oo ah subaxnimo Arbaca ah 10/06/2026

Nasiib wacan ardaydeena.

Photos from Al-Bayaan Primary & Secondary School's post 01/06/2026

Sawirro: Isniin, taariikhdu markay ahayd 24/05/2026, Xarunta Dugsiga Al-Bayaan Primary & Secondary School waxaa ka dhacay tartan adag oo xiiso badan, kaas oo dhex maray labada fasal ee kala ah Form 3 iyo Form 2, kuwaas oo ku loollamayey wareegga afar-dhammaadka tartan-aqooneedka dugsiga.

Tartankan oo ah mid sanad walba si joogto ah uga qabsooma dugsiga, kana mid ah barnaamijyada lagu horumariyo aqoonta bartayaasha, lagu kobciyo maskaxdooda laguna dhiirrigeliyo tartanka waxbarasho, ayaa mar kale soo bandhigay hibada iyo dadaalka ardayda.
Maalintii Isniinta ahayd ayaa labada fasal ee Form 3 iyo Form 2 ee dugsiga sare foodda is daray, iyagoo soo bandhigay tartan aad u adag oo ay hareeyeen feejignaan, aqoon iyo diyaar-garow wanaagsan.

Fasal kasta oo ka mid ah tartamayaasha waxaa la weydiiyey 7 su’aalood oo ay xaq u lahaayeen. Dadaal iyo tartan adag ka dib, waxa ay guushu raacday Form 3, kuwaas oo helay 14 dhibcood, halka dhiggooda Form 2 ay heleen 12 dhibcood.

Ugu dambayn, natiijada rasmiga ah ee tartanka ayaa noqotay in Form 3 ay ku guulaystaan 14 dhibcood, halka Form 2 ay heleen 12 dhibcood, taas oo si rasmi ah ugu xaqiijisay Form 3 inay u gudbaan finalka weyn ee tartan-aqooneedka sanadkan.

Dhanka kale, Form 2 waxay ku guuleysteen inay galaan kaalinta saddexaad ee tartanka, iyagoo soo bandhigay dadaal iyo tartan mudan in lagu bogaadiyo.

Sidaas darteed, finalka tartan-aqooneedka sanadkan waxaa isugu soo haray Form 3 iyo Fasalka 8AAD A, kuwaas oo horey ugu sugnaa wareegga k**a dambaysta ah, waxaana la filayaa inay foodda is daraan kulan lagu go’aamin doono horyaalka sanadkan.

Xuquuqda Sawirqaadaha: Sabir

Photos from Al-Bayaan Primary & Secondary School's post 24/05/2026

SAWIRRO: Furitaanka Tartanka Kubadda Cagta Fasalada Dugsiga Al-Bayan – Al-Bayan Cup 2025-2026 ⚽

Shalay waxaa si rasmi ah loo daah-furay Tartanka Kubadda Cagta Fasalada Dugsiga Al-Bayan – Al-Bayan Cup 2025-2026 🏆

Munaasabaddan furitaanka ah ayaa lagu qabtay jawi aad u qurux badan. Tartankan ayaa ah mid sanadle ah oo dhiirrigeliya kartida, isdhexgalka iyo tartanka caafimaadka qaba ee ardayda.

Fasal walba wuxuu muujinayaa hammi, dadaal iyo ciyaar wanaag.

Waxaa la filayaa tartan xiiso badan oo xambaarsan ixtiraam iyo isboorti.

Ciyaar aad u xiiso badan oo ka tirsan Tartanka Kubadda Cagta Fasalada Dugsiga Al-Bayaan Primary & Secondary School ee Al-Bayan Cup 2025-2026 ayaa ku dhammaatay guul weyn oo ay gaareen FORM 4.

FORM 4 ayaa soo bandhigay ciyaar heer sare ah iyo weerar xooggan, halka FORM 1 A ay muujiyeen dadaal fiican inkastoo laga adkaaday.

Waxaan u rajeynaynaa dhammaan fasalada ka qeybgalaya guul iyo ciyaar wanaag!

-BayanCup2025_2026 -BayanSchool

18/05/2026

Al-Bayaan Waa muuqaalka guud ee tartan aqooneedka oo si heer sare ah u muujinaya dadaalka, diyaar garowga iyo hibada ardayda ka qeybgaleysa tartanka.

Tartanku wuxuu ahaa mid xiiso badan oo ay ka muuqatay tartan adag, is faham iyo wada shaqeyn wanaagsan. Sidoo kale, wuxuu dhiirrigelin u noqday horumarinta aqoonta iyo kobcinta kartida ardayda.

Waxaa intaas dheer in tartanku uu ahaa madal ay ardaydu ku soo bandhigeen fahamkooda, kalsoonidooda iyo awooddooda aqooneed, taasoo abuurtay jawi dhiirrigelin leh oo soo jiitay dhammaan kasoo qeybgalayaasha iyo daawadayaasha.

Photos from Al-Bayaan Primary & Secondary School's post 17/05/2026

Sawirro: Arbaco, taariikhduna ay ku astaysnayd 13/05/2026, Xarunta Dugsiga Al-Bayaan Primary & Secondary School waxaa tartan adag ku dhex maray labada fasal oo kala ah Fasalka Form 4 iyo Fasalka Form 2, kuwaas oo u tartamayey wareegga 3AAD ee tartan-aqooneedka.

Tartankan oo ah mid taxane ka ah dugsiga sanad kastana la qabto, ayaa waxa uu kamid yahay dadaallada kor loogu qaadayo aqoonta bartayaasha dugsiga, kobcinta maskaxdooda iyo dhiirrigelinta tartanka waxbarasho ee iskuulka.

Waxaa maalintii Arbacada ahayd loolamay labada fasal oo kala ah Fasalka Form 4 ee dugsiga sare iyo Fasalka Form 2 ee dugsiga sare.

Fasal kasta oo ka mid ah tartamayaasha ayaa waxaa la weydiiyey 7 su’aalood oo ay xaq u lahaayeen. Dadaal badan ka dib, waxa ay guushu raacday form 2, kuwaas oo helay dhibco dhan 14 dhibcood, halka dhiggooda form 4 ay heleen 12 dhibcood. Sidaas awgeed, form 4 waxa ay gabi ahaanba isaga hareen ka sii mid ahaanshaha tartanka, iyagoo ka mid noqday fasallada macsalaameeyey guud ahaan tartanka.

Ardayda labada fasal ayaa muujiyey dadaal, feejignaan iyo aqoon durugsan, taas oo soo jiidatay maamulka, macallimiinta iyo dhammaan daawadayaasha goobta joogay. Tartanku waxa uu ahaa mid si habsami leh ku dhacay, islamarkaana ka tarjumayey heerka waxbarasho iyo tayada ardayda dugsiga.

Tartan adag ka dib, waxa guushu raacday Fasalka Form 2,

Sidoo kale waxaan bogaadinayaa ardayda tartanka gashay oo si aadaab iyo xilkasnimo ka muuqato u galay tartanka, una dulqaatay, ilaalinayana xeerka iyo waajibkii looga baahnaa. Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa Fasalka Form 4 sida adag ee ay tartanka ugu soo diyaar garoobeen.

Waxaan sidoo kale u mahadcelinaynaa maamulka dugsiga, macallimiinta iyo Guddiga tartanka oo door weyn ka qaatay hirgelinta iyo habsami u socodka tartankan aqooneed.

HAMBALYO FORM 2 🎉

📷 Sabir

Want your school to be the top-listed School/college in Afgoye?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Elasha Biyaha
Afgoye