23/09/2023
Wafdi ka socda maamulka degmada Cadaado Ayaa kormeer hawleed ku yimid deegaanka Biyagaduud
Biyagaduud, September 23, 2023. Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Cadaado Cabdiraxmaan Axmed Xirsi oo ay wehliyaan agaasimayaal iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka degmada Cadaado, isku duwaha wasaaradda waxbarashada Galmudug u qaabilsan degmada Cadaado iyo xubno kale oo ka tirsan wasaardaha waxbarashada dowladda FS iyo Galmudug ayaa safar kormeer ah ku tagay deegaanka Biyagaduud oo hoostaga degmada Cadaado.
Xoghayaha iyo masuuliyiinta wehliyey ayaa kulan la qaatay maamulka iyo wax-garadka deegaanka, waxaana kulanka intiisa badan lagu lafa guray sare u qaadida waxbarashada deegaanka iyo in bulshada ku nool Biyahaduud iyo tuulooyinka ku xeeran ay uga faa’iideeyaan ubadkood waxbarashada.
Mas'uuliyiinta qaabilsan waxbarashada ee ka kala socday wasaaradaha wabarashada dowladda FS iyo Galmudug ayaa ku dhiiri galiyey waalidiinta in ay u ogolaadaan ubadkooda in ay ku qaataan iskoolka deegaanka ku yaala heerarka kale ee waxbarashada aasaasiga ah ayna ka baaqsadaan in xiliyada abaaruhu dhacaan ay ula hayaamaan deegaano kale.
Mas'uuliyiinta maamulka degmada Cadaado ka socday ayaa dhankooda waxaa ay kula dar-daarmeen bulshada ku nool deegaanka Biyagaduud in ay si guud uga shaqeeyaan hormarinta deegaanka, si gaar ahna ay muhiimad gooni ah u siiyaan waxbarashada ubadkooda.
Maamulka iyo wax-garadka deegaanka Biyagaduud ayaa dhankooda soo dhaweeyey soojeedinta mas'uuluyiinta heerarkooda kala duwan uga timid, waxaana ay balan qaadeen in aysan dhici doonon in waxbarashada deegaanku u istaagto in waalidiintu ay caruurta deegaanka kala hayaamaan xiliyada abaarta.
Maamulka iyo mas’uuliyiinta waxbarashada heer fedraal iyo heer Galmudug ayey sidoo kale ka codsadeen in lagala shaqeeyo dayac tirka iskuulka deegaanka iyo tayeynta macaalimiinta.