Biya guduud Primary School

Biya guduud Primary School

Share

Halkaan Waa Page Ka Rasmigaa Ee
Biya guduud Primar school

29/08/2024

SOO LAABASHO WACAN

Fasax dheer kadib waxaan u soo laabaneynaa xarumaheena waxbarashada, si aan u bilaabano sanada dugsiyeedka 2024-2025.

Waan soo laabaneynaa Axada ; 01 September, 2024 - haddii Alle idmo.

FG diwaangalinta ardayda cusub waxay bilaaban doontaa maalinta sabtida 31/08/2024

Wixii faah faahin ah kala xiriir
Tell 📱 📲 ☎️ 0618203326 / 0617752633

Guul & gobannimo

Biya guduud Primary School

21/08/2024

Hampalyo Dhamaan Ardeyda Reer Galmudug Si Gaara Ardayda Dugsiga Biya guduud Primary School oo dhamaan tood ku guuleystay imtixaankii Shahaadiga ahaa ee fasalka 8aad ee ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug
Kuna Wada Gudbay Dhibco Sare

Photos from Biya guduud Primary School's post 03/06/2024

Caasuumaaddii Fasalka 8-aad

Ardeyda fasalka 4-aad ee dugsiga dhexe Ayaa munaasabad qado ah u sameyay Maamulka & macallimiinta Dugsiga Biya guduud Primary School

Hadhimo-sharafeedkan ayaa waxaa kasoo Qeyb-gelay xubno ka mid ah maamulka Waxbarashada Degmada Cadaado, iyo Dagmeda Godin-labe, macallimiinta deegaanka, aqoon-yahanno & qaar ka mid ah Waalidiinta Ardayda

Ujeedka qadadan ayaa aheyd sagootin ay Ardeydu u sameynayeen maamulka & Macallmiintooda dugsiga maadaama Dhowaan ay gelayaan imtixaanka mideysan Ee Galmudug ee fasalka 8-aad.

Sidoo kale ardeyda ayaa macallimiintooda iyo Waalidiinta Ka rabtey iney ugu duceeyaan sidii ay Imtixaanka ugu gudbi lahaayeen Dhammaantood natiijo qurux badanna uga Keensan lahaayeen haddii Allah idmo.




,

01/06/2024

Maamulka iyo macalimiinta dugsiga Biya guduud Primary School waxay ku boorinayaan ardeyda Fasalka 8aad iney muujiyaan diyaar garowgii ugu dambeeyay maadaama la shaaciyey jadwalka Imtixaanka Fasalka 8aad ee sanad-dugsiyeedka 2023-2024 uuna dhowyahay xiligii la gali lahaa imtixaanka.

Nasiib Wacan ayaan u rajaynaynaa ardaydeena Fasalka 8aad.

Photos from Biya guduud Primary School's post 01/01/2024

Ardayda School ka
Biya guduud Primary School
Oo Uu Gadoomiye Ka Yahay Macalin Farxaan
Ayaa Maanta Oo Taariikh du Tahay. 1/1/2024
Geedo Ku Beeray Dugsiga, Sidoo Kalana Suray Calanka Somalia Dugsiga.
Xukumada Ardayda Oo la doortay 25/10/23
Ayaa qabtay howlo muhiim U Ah Dugsiga

09/11/2023

Maamule ku-xigeenka schoolka biya-guduud ustaad Abdiqani Axmed Maxamed
Oo faah faahin ka bixay xaaladaha uu soo maray school ka
Isagoo qubadiisa diirada ku saaray
1- mahad calin
2- heerka uu marayo school ka
3- caqabadaha ku gadaaman school ka
4- iyo in ay ka faa'ideestaan waxbarashada deegaanada u dhow biyaguduud
Wariye Dirito 📸

29/10/2023

Warbixin:

Doorashadii Midowga Ardayda Dugsiga Biya guduud Primary School

Wariye Dirito 📷

Photos from Biya guduud Primary School's post 29/10/2023

Daabuurku Waa Mid Kamida Xiisadaha Sida Joogtadaa Uga Baxa.

Dugsiga Biya guduud Primary School

Photos from Biya guduud Primary School's post 25/10/2023

Waxaa SI Habsami leh Inoogo Soo Idlaatay Xafladii Doorashada Gudoonka Ardayda Dugsiga Biya guduud Primary School Iyo Abaal Marinta Ardaydii Kaalmaha Sare Ka Gashay Imtixaanka Schoolka
Doorashadaan Oo Aheed Mid Qof Iya Cod ah Ayaa Waxaa Codeeyay 103 Arday Oo Ka Tirsan Dugsiga.

Loo,lan Adag ka dib Waxaa Gudoonka Ardayda Loo doortay
Farhan Ahmed Oo Helay Codad Gaaraya 56 Cod
Halka Musharaxa Cabdi Hassan Uu Helay Codad Gaaraya 47 Cod

GABAN GABO

Waxaan U Mahadcelineynaa Dhamaan Marti Sharafta Nagala Soo Qeebgashay Xaflada Oo Ugu Horeey Godoomiyaha deegaanka Gudoomiye Kaafi Iyo Waali diinga Ardayda

Wariye Dirito 📷

24/10/2023

Ogeysiis:

Bari Oo Ah Arbaco Taaiikhduna Tahay 25-October-2023
Waxaa Xarunta Dugsiga Biya guduud Primary School Ka Qabsoomi doonaa doorashada Gudoonka Iyo Gudoomiya ku Xigeenka Ardayda Dugsiga
Iyo Xaflada Abaalmarinta Ardaydii Kaalmaha Sare Ka Gashay Imtixaanka dugsiga

Waxaa Xilka Gudoonka Kuwada Tartami doonaa

Farxaan Ahmed &

Abdi Hassan

Oo Kawadaa Tirsan Fasalka 8aad Ee dugsiga

Photos from Biya guduud Primary School's post 23/09/2023

Wafdi ka socda maamulka degmada Cadaado Ayaa kormeer hawleed ku yimid deegaanka Biyagaduud

Biyagaduud, September 23, 2023. Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Cadaado Cabdiraxmaan Axmed Xirsi oo ay wehliyaan agaasimayaal iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka degmada Cadaado, isku duwaha wasaaradda waxbarashada Galmudug u qaabilsan degmada Cadaado iyo xubno kale oo ka tirsan wasaardaha waxbarashada dowladda FS iyo Galmudug ayaa safar kormeer ah ku tagay deegaanka Biyagaduud oo hoostaga degmada Cadaado.

Xoghayaha iyo masuuliyiinta wehliyey ayaa kulan la qaatay maamulka iyo wax-garadka deegaanka, waxaana kulanka intiisa badan lagu lafa guray sare u qaadida waxbarashada deegaanka iyo in bulshada ku nool Biyahaduud iyo tuulooyinka ku xeeran ay uga faa’iideeyaan ubadkood waxbarashada.

Mas'uuliyiinta qaabilsan waxbarashada ee ka kala socday wasaaradaha wabarashada dowladda FS iyo Galmudug ayaa ku dhiiri galiyey waalidiinta in ay u ogolaadaan ubadkooda in ay ku qaataan iskoolka deegaanka ku yaala heerarka kale ee waxbarashada aasaasiga ah ayna ka baaqsadaan in xiliyada abaaruhu dhacaan ay ula hayaamaan deegaano kale.

Mas'uuliyiinta maamulka degmada Cadaado ka socday ayaa dhankooda waxaa ay kula dar-daarmeen bulshada ku nool deegaanka Biyagaduud in ay si guud uga shaqeeyaan hormarinta deegaanka, si gaar ahna ay muhiimad gooni ah u siiyaan waxbarashada ubadkooda.

Maamulka iyo wax-garadka deegaanka Biyagaduud ayaa dhankooda soo dhaweeyey soojeedinta mas'uuluyiinta heerarkooda kala duwan uga timid, waxaana ay balan qaadeen in aysan dhici doonon in waxbarashada deegaanku u istaagto in waalidiintu ay caruurta deegaanka kala hayaamaan xiliyada abaarta.

Maamulka iyo mas’uuliyiinta waxbarashada heer fedraal iyo heer Galmudug ayey sidoo kale ka codsadeen in lagala shaqeeyo dayac tirka iskuulka deegaanka iyo tayeynta macaalimiinta.

Want your school to be the top-listed School/college in Adado?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Biyo Guduud
Adado

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00