HON Warhaye

HON Warhaye Kontaktinformation, kartor och vägbeskrivningar, kontaktformulär, öppettider, tjänster, betyg, foton, videor och meddelanden från HON Warhaye, Vänersborg, Västra Götalands län, Vänersborg.

Ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug ayaa weeraro qorshaysan ka wada shantii maalmood ee u danbaysay fariisamo kooxaha ar...
19/07/2021

Ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug ayaa weeraro qorshaysan ka wada shantii maalmood ee u danbaysay fariisamo kooxaha argagixisadu ay ku lahaayeen deegaamo dhinacyada ka xiga magaalada Camaara.

Aragagixisada ayaa jab iyo khasaaro xooggan la gaarsiiyey ayadoo ciidamada huwanta ahi ay la wareegeen goobo istaatiiji ah oo ay ka mid yihiin Qodqod iyo Qaycad, loona ruqaansaday dhanka Camaara.

Shacabka deggan deegaanada koofurta Mudug ayaa ku soo warramaya in Kooxda Shabaab ay ka guurayaan magaalooyinka iyo tuulooyinkii ay sanado badan ku sugnaayeen, una guurayaan dhanka koofurta.

Mudug Journalist

Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in xukuumaddu ay $200,0...
16/12/2020

Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in xukuumaddu ay $200,000 (Labo boqol oo kun oo Doollar) ku bixineyso dhismaha wajiga labaad ee garoonka diyaaradaha Degmada Caabudwaaq.

WAR DEG DEG AH: Madaxweyne Farmaajo oo si rasmi ah u dalbaday in ciidanka Kenya laga saaro howlgalka Amisom. Farmaajo ay...
16/12/2020

WAR DEG DEG AH: Madaxweyne Farmaajo oo si rasmi ah u dalbaday in ciidanka Kenya laga saaro howlgalka Amisom.

Farmaajo ayaa qorshenaya in ciidanka Eritareeya lagu bedelo kuwa Kenya.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli uu aad sarreeyo khilaafka siyaasada ee xukuumaddaha Nayroobi iyo Muqdisho.

In Farmaajo dalbaday in Ciidanka Kenya laga saaro Soomaaliya waxaa xaqiijiyey Rashiid Cabdi oo falanqeeye ku xeel dheer arrimaha siyaasadda iyo amniga waxna ka qora ammaanka iyo siyaasadda geeska Africa.

Maku raacsan tahay Madaxweyne Farmaajo in Ciidanka Kiinya lagu badalo kuwa Eritareeya?

Cali Aadan Muumin

Ciidamo fujinaya (Fiiqaya) sawiradda ra'iisul wasaare Rooble, halkani waa Puntland.Rooble ayaa sheegay in Puntland safar...
11/12/2020

Ciidamo fujinaya (Fiiqaya) sawiradda ra'iisul wasaare Rooble, halkani waa Puntland.

Rooble ayaa sheegay in Puntland safar uu ku tagayo, fiiqidda sawiradan waxay muujinayaan inaan raalli laga aheyn imaanshihiisa.

Cali Aadan Muumin

Furahan nus qarni ayaa la raadinayay, hadda ayaa la heley, waxaana dib loogu furey qalcaddii loogu talogalay. https://bb...
11/12/2020

Furahan nus qarni ayaa la raadinayay, hadda ayaa la heley, waxaana dib loogu furey qalcaddii loogu talogalay. https://bbc.in/2JKTeiM

isbaaradii Duleedka Degmada Matabaan Oo Dib Loosoo Celiyay Ka Dib Markii Malayshyaadka Isbaarada Dhigtay Looga Baxay Bal...
10/12/2020

isbaaradii Duleedka Degmada Matabaan Oo Dib Loosoo Celiyay Ka Dib Markii Malayshyaadka Isbaarada Dhigtay Looga Baxay Balan Ay La Galeen Xubno Ka Wakiil Ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Malayshiyaadka Oo xubnaha Ka Socday Galmudug Ee Doonayay In Ay Isbaaradaan Qaadaan Kuna Badalaan Kastam uu Canshuurta Ka Qaato Maamulka Galmudug U Balan Qaadeen Lacago Fara Badan Oo Sida La Aaminsan Yahay Uu Bixiyay Madaxweyne Qoor Qoor Ayaa Balanta Looga Baxay Waxayna Taasi Keentay In Ay Isbaarada Duleed Degmada Matabaan Ee Gobalka Hiiraan Taal Oo Kolkii H**e La Qaaday Dib Usoo Celiyaan.

Gaadiid Fara Badan Ayaa Ku Xayiran Duleedka Matabaan Ka Dib Marki Lacago Fara Badan La Waydiiyay Waxaana Xoogaystay muran u dhexeeya Malayshiyaad Taabacsan Hirshabeele iyo Maamulka Galmudug.

Tani waa Musiibo sii Socon doonto .Geerida Saraakiishaan oo iskugu jiray Aabayaal iyo Awooyaal ayaa sababtay in ey Ooyin...
10/12/2020

Tani waa Musiibo sii Socon doonto .

Geerida Saraakiishaan oo iskugu jiray Aabayaal iyo Awooyaal ayaa sababtay in ey Ooyin iyo Murugo isku badaleen Guryo Farxad iyo Baraaro ey ka jirtay, waxaa Agoontoomoobay Caruur dhabta saaran iyo kuwo Caloosha kujiro oo ifkaan aan weli imaan .

Waxaa hadda dhinacooda dhulka ladhigay Allaha Janadii Firdowso ka waraabiyee Saraakiishii Ciidanka Xooga Dalka oo Gacan ka Xaqdaran ey ku leysay inta u dhaxeyso Balanballe iyo Guriceel .

1》Gaashaanle Dhagaqool Yuusuf
2》Gaashaanle Cabdi Guuna Guune
3》laba-Xidigle Faarax Jaamac Colaad
4》 Kabtan Shariif Cirro Maxamed
5》Gaashaanle Gaangul Xalane
6》 Kabtan Siciid Xassan Faleey .

Allaha Samir iimaan kaamil ah kasiiyo Qoysaskii ey kabaxeen iyo umadda Soomaaliyeed oo dhan, Qabrigooda Allaha u waasiciyo , Fadlan Haddii aad ka danqatay Geerida Saraakiishaan Naftooda u huraayey umadda Soomaaliyeed usoo Duceey.

Bashiir baarbe

10/12/2020

Dag dag dagaal ayaa hada kasocdaa dagmada walaweyn waxaana uu udhaxeeyaa ciidanka daraawishta KGS iyo malatari kudhawaad waxa lii xaqiijiyay 7 dhimasho ah 4 dhaawac walina dagalka wuu socdaa waxana lamaqlayaa dhawaqa rasasta culus sida ay shegeen dadka degaanka

Manchester United ayaa laga cidhib tiray Champions league-ga. Red Devils waxaa lagu reebay marxaladda group stage ka.!Ha...
09/12/2020

Manchester United ayaa laga cidhib tiray Champions league-ga. Red Devils waxaa lagu reebay marxaladda group stage ka.!

Halkan uga yeedh taageere Manunited ah usheeg inay Europa league aadeen oo ku qosol.😃

Caawa maro waa dhacday United waaka hartay Champaha halka Ronaldo uu 2 gool dhaliyay Juve ayaana barce ku garaacday 3-0
09/12/2020

Caawa maro waa dhacday United waaka hartay Champaha halka Ronaldo uu 2 gool dhaliyay Juve ayaana barce ku garaacday 3-0

08/12/2020

Dakada macmalka ah ee hobyo ayaa rajo wayn laga qabaa inay dhisanto

Buurta Adduunka ugu dheer oo sii dheeratay Buurta adduunka ugu dheer ee Everest ayaa la sheegay in hal mitir oo koror ah...
08/12/2020

Buurta Adduunka ugu dheer oo sii dheeratay

Buurta adduunka ugu dheer ee Everest ayaa la sheegay in hal mitir oo koror ah u uku darsoomay dhererkeeda rasmiga ah kadib markii labada dowladood ee Nepal iyo Shiinaha ay ku heshiiyeen cabirka cusub ee buurta oo ku taaka xudduuda labada dal u dhaxaysa.

Hadda buurta waxa dhererkeeda rasmiga ah noqonayaa 8,848.86 m.

Labada dal ayaa muddo dheer ku kala aragti duwanaa dhererka buurta, iyada oo dal kasta uu dunida u sheegayay cabir gooni ah. Arrintan ayaa la xiriirta loolanka dunida ee waxa runta ah iyo xogaha rasmiga ah.

Adress

Vänersborg, Västra Götalands Län
Vänersborg
46230

Webbplats

Aviseringar

Var den första att veta och låt oss skicka ett mail när HON Warhaye postar nyheter och kampanjer. Din e-postadress kommer inte att användas för något annat ändamål, och du kan när som helst avbryta prenumerationen.

Genvägar

Dela