11/05/2023
Sheekada "Wiilkii Yaraa"
Beri baa tuulo yar ayaa wiil dhalinyaro ah loo dhiibay inuu ilaaliyo adhiga tuulada. Maalin maalmaha ka mid ah, wuu caajisay oo wuxuu go'aansaday inuu dadka tuulada ku ciyaaro. Tuuladii ayuu dhex orday isaga oo ku qaylinaya, "Xoolihii Bahalba cunay"
Dadkii tuulada ku noolaa dhamaantood way u carareen si ay u arkaan Bahalka xoolahoodii soo weeraray, laakiin waxba ma ay helin. Inankii intuu ku qoslay ayuu dib ugu noqday ilaalinta Xoolihii. Maalintii dambe ayuu haddana isla fajacis ciyaaray, haddana, dadkii tuulada ayaa soo yaacay, balse waxba ma helin. Arrintu waxay socotay dhawr maalmood, dadkii tuuladana waxa ay ka daaleen hab-dhaqanka wiilka yar.
Maalin maalmaha ka mid ah, Bahal dhab ah ayaa soo weeraray Xoolihii tuulada, markii wiilku u qayliyana, qofna ma rumaysnayn isaga oo u maleynaya inay tahay mid kale oo ka mid ah beentiisii. Bahalkii wuxuu laayay xoolo badan, wiilkiina wuxuu gartay cawaaqibka ficilkii uu samayn jiray.
Akhlaaqda sheekadu waa in beentu ay keeni karto cawaaqib xumo. Xataa beenta yaryari waxay meesha ka saartaa kalsoonida iyo Aaaminida xaqiiqda jirta, taas oo dadka ku adkaynaysa inay na rumaystaan marka aynu dhab ahaan u baahanno gargaarkooda ama marka aynu runta sheegayno.
Sheekadu waxa ay ina xasuusinaysaa in aynu run sheegno oo ficilkeena iyo hadalkeenaba aynu ka fogaano duufsiga beenta madadaalada iyo sababo kaleba.