Dhalinta Ahlusunna Waljamaaca

Dhalinta Ahlusunna Waljamaaca

Dela

Diin iyo Aqoon kororsi

17/11/2023
Photos from Dhalinta Ahlusunna Waljamaaca's post 02/06/2023

انا لله وانا اليه راجعون

Maanta oo Jimca ah waxaa xaqqii u yimid, Sheikheyna Caalimka SH CABDULLAHI SUULEY. SH CABDULLAHI OO KU SUNTANAA, AKHLAAQ DABEECAD WANAAG, CAABID , Alle kacabsibadan, Cibaadabadan, Wuxuu kaloo ahaa Barbaariye Mucalim Quraan. Oo ee ku nasteen waalidiinbadan oo Qurbaha ku nool gaar ahaan Sweden. Wuxuu soosaaray arday isugu jirto, Qeebaha kala duwan Culuumta Islaamka, Quraanka Kariimka iyo Cilmiga kale ee Islaamka.

Waxaa Tacsi tiiraanyo leh u diraya, Ehelka qaraabada, Jameecaadka Suufiyada Ahlusunna waljamaaca, Gaar ahaan Jameecada Sh Abdiraxman Sh Muxyidiin Celi Göteborg.

Marti lajacelyahay Allaah ka dhigo, Samir iyo Iimaan Allaah naga siiyo.

Naxariistii Janno Allaah siiyo.
Gadaashiisa Allaah nama fidneeyo Allaahumma aamiin🤲🤲

Photos from Dhalinta Ahlusunna Waljamaaca's post 11/04/2023

IMAAM ABDIRAHMAAN SHEIKH MUHIADIIN ELI [ASAD]
Ayaaa ahaa Sheikh, Mucalim, Imaam iyo nin ku firfircoon arimaha bulshada, wuxuuna qeeb weyn kulahaa faafinta Diinta Islaamka, isagoo xubin firfircoon ka ahaa Jaaliyada Soomaalida ee dalka Sweden.

Sheikha ayaa ka soojeedo QOYS DIINTA lagu qadariyo, ayaa waxaa dhalay SHEIKH MUHIADIIN ELI [ Si weyn looga yaqaan dalka Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta.

Kulan isugu jiro, duco, jaceyl, Ziyaaro is xasuusin iyo Isaga sheekeen Taariikhdii wanaagbadneed uu lahaa, iyo dhaxalkii Diintaa uu nooga tagay.

Ilaahey haka Raali noqdo, Naxariistiisa Janno Allaah siiyo IMAAM ABDIRAHMAAN SHEIKH MUHIADIIN ELI [ASAD]

Maalinta arbacada 19 Apriil 2023 03:00 galabnimo waxaa si toos ah noogu bilawan doono Subac soonka, Ziyarada Sheikha, Kadibna Muxaadarooyinka iyo Taariikhada Sheikha noogu xigsan doonto, Kadib waxaa si wadajir ah ugu wada affuri doonnaa isla goobta ee ka socoto siyaaarada Sheikha isla 19 apriil Habeenka Khmiista Soogaleeso kuna beegan 29 Ramadaan oo ah maalinta uu Sheikha Faaruqay aduunka.

Kadibna siwadajir ah u duceysan doonnaa, Sheikhna waan u duceen doonnaa i.A

Kasooqeebgal wanaagsan.
Kalaxiriir Sh Abdirahman Fanax: 0046700368774

Goobta :
Bergsjödalen 57.
4152 Göteborg.
Ama lokaalka Aadan Oor.

Photos from Dhalinta Ahlusunna Waljamaaca's post 16/09/2021

WARGALIN🙂

Ahlusunnah Waljamaca ee Göteborg, waxay ku War-gelinayaan, dhammaan Muslimiinta ku Nool Dalka Sweden, Gaar ahaan Magaalada Göteborg iyo Nawaaxigeeda in la Qaban Doono "Ixtifaalka Mawliidka Nabigeena Muxammad Scw💚

اللهم صل وسلم وبارك على سيدنا ونبينا محمد صلى الله عليه وسلم 💚
Taariikhda: 09-Oktoobar - 2021
Maalinta:Sabtida
Waqtiga:15:00-22:00

Goobta: Stordala
Hoolka Weyn ee Kortedala forum ee ku yaal waddada . Kortedala Torg 1; 415 10 Gothenburg.

Wixii Faah-faahin ah ee Intaas Dheer, La Xiriir Telephone-daan;

04/10/2019

Ogeysiis

إذا كـــان هذا كافرا جاء ذمّه '' وتبّت يداه في الجحيم مخـــــلَّدا
أتى أنّه في يوم الإثـــنين دائما '' يُخفّف عنه للسّرور بأحمـــــدا.
فما الظنّ بالعبد الذي طولَ عمره '' بأحمد مسرورا ومات موحِّــــدا

U Kaalaya Dhaxalka Nabigiina Meesha Lagu Qeybinaayo.

Waxaa Lagu War-gelinayaa Dhammaan Muslimiinta Gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee Kheyrka Jecel In la Qaban Doono Xuska Mowlidka Suubbanaha ( NNK) Laguna Qaban Doono Magaalada Gothenburg Caasimadda 2-aad ee Sweden.

Taariikhda: 2-November- 2019

Maalinta:Sabtida
Waqtiga:15:00-22:00

Goobta: Medborgarhuset ama Qaacada Shirarka ee SKF.
Address: Brahegatan 11,
415 01 Göteborg.

Marki aad Joogto Central Station-ka Göteborg, Waxaad Soo Raaci Kartaa Tram / Spårvagn-da Kala ah; 7-da / 11-ka ama 6-da ee kusii Jeeda Bergsjön.
Waxaad Uga Degeysaa Maxaddada / Joogsiga SKF-ta.
Wixii Faah-faahin ah ee Intaas Dheer, La Xiriir Telephone-daan;
0709120117/ 070 036 877 4 / 070 076 262 2 /
Yey Ku Seegin Fursaddaan.
Baarakal-Laahu Fiik, Wa Khairan Jazaak.
Iddaarada Ahlu Sunnah Wal-Jamaa'ah ee Göteborg.

Photos from Dhalinta Ahlusunna Waljamaaca's post 24/09/2019

Maalinta Jimcaha taariikhduna ku beegan tahay 27/09/2019.

Fasax dheer kadib waxaa dib noogu bilaawan doono.
Daruustii Diiniga aheed ee noo socon jirtay, gaar ahaan kutubkii (ABUU-SHUJJACA) tixanaha noo ahaa oo aan aqrisan jirnay gilinka dambe maalinnimada jimcaha

Waxaan isla garannay inaan ku daahfurno bilaawashada Kutubka Xaflad,iyo soodhaweeyn aan u sameeneeno arday kamid ah ardayada ku tixnaa Daruusta Diiniga gaar ahaan Kutubka Jimcaha. Arday'daa'soo fasax dheer ugu maqnaayeen Dalkii Hooyo ee Soomaaliya.

Ajjar iyo Xasanaad aan la sookoobi karin Allaah ka siiyo: Sh Kutubka Aqriyo oo magaciisu yahay Sh Cabdiraxman Xuseyn Xassan oo ku magac dheer Sh Fanax:

Goobta Xaflada Mowlaca Ahlusunna Göteborg Kommettorget:
Waqtiga: 04:45 ilaa 22:00
Waxaa jiri doonto Casho insha Allaah💚

Waxaa inoo casuuman dhanka Culimada oo aan rabno inaan ka faa'iideesano Muxaadaradooda Sheekha Jameecada Sh Cabdiraxman Sh Muxyidiin Celi Iyo Sh CabdiKariim Sh Cumar.

Kasoo qeebgal wanaagsan insha Allaah💚

07/09/2019

❤️❤️❤️جمعه مبارك آحبابي. ســـورة ألــكهــف ❤️❤️❤️

Vill du placera din skola/högskola längst upp i Skola/högskola-listan i Gothenburg?

Klicka här för att få din sponsrade notering.

Plats

Telefon

Adress


Gothenburg