17/07/2024
Itoobiya iyo Imaaraadka carabtu waxay kala saxiixdeen heshiis lacag iswaydaarsi oo kor u dhaafaya $800 Million. Tan waxay ka dhigantahay in Dubai iyo Addis marka ay wax kala gadanayaan aysan u baahan doonin lacag qalaad (sida dollar ka) oo ay wax ku kala iibsadaan, ee ay si toos ah isugu beddelan doonaan Birr iyo Dirham. Arrintan haddii si loo eego waxay sii dhiirrigelinaysaa barnaamijka Dedollarization -ka ee dunida meelo badan oo kamid ah ka socda, kaas oo la doonayo in looga hoos baxo ama lagu dhimo saamaynta Dollar ka ee ganacsiga dunida.
Waxaa xusid mudan in labadaan dalba ay ka tirsanyihiin ururka BRICS oo ay ku biireen bilowgii sanadkan 2024. Marka dhankaas laga eegana waxay ka dhigantahay in dagaalkii qaboobaa ee ka dhex socday Galbeedka oo Maraykanku horboodayo iyo xulafada BRICS ay geeska africa isku herdiyayaan waqtigan , iyadoo muddooyinkii u dambeeyey IMF iyo World Bank ay Itoobiya ku dirqiyayeen dib uhabayn dhaqaale oo ay iyagu hormuud ka yihiin inay dhaqan geliso.