28/05/2020
Macallin xiisad ku jiro ayaa ardey weydiyay, muxuu aabahaa ka shaqeeyaa ?
Ardaygii k**a uusan jawaabin, wuuna ka aamusay weydiintaas .
Macallinkii ardeyda hortooda ayuu ardaygii ku jees-jeesay waxuuna yiri" Dabbalyahoow miyaadan garanaynin waxa uu aabahaa ka shaqeeyo."
Ardaygii Madaxiisa ayuu kor usoo qaaday waxuuna yiri "Macallin Aabahey waa uu dhintay! "
Mararka qaar hadallada waan ku degdegnaa, annagoo qof dareenkiisa dhaawaceyno, si uula kac ah ama uula jeedo la'aan.
Waligaa qof hadalka ha uuga hormarin adigoonan dhagaysan jawaabtiisa.
21/05/2020
Ilmahaaga ka ilaali in uu barto xarakaad la’aanta iyo in uu saacado badan dhaq-dhaqaaq la’aan iska fadhiyo meel. Ku dhiirri geli in uu guriga ka baxo, in uu ciyaaro, gaar ahaan ciyaaraha xarakaadka jidhka uga baahan, waayo jidhka caafimaad qaba ayaa uu caqliga caafimaad qabaa ku jiraa.
26/02/2019
Sawirka Manta Iyo GALKACAYO
Oo yurub cml noqotay
25/02/2019
AFRIKA GEES KEEDA BARI
WALEE GABAL BAA UDHACAY
Miyaan gamayaa hurdo
Miyaan gogol qaban karaa
Geeraarba miyaan tirshaa
Miyaan godladaa tix oo
Miyaan gabay curin karaa
Raggaygoow garashaxume
Markaan gaasirray xilkii
Ilaah guudkeega sudhay
Markaan gudan wayayee
Raggoow aan gaabinnuu
Nabsigu ina soo galoo
Gadaal noo soo martiyay
Raggaygoow garshaxume
Markaan qarankii ganbinay
Markaan kala goynay ehel
Xigaal iyo gacal is jecel
Gumaca isu qaataybuu
Nabsigu ina soo galuu
Gadaal noo soo martiyay
Ragaygoow garasha xume
Markaan kala googo' nee
Gidaarba nin ootayee
Inagu is garaacnayee
Ninkii girinoof lahaa
Goshiisa un buuxsaduu
Nabsigu ina soo galuu
Gadaal noo soo martiyay
Raggaygoow garashaxume
Cad ceedda gaduudatiyo
Waxaad gabalkii dhacaba
Gantaallo is dhaafsateen
Waxaad xakaw gooynaysen
Nimaan waxba galabsan aad
Godkiyo iilka u dirteen
Waxaad oday gowracdeen
Waxaad gadhcadaa disheen
Dad aanay biriba gayin
Waxaad galab toogateen
Raggaygoow garasho xume
Garaad badan hooyadeen
Waxii gablan aad badbeen
Asayda u guud sudheen
Ragaygoow garasho xume
Kolkaad diintii gafteen
Iimaanka gadaal dhigteen
Hunguri soo gaarateen
Kursiga u gadaaf tanteen
Xaqii ka galuumateen
Cadaaladda gees marteen
Dulmiga u guclaynayseen
Ayuu nabsigaad gasheen
U soo noqdayoo gadaal
Wakaa gondihiina yimid
Raggaygoow garasha xume
Maxaa gabdhahaad dhasheen
Ragoow ugu goobateen
Maxaa gabdhahaad dhasheen
Ragoow u guhaadiseen
Maxaad gabdhahaad dhasheen
Ragggoow u gujaynaysaan
Maxaa gabdhahaad dhasheen
Kufsiga ugu gaysateen
Maxaa gabdhahaad dhasheen
Minddidda u galgalinaysaan
Maxaa gabdhahaad dhasheen
Guntiinada ay xidhnayd
Gu'Ii uga qadaysaan
War gaalo miyaad tihiin
Ragaygoow garasha xume
Gabdhihii la ilaalin jiray
Gabdhiii geel yarada iyo
Gammaan laga keenijiray
Gabdhihii sharaf noo ahaa
Gabdhihii inankaan la dhalan
Gayn gaynku ka muuqan jiray
Gabdhihii na nadiifin jiray
Gabdhii na hawadin jiree
Guriga u ahaa iftiin
Gabdhihii na xambaari jiray
Markaan gaajoonaynana
Gasiinka na siini jiray
Gabdhihii dhali jiray halyay
Gabdhii aan dhaadhinee
Guyaal na xambaarsanaa
Sidee xuma aanu gayin
Raggoow ugu gaysataan
Waryaa gun miyaa tihiin
Raggaygoow garasho xume
Sidee sharaftii gabdhaha
Geerida lagu doorsanjiray
Raggoow u galaafannaa
Gosheeda u qaawinaa
Miyaynaan garaad lahayn
Hadaad garateen midaa
Hadaydan garaabahayn
Falkaa cidda gaysatana
Hadaydaan tiirka gayn
Wallee gudcur weeye oo
Africa geeskeeda bari
Walle gabal baa u dhacay
W/Q Abdilahi Ahmed Mohamud Daadax
25/02/2019
Baafin
Hani Maxamed Warsame oo ah gabadh 13 sano jir ah saddex cisho ka hor waxaa lagu waayay magaalada GAALKACYO
magaca hooyadeed waa
Sahro Waadhaho Cabdinuur.
qoyska Hani waxay codsanayaan ciddii meel ku og amase ku aragtey inay ugu soo hagaajiyaan telefon number +252907766512/906024085 ama Bahda Dalmar Media
Fadlan dheh si ay u gaarto dhamaan ummadda Soomaaliyeed oo idil.
25/02/2019
Aqriso sheekada Caaisha
Innalilah wa ina illahi raajicuun wa geeri fool xun iyo qiso cajiib ah , Caisha ilyaas aadan wa gabdh yar o 12 sano jir ah ku noolayd galkacayo.
Hoyadeed aya shalay dukaan u dhow adeeg uga dirsatay kadib Caisha sidi ayaa lagu wayey ma aysan so noqonin , ilaa shalay wala baafinayey ilaa xalay lkn nasiib daro saakay ayaa iyadoo mayd ah ayaa gurigooda la so hor dhigay waliba iyadoo la kufsaday fal aad u fool xun
Innalilah wa ina illahi raajicuun falalkan o kale ma ahaan kuwo ugub ku ah Galkyo wa wax caadi laga dhigtay ,illahay ha u naxaristo Caisha yar samir iyo imaana haka siiyo family geeda , illahay samir iyo imaan haka siiyo qoyskeeda .
Allah yarxamu.
——-😢
”Xigasho Abdi Omar”
05/04/2016
Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay la isla dhexmarayaa sawirro qoys soomaaliyeed oo dhinta, kuwaasoo la leeyahay waxaa lagala baxay kilyaha iyo beerka iyagoo ay ka muuqato tolmo qalliin.
Waxaan rabaa in aan u sheego dadka sawirradaas qeybinayo ama soo geliyayba inaysan jirin wax qalliin ah oo lagula baxay killi iyo beer toona.
Waxa qoyska ka muuqdane waa qalliin baaris sabab-dhimasho oo lagu sameeyo qofka markuu u dhinto sabab aan la garanayn iyadoo la eegayo in qofkaasi la dilay iyo inuu geeri dabeeci ah ku timid, waxaana qalliinkaas loo yaqaanaa "Autopsy", qof kasta oo meedkiisa meel laga helane sharci ahaan waa lagu sameeyaa wadan walba, waana cilmi la barto, loona yaqaano "Forensic Medicine".
Qalliinka waxaa lagu furaa madaxa, feeraha iyo caloosha, waxaana loo sameeyaa qaabka ka muuqdo sawirrada la faafinayo.
Fadlan dadka sawiradaas faafinayo oo beenta ku lifaaqay, ha joojiyeen, meydka ha xurmeeyaan oo haka saaraan sawirradaas baraha ay soo dhigeen.
Haloo naxariisto dareenka ehellada iyo qraabada ay ka dhinteen.
Mahadsanidiin.
__________________________________________________________
F.G: Qalliinka waxaa lagu sameeyay isbitaalka مستشفى كفرالشيخ العام, waxayna ahaayeen 11 qof inta hadda meydkooda la helay, waxaana laga soo helay tuulo xeebta saaran loona yaqaano "قرية مسطروه" waxaana la qallibmay doon ay ku tahriibayeen.
Waxaa intaa sii dheer dad ehel isku sheegay oo isbtaalka tagay ayaa looo ogolaaday inay sawir ka qaataan, kadib ayay baraha bulshada ku faafiyeen iyagoo eheladii saxda ahaa la xiriirin.!!!!
Eheladu waxay codsanayaan in sawirada laga saaro Facebook iyo meelaha kalaba.
Xigasho somalidoc.com