Naciimo Macallin

Naciimo Macallin “If the pain isn’t killing you ist’n pain.”

“15-illaa 25.”Is-badalka uu qof-ka ka sameeyo arin marba si ayuu ku yimaadaa.Waxaa fikir-kaaga wax ka badali kara wax aa...
09/06/2026

“15-illaa 25.”

Is-badalka uu qof-ka ka sameeyo arin marba si ayuu ku yimaadaa.

Waxaa fikir-kaaga wax ka badali kara wax aadan u malaynayn in ay wax kaa badali doonaan.

Soo dhagayso ciwaan-ka halkaas kaaga muuqda.

Muuqaalkan cid walba ayuu anfici karaa laakiin aniga waxaan la jeclahay dhalinta ay da’doodu tahay. 15-25.

“Horta yaa raba is-badalka.!”Inta badn dadka fannaaniinta ah marka ay waayeeloobaan ayey fan-ka ka fariistaan.Qaar ka mi...
13/05/2026

“Horta yaa raba is-badalka.!”

Inta badn dadka fannaaniinta ah marka ay waayeeloobaan ayey fan-ka ka fariistaan.

Qaar ka mida fannaan-tiisa ayaa la waydiiyey su’aal ah

Haddii dib laguu celiyo noloshaada maxaad ka badali lahayd.?

Waxay ku jawaabeen fannaan ma noqdeen.!

Sababta maxay tahay ma is waydiinaysaa.?

Ma ahan in ay heesihii hadda naceen ama la xaraaraaday.

Ee waxay ogaadeen xaqiiqada ah wax yar oo aad ku dareento raaxo yar taasoo dag dag u dhammaan doonta, taasoo marka ay dhammaato cirib-teeda dambe ay aad u foolxun tahay. In ay ka wanaagsan tahay

“qofka oo naftiisa ka ad-kaada, qofka oo ka samra raaxadaan yar ee birirsiga ah ee aan waarayn haddana aan ku dhammaanayn waddo uu qof-ka mahdiyo.”

Laakiin haddii uu qof-ka ka ad-kaado naftiisa kana samro raaxadaan birirsiga ah waxaa u dambayn doonta nolol uu mahdiyo adduun iyo aaqiraba insha’allaah.

Sidaas darteed maxaa diidaya adiga oo dhalinyara ah in aad ku noolaato nolol marka aad waynaato aadan ka shanlaaynayn.?

Maxaa diidaya adiga oo dhalinyaro ah in aad ku noolaato nolol wanaagsan oo ilaahey raali ka yahay adduun iyo aaqirana ku anfacaysa.?

Maxaa qasab ka dhigay in haddii aad dhalinyaro tahay aad samayso wax xoogga iyo xiskaba kaa cuuryaaminaya oo kaa hortaagan hormar iyo alle ka cabsi.?!

Waxa uu ilaahey kalaam-kiisa ku leeyahay.

Suuratu Al-Cimraan:
“وَمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلَّا مَتَاعُ الْغُرُورِ”

“Nolosha adduunyada waa raaxo been ah.” Oo aan lahayn cimri, barako iyo aayatiin dambe oo wanaagsan.”

Suuratu Ar-Racad:
“إِنَّ اللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا مَا بِأَنفُسِهِمْ.”

“Is-badalka haddii aadan adiga raboonin/isku dayin ilaahayna kuma badalayo.”

FG: Muuqaal-kaas waxaan ugu tala-galay dadka ay da’dooda u dhaxayso 15-25.

“Macallin-ka waa qibrad laga dhigay qof.”Dadka online-ka wax ka barto ama iskood isku baro macallin la’aan, waa iga kart...
12/04/2026

“Macallin-ka waa qibrad laga dhigay qof.”

Dadka online-ka wax ka barto ama iskood isku baro macallin la’aan, waa iga karti badn tihiin.

Wax-yaabaha macallin la’aanta la baran karo waxaan isleeyahay ugu yaraan waa waxyaabaha la xiriira gacanta/farsamada.

Laakiin wax-yaabaha loo barto theory ahaan ama cilmi ahaan macallin qibrad sare u leh in loo helo waa sida qof daawo tayyo leh u helay xannuun daashaday.

Sidaas darteed marnnaba isku mid ma ahan cilmi laga so bartay macallin iyo mid uu qofka iskii isku baray.

Sh Mustafa wuxuu ka dhahay mowduucan.

“Marka uu macallin wax ku barayo kaliya ma baranaysid cilmiga ee sido kale waxaad baranaysaa dhaqan-ka wanaagsan.”

Waxaan dib u xasuustay inta macallin aan ka so bartay dhaqan wanaagooda iyo siday ula dhaqmayeen dadkii ay wax barayeen.

Sheekadan waxaan ku keenay waxaa jira cilmi maaddi ah oo aan rabo in aan barto lkn aanan hayn ciddii aan ka baran lahaa.

Iyo macallin aan rabo in uu wax baro laakiin aanan hayn aqoon ku saabsan macallin-kaas in uu bixiyo koorsooyin yaryar ku waas oo ay ka faaiidaysan karaan saacad/2-saac dadka jecel in ay wax ka bartaan.

Xaggee ayuu wax ku dhigaa.? Koorsooyin-kee ayuu bixiyaa iyo goorma ayuu bixiyaa iwm.

“Soomaaliya waxba lagama barto.”Waligaa ma damacday in aad waxbarashada ku waaniso caruurta teenagerada ah gaar ahaan wi...
12/04/2026

“Soomaaliya waxba lagama barto.”

Waligaa ma damacday in aad waxbarashada ku waaniso caruurta teenagerada ah gaar ahaan wiilasha laga so bilaabo 15-22.

Waa 7-sano ka adag kana dheer 20-sanno., marka aad damacdo in aad tarbiyeyso ama wax u sheegto wiilka aan sannad jirkiisii loogu so bilaabin safar-kaas.

Ustaad Abdi-Nuur wuxuu ka jawaabayaa 2-bo suaal oo aad muhiim u ah.

Midda 1-aad. Aqoon-yahan yaa la dhihi karaa.?

Ma jiro qof si buuxda loo dhihi karo aqoon-yahay.

Qofka mowduucyo kala duwan mid walba wax wuu ka ogaan karaa oo ogaal wuu ka hayn karaa laakiin ma jiro qof 💯 la dhihi karo waa qoon-yahan oo koobsaday aqoontii oo dhan. “Ilaahey ma ahane.”

Qofka hal mowduuc ayuu ku noqon karaan aqoon-yahan.

Su’aasha 2-aad. “Shaqada jaammacadda ma ahan in ay aqoon-yahay so saarto.”

“Jaammacadda waxay kor/sare u qaaddaa fikirka qof-ka.”
Kaliya ardayga wuxuu jaammacadda ka baranayaa sida loo isticmaalo qalab-ka uu wax ku baranayo iyo sida uu u fikira lahaa ka dibna uu asaga/qofka u gaari lahaa in uu si iskiis ah wax cusub ula yimaado.

“Hadal-kaas aniga Naciimo ahaan waxaan u fahmay in aan ku baranno jaammacadda jid ayeynaan aqoonin marka h**e in uu jiro iyo jid aynaan aqoon sidii aan u qaadi lahayn.”

Aniga ayaa sii wata hadlkee. Hadal-kaas oo dhan waa run.

Ardayga dhigta jaammacadda 2-da sane ee ugu horraysa waxa uu u malaynaa in uu wax ku baran doono meesha.

2-daas sano ka dib waxa uu ogaanayaa inta uu joogay waxa uu bartay in aysan aqoon ahayne ee ay tahay wax la xiriira “critical thinking.”

Tusaale: arin ayuu fikir/wacyi ahaan xag jir ku ahaa ama aad buu uga hoseeyey wax la xiriira mowduucaas.
Ka dib waxa uu arkayaa arin-kaasi fikir-ka uu ka qabay sida ay isku badashay ama uu wax uga fahmay.

Sidaas darteed waxbarashada/jaammacadda waxay sare u qaaddaa ama wax ka badashaa wacyiga qofka.

“Dal-ka waa maxay Darajjadiisa.”Waddan-keenna goobaha ku yaalla ee ajannabiga leeyahay sida isbitaallada, dugsiyada, maq...
26/03/2026

“Dal-ka waa maxay Darajjadiisa.”

Waddan-keenna goobaha ku yaalla ee ajannabiga leeyahay sida isbitaallada, dugsiyada, maqaayadaha iwm oo dhan.

Waxaa yaalla Summadda dalka ay ka soo jeedaan.

Markaa sidaas u aragtaba waad aqoonsanaysa halka ay ka soo jeedaan su’aal la’aan.

Hadday luuqad tahay ama magac iyo hadday calan tahay-ba.

Ma jirto 2-daas sheey wax ka muhiimsan ama ka qaalisan ee waddan lagu aqoonsan karo in uu yahay waddan jira.

Waxaana number 1 ah waa luuqadda waxaana ku xiga sida aan sheegnay calan-ka.

Goobaha waxbarashada waa goobaha lagu barto waddanninimada.

Haddii-ba aan lagu arag goobaha waxbarashada wax dhaqankeenna iyo dalkeenna summaddooda muujinaya sidee ayaa loo rajayn karaa jiil dalkooda iyo dadkooda jecel in ay noqdaan bulshadeenna.?!

30-sano oo hadda so socto waxaan u malaynayaa in jiilkeennu wada noqdo mid waddan-ka neceb iyo mid ajannabi guursaday. Hadday saas dhacdana dalka iyo dadka jiriddiisa iyo jiri-taaniisa waa burbureen.

Goobaha waxbarasho iyo dugsiyada yaryar waa isla jaammacadda ummadda oo yar uun.

“Wasaaradda waxbarashada shaqooyin-keeda mid ka mid ah miyeysan ahayn middaan.?”

(Haddii-ba ay tahay boos si dhab ah u jira aniga ii dira shaqadaas please)

“Waddan-ka shaqo la’aan k**a jirtee fikir la’aan iyo xaasidnimo ayaa ka jirta.”

“Jaammacadda Ummadda Soomaaliyeed qeybta aan ka dhigto bes baan aniga war u hayyaaye waxaa ku xiran calan-keenna hal xabbo oo caddaaday oo midab-kii ka lumay.

Calan-ka wuxuu ku jiraa meel aan lagaba arkayn. Meeshii ka rabay in meel walba oo jaammacadda ka mida lagu arko asagoo si wacan u muuqdo.

In 6-dii bilood-ba mar la badalo.

Xafiiyada ma yaalo hadduu yaalana hal iyo 2-bo uun baa yaalla.

Rinjiyada Jaammacadda marsan darbi walba oo ka mida caddaan iyo buluug in uu ahaado ayaa la rabay. Wax u egna malahan.

Waxay ahayd qoraallo hal hees-yo ah, maah-maah, oraahyo iwm oo dhan in ay darbiyada ku xardhannaadaan ku waas oo ku saabsan cilmiga/waxbarashada.

In aysan arintaan horay u dhicin waan aqbali karaa marka loo yeelo 2-ba sababood.

In la yiraahdo waligeen-ba naguma so dhicin fikir-kaas iyo Taliyaaniga ayaa diidaya arimo siyaasadeed aawadood.

In aysan dhici dooninna waan aqbalayaa marka la dhaho Taliyaaniga ayaan ogolayn.

“So dhawoow Arday-yahoow.”Ku so dhawoow Jaammacadda Ummadda Soomaaliyeed.Waxaan u tilmaamayaa arday walba oo soo baxaya ...
24/01/2026

“So dhawoow Arday-yahoow.”

Ku so dhawoow Jaammacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan u tilmaamayaa arday walba oo soo baxaya sannad walba. Waxaan u iftiiminayaa waddada habboon ee uu mari lahaa marka uu so dhammeeyo iskuulka isaga oo ku wareersan halka uu wax ka baran lahaa iyo waxa uu baran lahaa.

Si ay kuugu fududaato fahan buuxana aad uga haysato jaammacadda kugu habboon iyo waxa aad baran lahayd waxaan kugula talinayaa.

Laga soo bilaabo class 8-bilaaw in aad booqato jaammacadaha.

Bilaaw in aad aqriso buugaagta ka baxsan waxa aad barato.

Bilaaw in aad la saaxiibto, waraysato dad dhigta jaammacadaha kala duwan bartana cilmi kala duwan.

Net-ka ka baar kulliyadaha kala duwan iyo waxay ku kala duwan-yihiin. Suaalo iswaydii oo raadi jawaabahooda.

Intaasi waa waxa kuu fududayn kara in aad ogaato waxa aad baran lahayd ka hor inta aadan jaammacadda galin.

“Qofka waxa uu noqdaa waxa uu ku hareeraysan-yahay.”

Waddan-keenna lagama soo helayo wax ka badn 3-jaammacadood oo bixisa kaliya hal faculty iyo department-geeda kala duwan. illaa iyo master.

Intaasi waa talo guud. U kaalay “jaammacadda dib u so celinta rejada.”

Sannad-ka ugu horreeya marka aad so gasho jaammacadda ummadda waxa aad dareemi doontaa lun-sanaan iyo in aan meesha lagaa rabin oo kale. Waa caadi in aad dareen-kaas dareento, kaliya waxaa dareema qof maskax furan la socda waxa aktiisa ka dhacaya.

Dareen-kaasi wuxuu la mid yahay dareen-ka uu dareemo qof ka soo guuray deegaan-kii uu daganaa wax ka badn 10-sano.

Deegaan-ka cusub ee aad timaadday waxaad u malayn doontaa in ay dabeelihiisa kuu sheegayaan halkani ma ahan gurigaagii, darbiyada deegaan-kaas waxaad ka arki doontaa qoraal aan muuqan oo ku dhahaya halkani lagaama soo dhawaynayo.

Dareen-kaasi qof walba oo sannad-kaasi kula mida wuu dareemi doonaa laakiin cidna codkiinna ma maqli doonto sababtoo ah gudaha uun-baad ka hadlaysaan.

Sannad ka dib. Waxaa dareemi doontaa dareen-kii mid ka duwan laakiin markaan ka qurux badn rejjooyin-kaagii hun-goobay oo dhan baa dib u so noolaanayo.

Jaammacadda Ummadda waa sida farshaxan-ka oo kale. Waxay ka kooban tahay kalara kala duwan oo mid walba leh cilmi u gaar ah oo aad wax ka baran karto.

Waa hoyga iyo halka ugu sokkeeyso ee aad ku baran karto dhaqan-mada iyo midabbada kala gaddisan ee adduun-ka jira.

Waa hoyga rejjada maalin walba waxaad arki doontaa iyadoo si tartiib ah u sii dhismaysa.

Waa halka aad ka baran karto dhaqammada dadka kala duwan ee caalam-ka kaagana aad ku gud-bin karto hab cilmiyeysan.

Waa halka ay ka jirto fursadda aad ku baran karto kuna abuuran karto hantida adduun-ka ugu qaalisan ee ah dadka. Waxaad hal koorso isugu immaan kartaa 5-kulliyadood oo taada ka duwan.

Waa hooyga farshaxan-ka dadka iyo dhaqan-ka oo hal-meel ku kulmaya.

Waa hoyga diblomaasiyadda. Waa halka ay suuragal ka tahay in aad si fudud ula kulanto, kula hadasho, fariintaadana aad ugu gud-biso madaxda dalka.

Madax-waynaha, raiisul wasaaraha iyo dhammaan madax waddan-ka. Fursaddaas-na waxaa helaya kaliya ardayga dhigta isagoo ah qoys ka mid ah.

Waxaa dareemi doontaa in lagaa so dhawaynayo halkaas maaddaama aad tahay arday dhigta Jaammacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa dareemi doontaa dareen ah in jaammacaddu kuu tahay hooyo oo kale. Waxaad ku dareemi doontaa hooy iyo hog-siimo.

Marnnaba k**a shallaayi doontid doorashada aad dooratay jaammacaddaas.

Kulliyad walba oo aad ka bilaaw-daba barashadeeda waa ay ku fiican-tahay. Haddii ay haysato qalabkii lagu baran lahaa.

Macallimiinta dhammaantood waa kuwo aad mooddo in la so xulay.

Waa halka aad ka arki doonto fursadaha ballaaran ee kala duwan e dalka ka jira. Waa halka aad ka baran-doonto dhalinyarada sida ay war moog uga yihiin dalka iyo waxa ay u qaban karaan haba yaraatee.

FG: Ma jirto meel kale oo aan dhaliilayo iwm.

Kaliya waxaa qoray qoraalkan arday ku faanaya qabiil/deegaan-kiisa.

“Ugaar ah Dumarka.”Buugga “Damac Ragg Iyo  Dan Reer.”Aniga haddaan ahaan lahaa buuggaan magacaas uma bixiyeen. “Hadana m...
15/11/2025

“Ugaar ah Dumarka.”

Buugga “Damac Ragg Iyo Dan Reer.”

Aniga haddaan ahaan lahaa buuggaan magacaas uma bixiyeen.

“Hadana ma sheegi karo magacii aan u bixin lahaa.”

Buugaagta qaar marka aan aqrinaayo waxaan ku arkaa kuna nacay marka qoraaga isku faaninayo buugiisa.

•Marabo in aan wax ka sheego qoraaga buuggan laakiin markaa meel dhexe so gaarto ama qeebaha qaar ee sheekada in qoraaga dhinac u badn yahay.

•Sheekooyin-ka la so aruuriyey kuwa ugu xammaasadda badn ayuu ka mid yahay buuggan illaa aad gaarto heer aad u malayso “In sheekooyin-ka qayaali yihiin ama mala awaal been kuwada dhisan.”

•Waa buug ay tahay in ay aqriyaan dhammaan haween-ka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.

Waxa ugu wayn ee buuggan laga baran karo.

* Haddii aan la buuxin/haqab-tirin “Baahiyaha shacuureed ee qofka in uu u dulloobi doono asaga oo raadinaya in laga waraabiyo halka uu ka oomman yahay.”

Baahidaas shacuureed ragga iyo dumarka waxaa ku badn dumarka cidda u oomman in laga haqab-tirana waa isla dumarka.

Baahidaas shacuureed qofka ay ka dhadhamiso inyar in uu u hayyo ayeyna gacantiisa galaan.

Sheekada inta aad aqrinayso dhowr mar baa aad u xanaaqi doontaa waxaad-na ogaan doontaa in uusan qofka u dulqaadan wax dullinnima ah.

“Laakiin hadday jirto shacuurtii aan soo sheegnay qofkana uu yahay qof haween ah oo aan hadana baraarugsanayn waa halkaas hoogeeda.”

Inta aad sheekada aqrinayso waxaad ogaanaysaa “In bahalka adduun-ka ugu qatarsan ay ragga yihiin waliba marka ay ogaadaan in aadan haysan meel kale intay ku dilaan kaama tagayaane si ay marwlba kuu dilaan meel ayey kugu xiran doonaan.”

*Khalad walba oo aad ka gudubto adiga oo aan xallin oo aadna ka gudubto adiga oo aan ku qanacsanayn in aad ka gudubto waa midka kugu hogaamin lahaa waddadii aad ku guban lahayd.

“Khataraha laga cabsado waxaa ka mida ragga.”

Maalin wanaagsan.

30/10/2025
“Doing something is good for you.”Let’s say that you’re a housewife who’s living in her home. You have finished your stu...
30/10/2025

“Doing something is good for you.”

Let’s say that you’re a housewife who’s living in her home. You have finished your studies you do not go for working.

You have a maid that helps you with the home stuff daily things.

You just somethings in the home nothing more. If you do that for 5-year’s you will be empty in every way.

The improving for your life, home and your future it’s a 3-ways.

Work to Improving for your health by doing exercises and eating healthy foods.

To eat healthy foods and doing exercises you need to learn which exercises do you need to do and which part of your body does need and what.

Same like that if you wanna eat a healthy meals you need to learn the difference and what food that you need whic one you need the most.

And what food it doesn’t good for your body or part of your body.

So if you want to learn for all that things you need to know that you have to do that things and why you need them.!

And then you have to what is an exercise and what foodstuffs. So you have to watch some videos about that and read books about that stuff.

“If you stop it learning, your life will stop living.”

Adress

Plogstigen 12 B
Borlänge

Webbplats

Aviseringar

Var den första att veta och låt oss skicka ett mail när Naciimo Macallin postar nyheter och kampanjer. Din e-postadress kommer inte att användas för något annat ändamål, och du kan när som helst avbryta prenumerationen.

Genvägar

Dela