26/05/2023
Maajo 25, 2023
Bismillah,
Mudane Madaxweyne; Mudane Ra’iisul Wasaare
Let us Make Mogadishu the Re-export Hub of the East African Community (EAC)
Dhowr sano, shaqo badan, farsamo, lacag, iyo taageero ayay u baahan tahay si loo gaaro hiigsiga “Muqdisho oo noqota xuddunta wax sii dhoofinta bulshada Bariga Afrika” waase mudan tahay.
Waa mashruuc dhaqaale oo wayn waana ka dhabayn karnaa, Inshaa Allaah.
Sida uu yiri Lao Tzu "a journey of a thousand miles begins with one step", mashruucaan wuxuu u baahan yahay in la qaado tallaabada koowaad oo ah in la aqbalo oo laga dhigo ajenda qaran.
Waxay hirgalinta hiigsigaan u baahan tahay Hoggaan Hiigsi leh “Visionary Leadership”, qorshe iyo in shaqada la billaabo Rabbina (swt) la talasaarto.
Waxaa ka mid ah howlaha loo baahan yahay in la qabto si looga miradhaliyo fikradda “Muqdisho oo noqota xuddunta wax sii dhoofinta bariga Afrika”:
1. Ansixinta golaha wasiirada iyo xeer lagu dhaqangeliyo mashruuca,
2. Dekedda Muqdisho oo laga dhigo hay’ad (Mogadishu Port Authority) ka madaxbanaan Wasaaradda Maaliyadda,
3. Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo laga dhigo hay’ad ka madax banaan Wasaaradda Gaadiidka Cirka,
4. Dib u habaynta maamulka iyo howlaha dekedda Muqdisho iyo garoonka Aaden Cadde,
5. Canshuuraha soo dhoofinta iyo iibka oo hoos loo dhigo si Muqdisho ay u hesho “cost advantage”,
6. In la fududeeyo howlaha dejinta iyo bixinta konteenarada iyo khidmada adeegga (service charges) oo aad loo yareeyo si Muqdisho ay u hesho “cost advantage”
7. Dhiirigalinta iyo taageerada ururada ganacsatada Soomaaliyeed iyo dadwaynaha,
8. Dhisidda iyo hagaajinta jidadka taga xuduudda Soomaaliya-Kenya iyo Soomaaliya-Itoobiya,
9. Wadashaqaynta maamulada Gobolka Banaadir, Koofur Galbeed, iyo Jubbland,
10. In kaabayaasha dhaqaalaha iyo agabka dekedda la casriyeeyo iyo “to computerize” howlaha dekedda oo dhan,
11. Musuqmaasuqa dekedda Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha oo la ciribtiro,
12. Amni sugan, iyo
13. Wixii kale oo aan ka tegay
Let us plan and work together to make Mogadishu the Re-export Hub of EAC.
Wa Billaahi Towfiiq,
Dr. Ismail Ali Siad
Ismail Ali Siad
Jiil saliim ah iyo mustaqbal ifaya