Mohamud C. Jeesto gudoomiyihii 8aad ee golaha sodesco oo kelmad ka jeediyay madasha Golejoog
Somali dervish student council
ururkan oo ah raabido ardayeed ka dhisan magaalada khartoum-dalka suudaan, hadafkeeda 1aad ayaa wuxu
xubnaha ururka waa arday aad u xiisaysa horumarka iyo dhaqaajinta hanaanka tacliimeed ee soomaaliya iyo horumarintiisa
Dear United Nations Human Rights Watch
Laascaanood City and the SSC community are on the edge of distinction. We ask for your support, and we urge you to take action.
Al Jazeera English Al Arabiya English
10/12/2019
Bandhigga Buugaagta ee Laascaanood 2019, oo ah markii u horeysay ee lagu qabto gobolka sool gaar ahaaan laascaanood.
Runtii waa talaabo wax ku ool ah taas oo kor u qaadaysa wax akhriska iyo waxbarashadda sidoo kalenna dhiirigelinaysa haldoorka gobolka si iyaguna u soo saaraan buug wax ku ool ah.
Golaha Sodesco wuxuu u mahadcelinaya cidkasta oo ka qayb qaadatay in uu qabsoomo bandhiggan caalamiga ah gaar ahaan Hayadda maxaliga ah SVO oo uu hormuud u yahay Haldoor Abdikarim Said Abdi.
Guuleysta Gacalayaal.
06/04/2018
doorashadii golaha daraawiishta ee wadanka suudaan, oo xalayto ka qabsoontay magaala madaxda suudaan ee khartoum oo uu xilka kaga degey mudane maxamuud cabdilaahi yuusuf jeesto isla.markaana uu xilka kula wareegay mudane eng jaabir ismaaciil maxamed.
nabad iyo nolol
Ardayda daraawiisheed ee waxkabarata wadankan sudan ayaa dareenkooda ku cabiray siday uga xun yihiin mashaqadii kadhacday magaalada mogdusho.
Ardayda ayaa murugada lawadaagay qoysaskii iyo eheladii iyo guud ahaan shacabka somaliyed waxayna kubaaqeen in laamaha amniga la adleeyo.
Baadhitaan rasmiyana lasameeyo siloo helo meesha dhabta ah ee laga soo abaabulay falkan arxan darada ah.
Laanta warfaadinta ardayda reer khaatumo ee wadanka suudaan.
05/09/2017
Ardayda Sodesco ee dalkan suudan oo kusugan deegaanka basaqaat
Golaha ardayda halkan waxa uu uga tacsiyaynayaa dhamman eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Sama-fale oo ku geeriyooday magaalada buuhoodle ee gobolka cayn.
Runtii waxa ay ahayd geeri aad u xanuun kulul oo taabatay dhammaan dad weynaha ku dhaqan Ssc .
Abdirahmaan waxa uu ahaa haldoor ka mid ah dhalin yarada iftiinka u ah guud ahaan gobolada ssc gaar ahaan buuhoodle, haldoor fir-fircoon oo eynigiisa ka sita ayuu ahaa, waxa si gaar ah loogu xasuusan doonaa abaabulkiisii ku aaddanaa abaaraha iyo xanuunkii ka dillaacay gobolka cayn ee shuban-biyoodka ahaa dawrkii uu ku lahaa .
Maanta oo ay bishu tahay 6/5/2017 ayuu ku geeriyooda buuhoodle dhaawac soo gaadhay dartii, samir iyo iimaan alle ha inaga wada siiyo gaar ahaan ehelkiisii oo ay ugu horreeyaan waalidkii, xaaskiisa iyo curaddiisa.
rabbi hoyga ha u waasiciyo su'aasha qabrigana ha u fududeeyo.
Innaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun.
Xog-haynta
09/04/2017
Bismillahi raxmaani riaxiim waxay mahad u sugnaatay alle SWT ku dayashona nabi Mohamed NNKH.
Caawa oo ay ku beegantahay 7/4/2017 waxa ka qabsoomtay magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan xafladdii doorashada guddoomiyaha G/fulinta & G/shuurada dhalin yarada ka soo jeedda gobolada khaatumo ee loo yaqaanno (Golaha Ardayda Daraawiishta Soomaaliyeed ee Suudan SODESCO) xafladdaas oo ahayd mid aad loo soo agaasimay jawi qurux bandanna ku bilaabmatay.
Ugu horrayn waxa madasha lagu daahfuray aayadaha qur'aanka kariimka ah, kadib barmaamujka waxa daahfuray guddoomiyaha xisbiga tayo oo ah arday katirsan golaha sodesco ustaad mohamoud guurre.
Intaa kadib guddida doorashadu waxa ay sharaxaad kooban la wadaageen golaha guud taas oo ku aadan habka ay u dhacayso doorashada labada gole ee /shuurada iyo G/ fulinta.
Sharaxaad kadib waxa la bilaabay doorashada golaha wada-tashiga oo ay isku soo taageen shan xubnood loolan kabacdi waxa halkaa lagu doortay gudoomiye iyo kuxigeen cusub oo golaha shuuradu yeelanayo , guddoomiyaha waxa ku soo baxay mudane mustafe abdiasiis ismaaciil buraale halka ku xigeenna loo doortay mudane ahmed siciid .
Dhanka kale waxa isku soo taagay xilka gudoomiyah guud ee golaha labada musharax ee kala ah mr mohamoud abdullahi jeesto iyo mr Mohamed xasan cirro, doorashada ayaa ahayd cod dheeri yadoo cododkana laga hor tirinayo golaha guud.
Kadib tartan iyo loolan adag illeen gari laba nin k**a wada qosliso e waxa guushu halkaa ku raacday mudane mohamoud abdullahi jeesto oo helay codka aqlabiyada golaha , waxa uu noqonaya jeesto guddoomiyaha 2017/2018, waxa kale uu noqonayana guddoomiyihii 8aad ee golaha sodesco.
Madasha waxa lagu soo ban dhigay waxqabadka meertada xilka wareejinaysa ee uu hoggaaminayo guddoomiye ahmed Mohamed Hassan ciiro .
Waxa mikrifoonka lagu soo dhaweeyay gudomiye ciiro si uu ugu soo dhaweeye madasha gudoomiyaha la doortay . waxa kulanka soo xidhay guddoomiyaha cusub mudane mohamoud abdullahi jeesto , xafladduna waxay ku soo idlaatay jawi aad u qurux badan .
war-faafinta &Aimaha ardayda : eng abdiasiis ahmed xuseen(amiir).
08/02/2017
Golaha ardayda daraawiisheed ee dalka suudaan waxa uu halkan uga dirayaa hambalyo aan la soo koobi karin madaxwaynaha cusub ee dalkeenna hooyo mudane mohamed abdullahi farmaajo ku soo bixi taankiisa xilka koowaad ee dalka .
hambalyo ayaannu leenahay shacabka soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan alle na ha inoo wanaajiyo madaxweyneheenna cusub .
guuuuuuuuuuuuuul iyo gobonimo .
xog-haynta warfaafinta..
22/01/2017
HAMBALYO MEHER
------------------------------------
Xubnaha Golaha ardayda daraawiishta ee dalka suudaan waxa ay hambalyo kal iyo laab ah u dirayaan dr Abdimajid Hussein oo kamid ah xubnaha ugu fir-fircoon ee golaha laantiisa wadanka iyo marwadiisa dr oo maanta meherkoodu ka dhacay magaalada ee xarunta gobolka Sool.
Alle ha barakeeyo qosyka cusub badhaadhe iyo wanaagna ha u gu dhameeyo mawaartada inta cimriga uga laaban .
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Telephone
Website
Address
Khartoum