01/05/2022
Gudoomiyaha Isku Xirka Ardayda Jubaland Ee Suudaan, Xoghayaha Guud & Xubnaha Fulinta waxay Hambalyo U dirayaan Ummada Islaamka, Bulshada soomaaliyeed, Gaar Ahaan Dibloomaasiyiinta, Jaliyadda & Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan Munaasabada Ciidul Fidriga Awgeed
Eebbe Wayne Waxaan Ka Rajeynaynaa inuu inaga aqbalo acmaasha suuban ee aan soo qabannay nagana dhaafo wixi gaabis ah ee aan geysannay.
Xafiiska Warfaafinta Isku Xirka.
21/01/2022
بسم الله الرحمن الرحيم
Isku Xirka Ardayda Jubaland ee dalka sudan waxu u hambalyeynayaa xisbiga midnimo iyo murashaxiisa ustaad Mukhtaar Shiikh Maxamud Mocow oo manta ku guuleystay hoogaanka midowga ardeyda soomaaliyeed ee dalka suudan, waxaan ALLA ugu baryeynaa in uu u fududeeyo howshan adag ee loo doortey kana dhigo kii mideeya ardeyda.
19/07/2021
KALMADA GUDOOMIYAHA
بسم الله الرحمن الرحيم
Marka h**e ALLE ayey mahadi dhammaanteed u sugnaatey.
Intaa Kadib waxaan Rabaa inaan Halkaan Si mug iyo Miisaan leh ugu mahad celiyo:-
1.madaxweyne ku xigeenka 1Aad ee Dowlad Gobaleedka jubbaland mudane Maxamuud sayid Adan
2.wasiirka wasaaradda waxbarashada ee jubbaland mudane wasiir cabdinaasir seeraar maax
3.wasiirka wasaaradda dhalin yarada iyo sportska jubbaland mudane wasiir Aweys Al-Qarni
4.wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalin yarada iyo sportska xildhibaan marwo faadumo macallin cali.
5.Agaasimaha guud ee Jubbaland TV walaal Cabdiraxman mustaf Maxamed.
6. Iyo dhamaan Ururadii Kasoo qayb Galay Xafladii Caleema Saarka Sida:- Midowga guud ee Ardayda Soomaaliyeed, Madasha aqoon-Wadaag,Ardayda Qaranka, Ururka Ardayda Puntland, ururka ardeyda koonfur galbeed, golaha abwaanada soomaaliyeed, iyo dhammaan kaso qeybgalayaasha xafladdaa.
Isku xirka ardayda jubbaland waa urur u taagan mideynta, isku xirka, iyo ka warqabka ardeyda kasoo jeedda gobollada jubbaland ee wax ku barta suudan.
Hogaanka cusub ee ardeyda ee aan gudoomiyaha u ahay Waxan ballan qaadeynaa in shaa ALLAH in aan xaqiijinno, ka dhabeyno dhammaan qorshayaasha golaha, kuna hogaaminno ardeyda sida ay u gaari lahaayeen u jeedka ay suudan u imaadeen ee ah waxbarashada...
UGU DAMBEYN waxaan Ebbe Ka baryayaa inuu igu Asturo Xilkaan La ii igmaday
عيد الأضحى المبارك.
كل عام وانتم بألف خير.
15/07/2021
Guddiga Qabanqaabada Xafladda Caleema-saarka Gudoomiyaha Iskuxirka Ardayda Jubbaland, Waxa Ay Idinku Casuumayaan Xafladda Caleema-saarka Gudoomiyaha Cusub Eng Ismael Ibrahim.
Xafladda Ayaa Ka Koobnaan Doonta Faqrado Badan, Xafladda Waxa Ay Ka Dhaceysaa Hoolka Shirarka Ee Markaz Al Caalami, Oo Ku Yaalo Dhinaca Waqooyi Ee Isbitaalka Yastabshiruun Ama Jaamacada Imaamu Xumayda..
Xafladda Waxa Ay Dhaceysaa Maalinimada Sabtiga Ah Taariikhdu Ay Ku Beegantahay 17 Luulyo 2021 Saacada 06:00 Maqribnimo.
Waxaa Inoo Sharaf Ah Inaa Nagala Soo Qaybgashaan.
06/07/2021
Isniin 05 Luulyo 2021
Khartoum-Sudan
Maalinimadii Shalay waxaa Sagootin qurux badan u sameenay Eng Abdalla Kismaayo oo ku jiro maalmihiisii ugu dambeeyay dalka.
Eng ayaa Dhamestiray 5 Sano Oo Kuliyada Engineering-ka Ah Jaamacada Caalamiga Ee Afrika.
kulankan ayaa lagu kala qaatay talooyin badan oo wax ku ool ah, Eng ayaa ah Qof mar walba wanaagga Jecel.
Eng Waxaan U Rajeynaynaa Inuu Rabi Safarka U Fududeeyo, Nolasha Sida
Khayrka ugu jiro Waafajiyo mar walba
03/07/2021
Dhammaan aqoonyahannada reer Jubaland ee dalka Suudaan wax ka barata, waxa ay hambalyo diirran iyo bogaadin u dirayaan Eng Ismael Ibrahim oo loo doortay xilka gudoomiyaha raabidada ardayda Jubaland ee Suudaan.
Inta uu xilka haayo waxaan rajaynaynaa in uu noo horseedi doono midnimo ballaaran, isku xirnaan iyo iska warqab.
Ugu dambeyn, waxaan Ilaahay uga baryeynaa in uu u fududeeyo xilkaas culus ee loo doortay, kuna asturo.
03/07/2021
Iskuxirka Ardayda Jubaland Ee Suudaan 💙🇸🇴💙