Unitted Student Development of somalia

Unitted Student Development of somalia

Share

page-kaan waxa loo sameyay ama ujeedadiisu waa in wax la toosiyo wixii somaliya halaaagay ..........

14/07/2014

Hooyo Macaan waanku jeclahay waliba Jaceylka la jeclaado Qof aduunkaan Jooga Midka ugu qiimaha badan, Waan ilmeeyaa Markaan Soo xasuusto dhibkii aad ila soomartay Laga soo bilaabo habeenkii uu ilaahey Calaashaada igu beeray .
Waan la socdaa in Hurdo Raaxo leh ay habeenkaasi kuugu danbeeysay aadna bilaawday Jaceylka aad ii qabto Waliba adigoon ogeyn Wiil ama gabar waxaan ahay, hooyo waan ogahay xanuunka aad ka soomartay habeenkii aad i foolaneynsay markii aan aduunka u soobaxayna aad adigu ahayd qofkii ugu horeeyay ee sujuuda iga dhunkadda adigoo ku faraxsan lab ama dhadig midkii aan noqday.
Hooyo inaan hadda aqiyo qoraal meel ku qoran adigaa ii horseeday kali ah hooyadeey macaanto matihide sidoo kale waxaatahay Macalinkeygii koobaad ee wax ibaray, ibaray waxa ii wanaagsan iyo waxa ii halista ah , ibaray sida loohadlo, ibaray sida loo cuno raashiinka, ibaray sida cowradeeyda aan u asturto ibaray xitaa aabihii i dhalay kuwii ila dhashay iyo ilaahii i aabuuray.
Hooyo waan ilmeeyaa markaan xasuusto sida oohinteydu ay hurdo kuugu diiday, hooyo waan ilmeeyaa markaan soo xasuusto sida aad u dareemi jirtay halka laiga hayo anigoon orankarin halkaas baa i xanuuneysa, hooyo waan ilmeeyaa markaan sooxasuusto sidaad labada indhood iyo afka mac iga siin jirtay iyadoo ay kaamuuqato Jaceylka aad ii qabto.
Hooyo adigoo intaas iyo kabadan iga soomaray ayaan abaalkaaga kadhigay inaan intaasoo dhan iska ilaawo markaad ila hadashana aan kuugu jawaabo hadal aan inaba kuu qalmin. hooyo waan ogahay inuu dhib kuugeystay mid aniga oo kale ah oo aad intaas kasoomartay, hooyo waan ogahay in kuwaad dhashay ay xabaal kuu horseedeen.
Hooyo waan ogahay abaalkaaga in uusan qofna gudi karin waliba adigoon waligaa nooga baahan in abaal aan kuu gudno inaad adigu mid kale noogasho mooyee. hooyo macaanto ilaahey waxaan kaaga baryayaa in janadda fardowsa uu abaalkaaga kadhigo addunyadana ilamahaaga ilaaheey baari kaaga dhigo , aysan xumaan kuuquurin. Qalin kuma soo koobi karo qiimahaage Qaado intaan amaan leedahay oo aan lakala reebin.

Photos 09/07/2014
Want your school to be the top-listed School/college in Khartoum?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Khartoum
00249