29/05/2025
Tahniyadda Haldoor-ka
Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), waxa uu shahaadada koobaad ee cilmiga sharciga ka qaatay Jaamacadda Caalamiga ah ee International University of Africa, halka uu ta labaad ilaa darajada saree PHD ka qaatay Jaamacadda Omdurman ee dalka Suudaan.
Mungaab wuxuu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Soomaaliya, isagoo soo noqday Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Wasiiru Dowlaha wasaaradda Cadaaladda. sidoo kale muddo dheer wuxuu ka soo shaqeeyay Hay’adaha Garsoorka Dalka iyo Safaarada Soomaaliya ee magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.
Mungaab wuxuu sidoo kale muddo dheer ka tirsanaa bahda waxbarashada isagoo qayb ku lahaa dib u soo noolaynta waxbarashada dalka burburkii ka dib.
Shalay(28/05/2025) ayaa markale dib loogu magacaabay, xilkii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir. Hambalyo Mudane.
17/03/2025
17/03/2025
15/03/2025
14/03/2025
14/03/2025
06/04/2024
06/04/2024
29/03/2024
24/03/2024