مجموعة رواد الوعي

مجموعة رواد الوعي

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from مجموعة رواد الوعي, Educational Research Center, rouwadalwayi@gmail. com, Khartoum.

10/03/2024

تهنئ مجموعة رواد الوعي الأمة الصومالية والاسلامية بحلول شهر رمضان المبارك، ونسأل الله عز وجل أن يجعله شهر خير ويمن وبركة.

04/08/2023

اسرة مجموعة رواد الوعي تتوجه بالعزاء الى الاخ المهندس عبدالله شيخ ادم راجي بوفاة والده، سائلين المولى ان يجعله في العليين مع النبيين والصديقين والشهداء والصالحين وان يعوض اهله خيراً ويرزقهم الصبر والسلوان.

10/04/2023

الحب والموت ليس لهما تاريخ محدد أو زمن معين، وليس لهما مصدر مادي محسوس، بل لازما كيان الإنسان ووجوده منذ النشأة. وكان لهما كما لغيرهما من القيم أعمدة وأسس يقومان عليه، وسقف يستظلانه، ويشتركان بأنه ليس لهما زمن محدد أو موعد معين بل يأتيان بغتة وبدون سابق إنذار.

وفي ظل التغيرات الأخيرة التي صاحبت الحداثة أصبح تعليم الحب أحد الوعود التي وعدت بها الحداثة في تحقيقها ووصلوا إلى قناعة مفادها بأنه يمكن إثبات ذالك من خلال قواعد رياضية صارمة ويمكن معرفة ذالك من خلال زيادة عدد تجاربه بوصفه أحداثا منفصلة، وحادة، وقصيرة، ومنفصلة، وصادمة، يخوضها المرؤ بوعي سابق بهشاشتها وزوالها، ولكن يمكن أن نقول بأن الوعد بتعلم فن الحب وعد زائف يتمنى الناس كل المنى أن يكون وعدًا حقيقيًّا.

وكأن الحب في توصيف باومان في واقعنا كأحد أنماط التفاعل الإنساني بدأ يتحول اليوم إلى نمط افتراضي، يعززه طبيعة تغلغل العلاقات المبنية على التقدم التكنولوجي لنمط جديد لعلاقات أكثر هشاشة، هنا نلمس واقعنا المر حيث نرى صورة الزوجة الموجوعة وهي تطلب دواء يسيرًا من زوجها فيحيلها للسائق أو الابن لأنه يتابع المبارات، أو في مناقشة إلكترونة مع أحد الأصدقاء، ولربما يطلب الزوج طعامًا معينًا لعارض صحي من زوجته فتحيله للخادمة أو تعده بعد مشاهدة آخر لقطات المشهد، أو قراءة الرسائل وردود الشات، إنه الحب الجاف الذي تفوزه التكنولوجيا والترفيه الآني على لحظات المشاعر والود، فتصير المرأة كاللبؤة النائمة ويصير الرجل كالورقة النقدية.

وفي الموت فإن الحداثة نقلتنا الخوف من الغيب إلى الخوف من الفناء ولأنها وعدت بالسعادة الآن وهنا، فقد عدت الفناء مشكلة؛ فبدأت في مواجهة الفناء بالعلم الذي يلهث وراء ديمومة الوجود الفردي عبر الزمن وإطالة عمره والمحافظة على شبابه والاحتفاظ بذكراه بعد الموت.

ومن انعكاسات تلك الفكرة في عصر السيولة أن أصبحت الروابط الإنسانية هشة ولا تبقى متينة إلا في فترة مؤقتة، ولا يتوقع دوامها إلا في فترة قصيرة إذا دامت أصلًا، وإن دامت فإنها تدوم (حتى إشعار آخر).

وعمومًا فإن التفكيك الذي قامت به الحداثة أدى إلى حصر الإنسان في وجوده المادي الجسدي واستبعدت الشق الإنساني والعاطفي، بل أبعدت الجانب المعنوي الوجداني ليخضع بعد ذلك إلى التأقيت وإلى العمليات الحسابية المتصفة بالمرور السريع بعد الاستهلاك مباشرة؛ لأن غاية ما تبشر به الرأسمالية عبر آلتها التسويقية هي قمة اللذة ومنتهى النشوة وغاية المتعة مع علاقات لحظية عابرة سريعة.

أحمد صديق محمد
للقراءة والتحميل.
https://nama-center.com/Articles/Details/41473

09/04/2023

Fikirka Siyaasadeed Ee Giriigga.

1:1 fikradda xeerka
Waxa ay aaminsanaayeen Giriiggii h**e iyo bulshooyinkii ilbaxnimada h**e lahaaba; in ay waajib tahay in la raaco xeerarka bulshooyinka kala haga; ee kala xadeeya, maxaa yeelay waxa ay qabeen dareen ah; in ay yihiin kuwo kasoo fulay xagga Eebbe, taas oo keenaysa in aan laga tallaabsan Karin, lana baddali Karin.

Hase ahaatee arigtadan diimeed ee muxaafidka ahi may sii socon, gaar ahaan markii ay ka dhex dillaaceen su’aalo shaki galiyay saxnaanteeda, ugu dambaynna waxay kusoo idlaatay diidmo, gaar ahaan markii ay soo if-baxeen madarasadihii ayooniyiinta (ionian) iyo dhaq-dhaqaaqii soofistiyiinta (sophists) ee qarnigii shanaad C.k.

Waxa ay xoojiyeen ayooniyiintu (waxa matalayay Thales iyo anaximander) aragtida fiisigiska ah ee odhanaysa: “waxaa jira jawhar/unug kali ah oo joogto ah, kaligiina taagan(primordial substance), suura galna ay tahay in loo celiyo oo lagu fassiro dhammaan aagtiyaha fiisigiska ah ee is bad-baddala isna gad-gaddiya”.
Taas oo ka dhigan si aynu u fassirno jiraalka walxeed/maaddiga in aan loo baahnayn shay dibadda ka ah walaxda/maaddada. Maxaa yeelay iyada ayaa caddayn iyo fassiraadba isugu filan.
Haddii aragtidan fiisigis ahaan sax noqotana; maxaa diidaya in arrimaha bulshada ku qumto oo sax ku noqoto? Haddii si kale loo dhigana noqonaysa ma u celin karnaa dhammaan dawaahirta bulsho ee is bad-baddala halkaa walax ee sugan?
Qaab fikirka noocan ah ayaa ahaa kii ay diideen soofistiyiintu bilwagii h**eba, maxaa yeelay waxa ay cuskanayeen xogta ay ka heleen juqraafiyahannadu dhaqannada bulshooyinka kale ee aan giriigga ahayn iyo sooyalkooda.

Arrinkan ayaa keenay in ay ka shakiyaan gabi ahaanba in uu jiro xeer kawni ah/guud oo kali ah; kaas oo ay suura gal tahay in lagu diraaseeyo dhammaan bulshooyinka.
waxa aanay tilmaameen oo u caddaatay in kala gaddisnaanta xeerarka uu sees u yahay kala duwanaanshaha dhaqan iyo taariikheed ee bulsho, kaas oo tilmaamaya in xeerarka bulshooyinku aanay ahayn kuwo kasoo fulay dabeecadda (natural law) ee ay yihiin kuwo uu sameeyay caqliga aadanuhu, Kaddibna isu baddalay dhaqan (convention) ay xeeriyaaan oo xurmeeyaan bulshooyinku .

Waxa halkan kasoo baxaysa su,aal muhiim ah oo ah: ma jiraa xeer guud oo ay u laabanayaan amaba ku tiirsanyihiin dhammaan xeerarka aadanuhu dajistaan?
Haddii la helo, maxaa u masdar ah? Sidoo kale waa qaabkee jaadka ama nooca masdarkaasi? Ma mid daahirada bulsho ku dhex jiraa mise waa mid ka madax bannaan?
Waxa aynu odhan karnaa jawaabaha ugu mudani waa kuwii uu kaga jawaabay protogoras (430-500 c.k) oo ka mid ahaa foolaadkii soofistiyiinta, waxa aanu sheegay in” bani’aadamku uu yahay ka wax walba looga qiyaas qaadanayo ’’, mabda’an marka aynu ku eegno aragtida aqoonta waxa uu noqonayaa; in aragtida uu aadanuhu ku eego walxaha ay tahay ta ahaanshaheeda siinaysa, una muujinaysa qaabka ay u muuqato.

macnaheedu waxa weeye in aadanuhu uu yahay ka samaynaya adduunkiisa aqooneed, kaligii, isaga oo aan u baahan awood ka madax bannaan. Mad-habkanna waxa uu keensanayaa marka laga yimaaddo in uu shaki galinayo jiritaanka walxaha, shaki galinta sidoo kale helida aqoonta, iyo suuragalnimadeeda.

Hadii uu majaalka aqoonta sax ku noqdana waxaa imanaysa in uu u tallaabo akhlaaqda iyo siyaasada, kadibna la yidhaa tusaale ahaan: bani aadamka ayaa ah ka looga qiyaas qaadanayo wanaaga iyo saxnimada, amase xeerarku waa samays bani aadam, ILAAHNA sinaba xidhiidh ulama laha.

Waxaa laga yaabaa in aanu protogras u jeedin in qaabkan loo eego, faahfaahinteeda hoosena sidan loogu sii daadago , hase ahaatee waxa uu u ahaa masdar, Umana suura galin in uu udiido xagjirkii soofistiyiinta (extreme individualism) in ay ku gaadhaan nooc xagjirnomo qofeed ah. Taas oo koobsatay iniintii diin la’aanta, ee rabtay in daahirada bulsheed ee siyaasadeed laga dhex saaro xaynaadbka qiyamka/madhaafaanka diineed, ama akhlaaqeed.
hase ahaatee iniintan calmaaniga ah ayaa ah ta ka cadhaysiisay Socrate iyo ardaygiisii plato, oo kamid ahaa faylasuufyadii siyaasada ragii ugu muhiimsanaa mid ka mid ah, taas oo sababtay in mid walbaaba dagaal adag ku qaado dhaqdhaqaaqii soofistiyiinta, iyo madarasaddii ayooniyiinta. Kaddibna soo bandhigo mashruuc fikir oo dhamaystiran.
Maadaama Baadhitaankan kooban aanu soo koobi Karin falsafadii Socrat, waxa aynu ku koobsanaynaa in aynu tilmaan guud ka bixinno.
kaddibna hoos si wayn ugu dhaadhacno, inaka oo ka dhimbiil qaadanayna muuqaalka guud ee inooga soo bixi kara qaabka uu Plato u dhigay.

Is baddalka aasaasiga ah ee Socrate soo galiyay falsafadda ayaa ah in uu baadhitaanka falsafadda ka kexeeyay, gabi ahaanba hannaankii h**e.
kana gudbay baadhitaankii ahaa: “waxa jira” “what is being?” si loo qeexo jiraalka (sidiisa jiraal ahaan). sidii ay samayn jireen faylasuufyadii ka horreeyay waxaanu u jeediyay hannaankii baadhitaan in la is waydiiyo maxaa wacan? “what is good?”
Waxa uu rabay Socrate isbaddalkan in uu inoogu caddeeyo in shayga inoo muhiimka ah ogaanshihiisu aanu ahayn ogaanta caalamka iyo adduunka, ee uu yahay ogaanshaha aadanaha ee adduunka. “ ogaanshaha laftiisa”
Maxaa yeelay marka aynu ogaanno hababka nololeed ee aadanaha iyo bulshooyinka (iyada oo lagu ogaanayo dhugasho qofeed) (self –reflection) waxa inoo suurto galaysa in aynu ogaanno siraha adduunka ku duugan, maxaa yeelay aadanuhu ma awoodo in uu u fahmo adduunka guudkiisa waxa ka taagan si wacan illaa uu naftiisa wanaajiyo oo daahiriyo wacnaynteedana ka shaqeeyo.

gabi ahaanna waa shaqooyin gudeed, oo lagama maarmaan u ah aadanaha si uu u noqdo noole akhlaaqeed, kaas oo awooda in uu noolaado nolol wanaagsan. fiiri sida fikradani ugu dhawdhay ujeedada aayaddan qur’aanka ah (waxa aanu ku tusi doonnaa aayadahayaga addunka iyo nafahoodaba illaa ay uga caddaanayso in uu xaq yahay) fussilat53.
Hase ahaatee nolosha wanaagsan ee aadanuhu ma dhabawdo illaa inta laga helayo nidaam siyaasadeed oo wanaagsan, arrinkan ayaana ah yoolka iyo ujeeddada falsafadda siyaasadeed ee suqraad, iyo ciddii la aragti ahaydba .

W/q: Tiijaani cabdulqaadir.
W/T: Axmed Siddiiq
___________________________
أنظر أ.ه. آرمسترونغ. مدخل إلى الفلسفة القديمة، ترجمة سعيد الغانمي، بيروت: المركز الثقافي العربي 2009، ص ،32-33 :
: Sir Ernest Barker, Greek political theory: Plato and his predecessors (London and New York, Methuen, publications, 1st ed. 1918), p. G4
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan brtogoras iyo soofistiyiintii waxa aad ka fiirin kartaa:
برتراند رسل، تاريخ الفلسفة العربية، ج1، ترجمة زكي نجيب محمود، القاهرة: الهيئة المصرية العامة للكتاب، 2010
ص 139 ومابعدها
: Sir Ernest Barker, The political thoughts of Plato and Aristotle (New York, Dover publications, 1ne. 1st ed. 1959) p.32
: Sir Ernest Barker, Greek political theory, op. cit. p. 70
: Yanaing Chen & others Revival and significance of political philosophy at present time, frontiers of philosophy in china, v.1 n.3(sep,2006), p.513.

18/02/2023

Cabdulwahaab al-masiiri, hadii aad akhrido ama se daawato muuqaalada uu duubay, waxa kuu muuqanaysa manhajkii uu raaci jiray marka uu taxliilinayo aragtiyaha.
Manhajkaas uu digtoorku raacay ayaa ah "u fiirsiga iyo taxliilinta dhacdooyinka iyo aragtiyaha yaryar si loo gaadho aragtiyaha waawayn".

Tusaale ahaan: marka uu ka waramayo calmaaniyadda, sida ay waxyaabo yaryar oo aynaan dhaadanayn ugu jirti karto, waxa uu tusaale ahaan uu soo qaadanayaa filim kartoonka caanka ah ee " Tom and jerry".

Waxa uu digtoorku leeyahay " Filimkaas loogu talo-galay caruurta waxa sal u ah calmaaniyad, waxa caddayn u ah qof kasta oo daawada filimkaasi waxa uu la dhacayaa amase si ku talo-gal la'aan ah u taageeraa "Jerry". Kala saarista noocan ahi waxa ay ku qotontaa "Keebaa maskax badan, amase caqli badan" , kuma se qotonto "keebaa akhlaaq ahaan iyo manfac ahaan u wacan aqalka iyo reerka degan". Oo marka la eegayo maslaxadda reerka iyo wanaagoodaba waxa ka shaqaysa "Tom".

waxa ilmaha loo sawirayaa in qofka markasta wanaagaa wadaa uu doqon yahay, aduunkuna aanu ahayn meel ay tahay in qofku markasta wanaaga ka shaqeeyo, ee ay haboontahay qofku maslaxadiisa gaarka ah, haba qaloocanaatee ay markasta tahay ta saxan.

Waana asal ka mid ah usuusha calmaaniyadda in aanay muhiim ahayn akhlaaqda iyo wanaagu.

Cabdimajiid maax.

01/11/2022

TASAWUFKA XAQQA AH IYO TILMAAMIHIISA

Tasawufku waa mawaadiicda loogu doodda badan yahay bulsho waynta islaamka, jiilal badan ayay isaga soo gudubtay doodda laga qabo dulucdiisu. Marba dhinac ayay dooddaasi ka unkantaa, waa mar e’ fikirka uu ku taagan yahay iyo sida uu ula fal galayo nusuusta quraanka iyo sunnada, waa mar kale e’ fulinta iyo dhaqanada kasoo noqda falgalintaa ka dib. Dhinac Akhyaarta la dhacsan tajrubada tasawufku waxa ay kusoo dhawaystaan ruuxda iyo dhadhansiga xeesha dheer ee ku dhex googo’an tijaabadaa, dhinac kalane dadyowga ku gacan saydhaa waxa ay ku cileeyaan diidmadooda in uu yahay tasawufku dariiq xeerarka iyo xak**adaha sharciga intooda badan kaga talaabaya xaq la’aan. Casriyadii dambe isku maan dhaafsanaanta tasawufku waxa uu gaadhay heer dadka ku ab sheegta qaarkood ay si diinaysan u sugaan “ Kashfiga “ oo ah in qofku cilmi ka dahsoon ku ogaan karo awood u gaar ah ‘Ibnu carabi’ ( waxaan usoo qaatay qodobkan maadama uu yahay ka ay ku dul wareegaan laamaha doodda ka jirta tasawufka intooda badan ), jihada kalane ay gaadhsiiyeen in tasawufku sanka u bannaynayo oo ay si uun isugu sidkan yihiin xadaasada reer galbeed, maadaama labadooduba ka hor imanayaan tarbiyaynta saxan ee qofka muslimka ah. Doodda dambe waxa aad usii buun buuniyay oo wax badan oo aan kori karin korsiiyey tayaaraadka xarakiga ah ee mawqfika ka istaagay suufinnimada.

Dooddaas oo dhan waxa inaga soo koobi kara dhex galkeeda iyo ka gar soorkeeda in aynu qeexno halka aynu ka taagannahay tasawufka iyo aragtida aynu ka haysanno suufinnimada, ka dibne aynu taa ku dhisno maqaalkeenna inta kale. In yar Ka hor taas, aynu waxoogaa taariikhayno tasawufka iyo maraaxishii uu soo maray. Tasawufku asalkiisa iyo asaaskiisa koobaad waxa uu ahaa tijaabo ruuxi ah iyo ku cibaadaysiga khusuuc iyo qalbi soo jeed badan wata – aragtidaa ibnu khulduunne wuu qabaa – tijaabadaa ruuxiga ah waxa ay keensanaysay in qofku indhihii uu aduunka ku eegi lahaa qaab suhdi iyo la macno beel ah u dhigmaan ‘ereygaas baa ugu habboon la macno beel, jeebka halaguba hayee ‘. Wadooyinka iyo qaydaha u yaal tijaabadaasi waxa ay ahaayeen wax dadku si guud isaga yaqaan oo aan qornayn, balse mar dambe waxa ay noqdeen wax la qoro oo si cilmiyaysan loosoo bandhigo. Tabtaas ayuu ku ahaa tasawufku cilmi daneeya akhlaaqda iyo sidii looga dhigi lahaa qofka muslimka ah qof dhaqankiisa iyo akhlaaqdiisu quman yihiin, laga soo bilaabo xaaris al muxaasibii ( 243 H ) ilaa laga soo gaadhayo shihaab al diin al sahrawradi ( 632 H ) aragtidaas ayay iska dhaxlayeen oo lasii qurxinayay, tijaabooyin sii bilayane lagu sii kaabayay. Waxa xusid mudan oo halkaa iyane soo gali karta ka faaloodka waxa loo yaqaan “ Tasawufka Falsafiga ah “, kaas oo Imaam cabdulxaq iyo Imaam Sheeraasi hor kacayeen.

Waxa uu tasawufka juhdi badan galiyay ka faaloodka qalbiga bani’aadamka in ka badan caqligiisa, maadama uu qalbigu yahay hoyga ruuxiga ah ee insaanku leeyahay, in badanne hormuudka culimada tasawufku waxa ay rogrogeen nafta bani’aadamka iyo dabeecadaheeda, adayga ku gadaaman fahamkeeda iyo sidii loo hanuunin lahaa, hilinka Haadigane loo saari lahaa. Sidoo kale waqti iyo fikir badan waxa uu galiyay tasawufku qaddiyadaha aanay awoodda badan saarin fiqiga iyo falsafaddu, saddex qodob oo muhiim ahne wuu ka dhaqaajiyay aragtidiisa guud, sida Ibnu caashuurne uu ku tuun tuunsanayo;

1. Qodobka koobaad waa aqoon xeel dheer oo ku aaddan sidii bani’aadamka badhaadhe nafeed iyo dhammaystirnaan ruuxi ah loogu beegi lahaa. Waana halkaa halka ugu badan ee doodda u dhaxaysa fuqahada iyo mutasawifadu ka aloosmaan, maadama dariiqyada aqoontaa loo marayo ay ugu jirto qofka suufiga ah “ furitaanno Alle “ oo macnaheedu yahay in Ilaahay qofka dareenkiisa hoose ku beerayo toosin badan iyo tilmaamid xooggan maadama uu dhawaansho badan la yeeshay.
2. Qodobka labaad waa Is xisaabin iyo jihaad nafeed uu qofka mutasawifka ahi hagooganayo, si uu ugu dabro doonitaanadiisa nafeed, uguna toosiyo nafta dariiqa qumanaanta iyo tubta wanaaggu yaallo.
3. Qodobka saddexaadne waa qodob farsamo oo ah wadada toosinta iyo tababarka loo marayaa in ay dhabbaysnaanto, tijaabooyinkii badnaa ee loo galayne la isla wadaago iyagoo qodobaysan.
In yar markaa akhyaareey aynu kusoo laabanno hordhacaa kooban ka dib dulucda aynu u soconnay ee ahayd “ Tasawufka xaqqa ah iyo tilmaamihiisa “ kana bilowno horraantiisa qeexitaanka tasawufka.

Tasawufku marka aynu isku jarjarno in badan mufakiriinta iyo culimada qeexitaankiisa u holladay, kana hufo inta aan u arko in ay baal marsan tahay, waxa aynu ku sheegi karnaa “ Shaqada loo galo in cagta la saaro dhabbada Mawle inoo dhawaynaysa “. Qeexitaankaa kooban baan u xulay tasawufka, maadama seeska fikirkiisu ka dhaqaaqayo in shaqo iyo hawl badan la galiyo bani’aadamkan khaladka badan si uu Ilaahay ugu dhawaado, jacaylkiisane u mutaysto.

Shaqada tasawufku hayo waxa ugu horraysa in qalbiga bani’aadamka laga dahiro, dagaalne lagala galo in ay soo galaan cudurada qalbigaa ku dhaca; hawo raacnimo, qaflad/mooganaan, xaasidnimo iyo kuwa la hal maala, marxalad tawbad keen ah oo qofku wixii h**e uu kaga maydhanayane ay markaste cusboonaato. Waxa shaqadaa soo labeeya in qofka lagu tarbiyeeyo sidii uu naftiisa u qabad siin lahaa u hogaansankan amarada Alle ugana go’i lahaa wax kaste oo uu mamnuucay, ( halkaas ayay imanaysa darajada ay u bixiyaan ‘warac’ “, shaqada saddexaad ee labadaa dhammaystirka u ah waa in qofku waqtiga oo dhan tubtaa wanaagsan cagta ku hayo, haddii marar uu baalmarane degdeg usoo dabro xubnihiisa oo dhan, qalbigune ugu horreeyo. Shaqada ugu adagne aragtidayda waata saddexaad “ cagta ku haynta wadadaa toosan “

Tilmaamaha aynu ka rabo tasawufka xaqqa ah:
Marar badan marka ay ii gudboonaato doodda ah; ka dhigashada tasawufka wado fikir oo duluc badan oonu tijaabin qofku si indha la’a isaga difaacdo ama si la mid ah taas naqdin badan miciin bido iyo dhanka kale ka dhigashada tasawufka waddo lagaga badbaado cudurada badan ee casrigan yaalla, waddo aynu dhadhanka cibaadadeenna ku ilaashanno, jidka ilaahayne isugu soo celinno haddii duruufuhu ina jiitaan, markaste oo labadaasi ii gudboonaadaan waxa aan doorka siiyaa ka dambe, balse mar haddii kaas qudhiisa dood fikir ka daba imanayso waa in tilmaamihiisa oo tubta xaqqa ah haysta la isla fadhiisiyaa.

1. Tilmaanta koobaad; tasawufka xaqqa ah waa in uu u san bannaan yahay manhajka ku degsan quraanka iyo sunnada nebiga NNKH ee quraankaas hoos tagta. Qodobkaas waxa uu muhim u yahay in xuduudda tasawufka la xadido, si aanu u noqon wax cid kaste koobkeeda u darsato, loogana gaashaanto suufinnimada la caalamiyeeyay ee waqtiyadii ugu dambeeyay saaxada timi.
2. Tasawufka xaqqa ah ee aynu rabnaa waxa ay muhiimaddiisa ugu wayni tahay in aduunka qalbigeenna laga saaro, ( waa iska war cad in aduunka loo shaqaysto, muhiimad badanne ay leedahay taasi ) tareenkan dheeraynaya ee qofka waqtigan magaalowgu batay saaran yahayne uu inaga nasiyo, ahaanshaheennii saxda ahaa ee fidradu sarraysay inoo celiyo, qalbigeenane ruux badan oo ay ku tamariso galiyo. Tiirkaasi waa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee tasawufka aynu rabno uu ku suntan yahay.
3. Tasawufka xaqqa ah ee aynu rabno waa in uu xujjo ku dhisnaado, xujjadaas sal quraan ha yeelato, sal tijaabo ha yeelato, mid caqliyeed ha yeelato ama ugu yaraan mid ruuxi ah ha yeelato. Meesha k**a wada saarayo in waxyaabo badan oo qofka darajo sare gaadhay, wadada Ilaahayne muddo badan hayay uu la gaar noqon karo, iimaan badan iyo is dhuldhig badanne ay u baahanayso si loo fahmo, ta aan u socdaa se waxa ay tahay jiridaha tasawufka waa in xujjo adag lagu istaajiyo taas oo maangalnimada aan ka baxsanayn.

Dhawrkaa qodob ee aynu tilmaamo guud uga dhigi karno tasawufka xaqqa ah ee aynu rabno ka sokow, waxa mudan in aynu baraarujinno laba qodob oo mid yahay; kala soocista suufinnimada iyo suufiyaasha, taas oo macnaheedu yahay tasawufka xaqqa ah caynkiisu waa cad yahay mararka qaarkood dood halaga galaba e’, dadka se dhabada suufinimadaa I dhaahda waan raacaynaa qalado badan ayaa ka dhici kara, taasne eed loogama dhigi karo tasawufka. Qodobka kalane waxa uu yahay; waqtigan aynu joogno hadda ee qofka muslimka ah suuqqa iyo nolosha ‘ istihlaaka ‘ ku dhisan kala goosteen baahi wayn baynu u qabnaa tasawuf macno leh oo ruuxdeenna qooya, qalbiyadeenane mooganaan badan oo maalinle usoo raacda ka hufa. Taasne waa qodob kale, wabillaahi tawfiiq, Madad bilaa cadad.

Maygaag Maxamuud Sheekh.

*Tixraacyada qoraalka qormada labaad baynu ku wada sheegi idam Alle.

11/09/2022

📌اعلان تأجيل
متابعينا الكرام تم تأجيل المحاضرة المعلنة حول (سؤال النهضة واشكالية بناء الدولة في الصومال) لأسباب وظروف فنية، ونعتذر عن تأجيل المفاجئ، وسيتم تأكيد التاريخ والموعد قريبا بادن الله.
مع وافر التحيات والتقدير....

10/09/2022

من المهام الاساسية لكل باحث في الشأن السياسي الوعي بطبيعة الدولة الحديثة، والوعي في سياق تشكلها لمعرفة منطلقاتها وتوجهاتها، لتكون له القدرة في تبنّيها والدفاع عنها رغم حمولتها المعرفية أو رفضها وتقديم الحجج في دحضها.

فالدولة الحديثة إستبطنت في قيامها رؤية مادية حول الله والكون والإنسان، ومنظومة قيم قائمة على المنفعة والمصلحة،
لذالك فإن رؤيتها للوجود وحتى تشكُّل علاقاتها مبنية على تلك الأسس،
ولهذا ينطلق بورديوا في حديثه عن الدولة الحديثة بأنها دولة الإكراه والسيطرة وفيبر بأنها المؤسسة التي تحتكر إستخدام العنف المشروع، والإكراه يتطور كما يتطور العنف، من العنف المادي المباشر الي العنف الناعم غير مباشر. أو بمعنى السيطرة التقنية على الإنسان وتسييجه في نطاق محدد حتى في أذواقه وخياراته بدون أن يشعر كما في مؤلفات فوكو.
ودولة سيطرة لأنها تغلغلت في أعماق الإنسان، حيث وضعت نماذج معينة للتقدم والتطور وللوعي والذوق وحتى للفن والجمال.
وفي ظل الحداثة والعولمة وإنفتاح العالم كله على مصراعيه وفرض الدولة الحديثة على العالم لم تعد هنالك مشاكل شرق وغرب، بل تمت عولمة كل شيء حتى القوانين المتعلقة بالاسرة.
فالمهم عند نقد الدولة الحديثة وعند الحديث عنها هو العودة إلى الأصول التي قامت عليها في بداية نشأتها والمبادئ التي دعت إليها والتي إعتبرت فيها أن الإنسان لايعيش الا في عالم واحد وهو العالم المحسوس وأنكرت اي عالم غيبي مفارق.
وأيضا الادراك الجاد بان أي إشكال سياسي له خلفية ثقافية، لأن الدولة عندها رؤية عن الكون وعن الإنسان والحياة ككل، ولايوجد في العالم دولة ليس عندها خلفية معرفية سواء كانت ظاهرة أو مضمرة، فمثلا ماركس جعل اساس الوجود هو المادة، لذالك كل رؤيته عن الإقتصاد والإجتماع والسياسة متمحورة حول هذه الرؤية وأي نقاش حول المشروع الماركسي ينبغي أن يدور حول الأصل أي الجوهر، لا النتيجة التي توصل إليها.
فبعدها يأتي دور الحديث عن البنية الفوقية والتحية إن كان صواب أم خطأ، فكل الترسانة المعرفية والمادية الضخمة يتوقف على المقولة الأساسية المؤسسة.
وهي التي ينبغي أن نركز عليها عند حديثنا أو نقدنا لأي مشروع فكري؛
لذالك فإن العمل الشاق والمهم هو أن ندرس أنظمة هذه الأفكار وسياق تكونها ثم نموها وتطورها

08/07/2022

تهنئ مجموعة رواد الوعي المجتمع الصومالي والأمة الإسلامية أجمع بحول عيد الأضحى المبارك، سائلين المولى أن يتقبل منا ومنكم صالح الأعمال، وأن يعيد علينا الرمضان أعواما عديدة وأزمنة مديدة.
فالعيد شعيرة من أكبر شعائر الإسلام التي تتجلى فيها العلاقة الوطيدة والممتدة بين جموع المسلمين في مشارق الأرض ومغاربها.
ونسأل الله أن يفتح بين المسلمين بالحق ويفك أسرهم، ويشفي مرضاهم، ويجعلهم هداة مهتدين. وينصر المستضعفين في كل مكان.

28/05/2022

Bismillah.

Qormadeenii 1aad.

Dhibaatada dhalinyarta muslimka ah ka haysta caro-edagaynta xiligan (casrigan).

Caro-edagayn waxa aynu ku qeexi karnaa xaalada ay ku dhex faafayso bulashada aduunka dhaqanka isticmaalku oo ah (in uu qofku ku bixiyo xoolihisii anba lacagtiisi alaab iyo khidmado aan daruuri ahayn),iyada oo looga dan leeyahay in lagu kaabo suuqyada waawayn ee ra’samaaliga ah,waxaana laga dareemayaa falcelinta dhaqankaa hab-usocdka nolasha bulshada.

Caro-edagayntu waxa ay ka soo ifbaxday markeedi h**e USA,kadib markii ay gacanta ku dhigtay dhaqaalihii caalamka iyo siyaasadiiba,sidaa daraadeed qoraayo badani waxay muhiim uarkaan in loofahmo caro-edagaynta in aytay “Americanist”.

Warbaahint-gaar ahaan muuqaalka ah-waa dariiqada asaasiga ah ee lagu qancin karo bulshada aduunka in sacaadada qofku ay ku ay ku xidhan tahay inta uu awoodo uleeyay in uu wax iibsado “gato” qiimaha qofkuna uu leegyahay inta uu ku bixiyo waxa uu cunayo,cabayo,xidhanayo,fuulayo iyo meesha uu dagyaba,intaas oo dhana waa in loo raaco habka reer galbeedka “American ka gaar ahaan”had iyo jeerna waa inta la xayaysiiyo.

Quraan ka waxa aynu ka helaynaa iyada oo aad loo diiday xad-dhaafka “israafka” Inka badan 12 meelood ayaa lagu diiday ,waxaan ugu adag ayaada uu alle ku leeyay quraankiisa
*(☆...وَأَنَّ الْمُسْرِفِينَ هُمْ أَصْحَابُ النَّارِ☆) غافر ٤٣

Hadaba hadii qofka dhalinyarta ah ay saacidi waayaan duruufta dhaqaale in ay uxaqiijin
waa yaan naftiisa heer dhaqaale oo ucayminaysa xalad bulsheed oo ku munaasiba,waxaa laga yaaba in uu qalooc bulsheed ku imaado gaar ahaan marka ay daciif tahay khlafiyadiisa diineed ,sidaa darteed waxaa badanaya isdilka, laqabsiga maandooriyaha,qalooca jinsiga iyo ku milanka kooxaha fal-danbiyeedada gala.

Inaga oo ka duulayna fikrada ah “in laxadido mushkiladu waa talaabada koobaad ee dawaynta”waxa aynu u diyaarinay qormadan iyo kuwa lamid ka ah ee soo sodaba in aynu ku soo koobno dhibaatooyinka ugu cadcad ee ay kaga tagtay caro-edagaynta xiligani dhalinyarta muslimka ah,waxaynan doorbididoonaa inaynu muhiimada saarno inaynu garano waxyaabaha ku keenaya iyo cawaaqibta ka dhalankarta,inaga oo soo bandhigayna xuluul ku haboon dhibkasta gaar keeda.




Cabdiraxmaan Mustafe

18/05/2022

سلسلة الإحتراق الثقافي
Waa taxane kusoo bixi doona maqallo haddii Allah idmo.
Soo jeedin: Cabdiraxmaan Mustafe

Want your school to be the top-listed School/college in Khartoum?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Rouwadalwayi@gmail. Com
Khartoum