Tubta Toosan

Tubta Toosan

Share

Islamic Da'awah Centre

07/11/2024

Sufyaan Al-thawri waxa uu ahaa imaaam aad loogu yaqaanay suhdiga, waxa uuna kamid ahaa culimada muslimiinta kuwii ugu waa weynaa dhan walba, waxaa lagu magacaabi jiray Amiirka Mu’miniinta ee Cilmiga Xadiithka sida uu Xadiithka u xifdiyay una ilaalin jiray darteed, sidoo kale waxa uu kamid ahaa culimada cibaadada badan, habeenkii oo dhan ayuu Alle u istaagi jiray, arday kamid ah ardaydiisa ayaa waxa uu yiri:

Waxa aan arkay Sufyaan oo Xaramka joogo salaadda maqrib siduu u sujuuday lagu adimay salaada cishaha, laakiin sidaas ay tahay waxa uu ahaa nin uu Alle hanti badan siiyay, nin ayaa isku dayay in uu ku ceebeeyo hantidiisa badan markaas ayuu yiri: side suhdi iyo hantidaan badan u kulmaayaan?

Waxa uu yiri Sufyaan: aamus.! hantida haddii aysan ahaan laheyn, Boqorrada waxa ay aqoonyahaannada ka dhigan lahaayeen istiraasho, kadibne waxa uu yiri: suhdigu ma’ahan cunto qalalan in la cuno ama dhar duluf ah in lagu labisto laakiin suhdiga waa in aad Adduunyada gacantaada ku heyso oo aysan qalbigaaga u gudbin, oo aadna u aabbayeelin in aad hesho ama in aad weydo.
Cumar Binu Khaddaab RC ayaa markii uu arkay nin Masaajidka iska fadhiyo oo cibaado u go’ay meelna aan aadeynin, dadka ayuu weydiiyay xaaladdiisa waxaana loo sheegay in uu yahay saahid cibaadada u go’ay, waxa uu yiri: yaa wax siiyo?, waxaa ay dhaheen dadkii: annaga ayaa wax iskugu dardarno, waxa uu yiri -Cumar: adinka ayaa ka cibaado badan asaga. Nin saahid iska dhigaayay ayaa waxa uu damcay in uu ceebeeyo imaamka lagu magacaabo Abuu Al-Xasan Al-Shaadili oo dhar qaali ah ku tukanaayay salaadda, si la yaab leh ayuu u yiri: oo dharkaan miyaa Alle lagu caabudaa?!
Abuu Al-Xasan waxa uu ugu jawaabay: dharkaan aan wato waxa ay cadeynaayaan dadka in aan ka kaaftoomay, balse adiga dharka aad wadato waxa ay tilmaamaayan in aad wali dadka u baahan tahay!

Waa sidaas suhdigu waa mid kamid ah acmaasha qalbiga, waa cibaado u gaar ah, waxba k**a galin xaaladaadda iyo jirkaaga sida uu yahay, waxaa laga yaabaa adiga oo wax walba heysto in aad Alle agtiisa saahid ka tahay waayoo qalbigaaga ayaa rabbiga abuurtay ku xiran, sidoo kale waxaa macquul ah adiga oo aan waxba heysan in aad Alle agtiisa ka tahay qof aan la mahdinin, waayoo qalbigaaga ayaa rabbigiis u careysan, suhdiga ma’ahan in aadan waxba heysan, balse suhdigu waa in aysan adiga waxba ku heysanin!
Sidaas darteed ayaa ay dadkii wanaagsan ugu duceysan jireen: ilaahoow Adduunyada innaga dhowr oo inagaga filnaaw.

Buugga Sahay

Tarjume: Muhammad Bin Farah

07/11/2024

Xadithka Manta 69 aad

Anas Allaha haka raali noqdee waxa laga wariyey in Nabiga SCW u yiri; Qof idhinka idhin kamid ah dhab ah lagama helin ila an ka ahaado mid u ka jecel yahay asaga xagiisa labadiisa Waalid ee dhashay, Ubadkiisa iyo dadka dhan.

Bukhari iyo Muslim ayaa wariyey.

31/10/2024

Xadithka Manta 68 aad

Anas Allaha haka raali noqdee waxa laga wariyey in Nabiga SCW u yiri: Alle wuu ka raali addoonkisa Inu cuno cunto ugu mahadiyo Alle cuntadas u cuinay AMA cabay cabitaan ugu mahadiyo Alle wuu ka raali noqda Alle.

الحمد لله

Muslim ayaa wariyey

30/10/2024

Haddii Xanuun Jirkaaga ku yimaado Meesha aad kacabanayso ayaad gacanta saaraysaa, Dabeeto 3 jeer ayaad odhanaysa Bismillaah, intaa kadib Ducadan ayad isku akhriyaysaa 7 jeer
أعوذ بعزة الله وقدرته من شر ما أجد وأحاذر
Dar-daarankan wuxu Rasuulku SAW siiyey Saxaabi Xanuun ka cawday..

30/10/2024

Xikmada 132.

Hala qoslin oo hala ciyaarin, Adiga ayaa dib ka ooyin doonta hadad la qosasho.

وَلا تضحك مَعَ السُّفهاءِ لَهواً
فإِنَّكَ سوفَ تَبكي إِن ضحِكتَا !

- أبو إسحاق الألبيري

20/10/2024

Xadithka Manta 67 aad

Anas Allaha haka raali noqdee waxa laga wariyey in Nabiga SCW u yiri: Safafka sima.
Safafka oo la sima waxay kamid tahay Salaada
oo la hagaajiyo.

Bukhtari iyo Muslim ayaa wariyey

17/10/2024

Xadithka Manta 66 aad

Anas Allaha haka raali noqdee waxa laga wariyey in Nabiga SCW inuu yiri: Fududeya oo Diinta dadka u fududeya oo haku cusleynina, U bishaareya oo kheyr iyo wanaag dadka ugu bishareeya oo diinta dadka haka racdeynina.

Bukhari iyo Muslim ayaa wariyey

05/10/2024

Xadithka Manta 65 aad

Anas Allaha haka raali noqdee waxa laga wariyey in Nabiga SCW inuu yiri: Qofkii dhinta waxa raaca sedax, Labo way kaso laabtaan midna wuu ku hara. Waxa raaca Ehelkiisa, Maalkisa iyo Camalkiisa. Ehelka iyo Maalka way kaso laabtaan Camaalkiisa ayaa u baaqi noqdaa.

Bukhari iyo Muslim ayaa wariyey

29/09/2024

Xadithka Manta 64 aad

Anas Allaha haka raali noqdee waxa laga wariyey in Nabiga SCW inuu yiri: Sabarka waa waqtiga ugu horeyaa.

Bukhtari iyo Muslim ayaa wariyey.

26/09/2024

Xadithka Manta 63 aad

Anas Allaha haka raali noqdee waxa laga wariyey in Nabiga SCW wuxuu ahaa mid dhaa: Allow Addunka nasii wanaag, Aakhirana nasii Wanaag, Nagana badbaadi cadaab.

Bukhari iyo Muslim ayaa wariyey

25/09/2024

Xadithka Manta 62 aad

Anas Allaha haka raali noqdee waxa laga wariyey in Nabiga SCW inuu yiri; Qofkii jecel in loo waasiciyo arzaaqda, Cumrigisane loo waasiciyo ha xaririyo Qarabadiisa.

Bukhari iyo Muslim ayaa wariyey

24/09/2024

Dadka waxaa u caajisnimo badan kan awoodi waaya inuu Ilaahay baryo.

Sheekh Mustafa Xaaji Ismaciil Harun

Want your school to be the top-listed School/college in Mecca?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Mecca