21/04/2018
Good job of Kafaalo!
Geediga looga guuraayo jahliga waxaa uu marayaa meel fiican. Guul insha allah.
Kafaalo is an international relief, development and independent organization founded in 2005. Kafaal
21/04/2018
Good job of Kafaalo!
Geediga looga guuraayo jahliga waxaa uu marayaa meel fiican. Guul insha allah.
16/04/2018
Gurmadkii Qaraxa Isgoyska Zoobe
Gurmadkaan waxaa ka qeyb qaatay oo lacagaha soo aruuriyay maraakis, jaaliyado, shirkado iyo shakhsiyaad.
Saddex iyo toban qoys oo ka mid ahaa qoysaska dhibaatada ugu badan soo gaartay ayaa jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Sweden shaqo u abuureen.
Fulinta barnaamijka waxaa iska kaashaday hayada Kafaalo iyo Guddiga Gurmadka ee Qaraxii Zoobe.
16/04/2018
https://www.youtube.com/watch?v=gV23Yng5wM0
Gurmadkii Qaraxa Isgoyska Zoobe
Waxaan idiin soo gudbinaynaa natiijadii gurmadka qaraxa zoobe . Gurmadkaan waxaa ka qeyb qaatay oo lacagaha soo aruuriyay maraakis, jaaliyado, shirkado iyo shakhsiyaad.
Fulinta barnaamijka waxaa iska kaashaday hayada Kafaalo iyo Guddiga Gurmadka ee Qaraxii Zoobe.
kafaalo - Gurmadka reer Sweden Qaraxii Zoobe Gurmadkii jaaliyada Sweden u samaysay dadka qaraxii isgoyska zoobe wax aga soo gaareen.
28/10/2017
Hay,ada Kafaalo oo Maanta dhaqaale ururin lagu taageerayo ka samaysay Suuqa ganacsiga ugu wayn Gobolka Dalarna ee dalka Sweden. Waxaa ku Mahadsan Muwaadiniinta u istaagay howsha iyo Center-ka wayn ee Kupolen oo ogolaansho siiyey Kafaalo.
28/10/2017
28/10/2017
Kafaalo oo ka qayb qaadanaysa Gurmad Qaran. Halkani waa Borlänge Sweden.
23/10/2017
GURMADKA SWEDEN EE MUQDISHU
Culumada Sweden waxay ku baaqayaan in juhdi laga mideeyo si caawinteenu waxtar u yeelato.
Kusoo hagaajiya wixii caawin ah:
SWISH: 9002999
PG: 900299-9
BG: 900-2999
18/10/2017
GURMADKA QARAXII MUQDISHU EE REER SWEDEN
GURMADKA QARAXII MUQDISHU/STÖD TERROROFFREN I MOQADISHU
Magaalada Muqdishu waxaa ka dhacay xusuuq waxyeelo badan gaarsiiyay shacab Soomaaliyeed. Waxaa geeriyooday in kabadan 300 oo qofood, dhawaacana wuxuu kor u dhaafay 300 oo qofood. Qof kasta waxaa laga codsnayaa in uu ka qeybqaato kaalmada walaalaha dhibka weyn kasoo gaartay musiibadan. Kaalmadaada kusoo hagaaji hayadda Kafaalo Organization oo la shaqaynaysa Guddiga Gurmadka Qaran.
Kaalmadaada kusoo hagaaji:
SWISH: 9002999
BANKGIRO: 900-2999
SMS KU QOR SOMALIA 100 AMA SOMALIA 200 U DIR 72970.
Xiriir: Abdihakem Mohamed 46737310541.
27/07/2017
GURMADKII ABAARTA SIMAN
Hayadda Kafaalo oo wadashaqayn la leh maaraakis, jaaliyado ´, shirkado iyo shakhsiyaad ayaa u gurmaday dadka abaarta Soomaaliya ku qabsatay.
Hayadda Kafaalo ayaa ku wareejisay guddiga qaran ee gurmadka abaaraha(national drought response committe) lacag dhan 107,460$ oo dhiganta 1016,371 kronor.
Ilahay swt ha idinka aqbalo sadaqadiina aad la baxdeen.
https://www.youtube.com/watch?v=z7Qv3rgwHOs&authuser=0
16/03/2017
GURMADKA ABAARAHA SOOMAALIYA
Abaartii abid u xumayd oo dadka samaaysay 6 million ka badan baa caawin degdeg ah u baahan. Fadlan u damqo walaalahaa, caawi, Alle dartiis.
Waxaa muuqata dayac, rafaad, gaajo, hooy la'aan, dhimashada iyo dhibaatooyinka aan la soo koobi karin ee dadkeena Soomaaliyeed ku habsadey. Runtii hurdo, cunto , kaftan iyo kibir midna umma eka qof arkaya dhibaatada dalkeena iyo dadkeena haysata.
Hayadda Kafaalo waxaan ugu baaqaynaa dadweynaha degen Sweden in walaalahood dhibaatysan u gurmano. Waxaana soo dhawaynaynaa qof kasta oo dhibtaan wax ka geysan kara. Haysashada 90 konto waxay inoo fududaynaysaa in si fudud loogu gurman karo walaalaheen. Caawintaada kusoo hagaaji:
SWISH 9002999, BANKGIRO 900299-9,
SMSA SOMALIA 100 u dir 72970,
SMSA SOMALIA 200 u dir 72970
Xiriiir: Abdihakem Adan, 46737310541
Dib u habayn lagu sameeyey qalab xafiiseedka
KAFAAALO ACADEMY GANAANE
KISMAYO -SOMALIA
02/03/2017
Kafaaalo Academy Ganaane Center of excllence
Kismayo-somalia