04/08/2025
Dad aan hadalkooda la maqal.
Bulsho kasta waxaa ka dhex jira dad aan hadalkooda la maqal lakiin u bahan garab istaag weyn iyo in la dhageysto, ma ahan dad aan wax sheegi karin balse waa dad aanba hadalka waxba ugu fadhin oo wayahooda ka weyn yahay lana halgamayaa nolosha noocyaha badan.
Waxaa ka mid ah hooyada Soomaaliyeed oo subax walba u toosta in ay keligeed koriso ubadkeeda, iyadoo aan haysan garab istaag iyo qof dhageysta, Codkeeda inama soo garaa/ mana gaaro goolaha bulshada mana ka hesho garab dowlada iyo dad u dhaw.
Waxaa kale ka mid ah dhalinyarada si adag wax ku soo bartay, haddana aan shaqo helin, laguna xujeeyay ina hebel maa tahay, Waxay dareemeen niyad jab heerkii ugu sareysa oo waxay fadhiyaan guryahooda iyago dareemayaa quus iyo inay wadankaba waxba ka aheen
Codkooda qofna sooma gudbiyo iyagana hadalkii waxay ka door bideen badda ineey ku dhintan.
Carruur darbi jiifka, aan haysan hooy, daryeel, iyo cunaba waxaa laga yabaa inay udheertahay garaacista bulshada ku dhaxnoolyihiin ama faquuq aad uweyn inay hadlaan iska dhafee caruurtan qof og ayaanba jirin iyagana waxay bursadaan cuntada maalintaas ay nafta ku ceshan lahayeen
Dadka aan codkooda la maqal ma ahan kaliya kuwaan way ka badan yihiin waxay ubahan yihiin garab istaag, in la dhageysto xanuunkooda, hiil iyo waxaa karaankeena ah inaa siino., Haddaba aan maanta ka bilaawno aan dhageysano afna aan unoqono dadka aan hadalkooda la maqal .