18/10/2021
WARGELIN MUHIIM AH?
wareegto xil magcaabis:
As dhamaan shacabwaynaha reer puntland ee ku dhaqan dalka malaysia
waxan filyaa wax badan waxaad sugayseen soo magcaabista xubnaha ururka (PSSM) waxan ina ka raali galinayaa wakhti aan galiyey soo dhisida xubnaha walow ay muhiim tahey in wada tashiyo badan lasameeyo iyo xog ururin badan si aan u heleelno dad u qalma shaqada ay qaban doonaan hadii rabi idmo.
10/06/2021
WARGALIN:- YAA KUMETELA MUWAADIN: Jamaal Max’ed Xildhibaanka Haylaan (8Qodob oo aan eegayno) Ma yahay Metele iyo Adeegge Bulsho:- QEYBTA 1AAD
LA SOCO 01:00duhurnimo
09/02/2020
Ardaydii xalay kasoo muuqatay muuqaalkii lagu baahiyey baraha bulshada ee dareenkooda ka bixiyey Arrimaha ku gadaaman Waxbarashada Puntland ayaa Madaxtooyada Puntland ku amartay in ay kasoo muuqdaan Warbaahinta.
Maamulka Dugsiga ayaa lamariyey fariinta ah in ay Ardaydan laga joojiyo Waxbarashada, haddii aysan kasoo muuqan warbaahinta oo aysan raaligalin khasab ah bixin.
Tv-ga dawladda ayaana muuqaal ka duubay Ardaydan oo lagu qasbay jawaab-celintan.
21/12/2019
MAAMULKA PUNTLAND OO ISBAARO HORDHIGTAY KULLIYADA CIIDANKA BOLISKA QARANKA SOMALIYEED EE DEG/CARMO.
Kuliyada Tababarada Ciidanka Boliiska Qaranka Somaliyed Ee Degmada Carmo Ayaan Sanadkan Laga Xusin 76 sano Guuda Ka Soo Wareegtay Asaaska Ciidanka Boliiska Somaliyed
Kadib Markii Taliyaha Ciidanka Boliiska Puntland Mauxiydiin Gacamey Uu Amray In Ciidanka Kuliyada Ee Banboydu Ay Xuska Ku Dhigaan Garoowe Taas Oo Dhalisay Khilaaf Soo Kala Dhexgala Muxaydiin Gacamey Iyo Taliska Sare Ee Kuliyada.
Puntland Ayaa Ciidanka Baanboyada Iyo Saraakiishoda Oo Ah Heer Fadaral Uga
Faa,idaysata Munaasabadaha Kala Duwan
Maadama Ay Yihiin Ciidamo Tababaran
Sidoo Kale Qalabka Baanboyda Ayaa Yaala Kuliyada Oo Keliya Degaanada Puntland
Taas Oo Keentay In Maamulka Puntland Ay Kuliyada Xasuustan Xilyada Ay Jiraan Munaasabadaha Waaweyn Oo Keliya.
Balse Munaasabada 20 Dec Ayaa Ka Duwan Munaasabadaha Kale Oo Ay Waajibtahay In Laga Xuso Kuliyada Tababarada Ciidanka Boliiska Qaranka Somaliyed
Madaama Ay Tahay Halkii Lagu Bixinayey Tabarada Ciidanka Ka Hor Inta Aan Maamulka Puntland Amrin In Ay Ciidanka Baanboyda Oo Ah Cutub Ka Tiransan Ciidanka Boliiska Ee Kuliyada Ay Soo galaan garoowe
Waxaa Kuliyada Ka Socday Qaban Qaabo Balaaran Oo Ciidanka Kuliyadu Ugu Diyaar Garoobayeyn Xuska Maalintaaasi Kuwaas Oo Qaarkod Ay Ka Soo Safreen Gobolo Kala Duwan Si Ay Uga Qayb Galaan Xuska Maalintaasi Oo La Qorshaynayey In Lagu Qabto Gudaha Kuliyada Ciidanka Boliiska Qaranka Somaliyed Ee Degmrada Carmo.
Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Kuliyada Ayaa Xaqiijiyey In Ay Qorshaynayaan
In Marka Ay Ciidanku Ka Soo Laabtan Garoowe
Qabtaan Munaasabad Balaaran Oo Ay Ku Xusayaan 20 Dec 2019 Oo Ku Beegan 76 Sano Guurada Asaaska Ciidanka Boliiska Somaliyed