23/09/2025
Jaliyada Puntland Ee Dalkaan Malaysia Waxay ka tacsiyaynaysaah Geerida xaq ah Oo ku timid General Ahmed Abdi Qalyare (Qarjab)إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaaah Ciidanka Amniga, qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Gen. Axmed Cabdi Qalyare, Taliyihii Guutada 2aad, oo ku geeriyooday qarax miino ka dhacay deegaanka Dhasaan ee degmada Qandala, gobolka Bari.
Waxaa la geeriyooday Marxuum Maxamed Hiiteeye, oo ka mid ahaa ciidanka geessiyaasha ee Puntland.
General Axmed wuxuu ahaa sarkaal adag, geesi ah, qiyam leh, kana mid ahaa hoggaamiyeyaashii safka h**e kaga jiray dagaalka lagula jiro argagixisada, naf iyo waayo-aragnimo badan u huray difaaca dalkiisa iyo dadkiisa.
Dhiiggiisa iyo dhiigga shuhadada kale ee dalka u huran ma lumin doono. Argagixisada falkaas ka dambeysay lagama hari doono, waxaana lagu beegsan doonaa awood iyo cadaalad.
Howgalku waa soconayaa ilaa laga cirib tiro wax magaratada aan jidka iyo jihada toona lahayn
(Sad To See Him Gone)